Yaa U Wakiishay Madaxweyne Mustafe, Axmed Shide Iyo Xisbiga XDS Inay Ka Taliyaan Masiirka Soomaalida?

Waxaan dhagaystay wareysi dheer uu buuxiyey Gudoomiyaha Xarunta xisbiga ee SDP, Shale. Waxa uu la qaybsaday dhagaystayaasha ESTV wax u eg “beerka jecli/xaydha jecli.” Mudanuhu waxa uu sheegay in ay go’aansadeen in ay ku darsamaan xisbiga PP. Hadana waxa uu raaciyey in ay hindisaha ku biirka ay dib ula soo noqon doonaan oy umadda Soomaaliyeed talo weydiin doonaa. Talo weydiin hada ka hor loogama baran xisbigan SDP.

Isla shalay waxa shaashadaha Addis Ababa ka dul baxay lataliyaha MW Mustafa dhinaca sharciga, Jamal Diiriye. Jamaal waxa uu si adag u cambaareyey “gacan bidixaynta PP ku hayso bulshooyinka xoola dhaqata.” Mindhaa, shan iyo toban (15) jeer ayuu eraygaas isticmaalay, halka uu Soomaali waxaan laba jeer ka badnayn uu carabla ku dhuftay. Labadan masuul hadaladooda isdhaafsan waxa dadka qaarkoo u arkeen in ay ka turjamayaan kala jab ka dhex yimid Wasir Axmed Shide (Shaale) iyo MW Mustafa (Diiriye).

Garyaqaan Jamaal aad ayuu ugu talax tagay ereyga “xoola dhaqato.” Waxaan kala garan waayey in uu Soomaali u doodayo iyo in uu xil gaar ah iska saaray 17 million ee xoola dhaqatada ah ee Itoobiya ku nool. Waxaan ka geyn waayey in aan kaligey isla hadlo oon idhaahdo “ninkii tiisaba daryeelaa tukale wax ka tara!”

Waxa iyna saaxada wargeysyada iyo barta bulshada xoog u soo galay xoogagii iyo shaqsiyaadkii mudo soo amaanaayey Dr. Abiy maantase weerar ku qaadaay. Xataa waxa la hayaa shaqsi Soomaali ah oo Dr. Abiy ku sifeeyey “rasuul,” maantase cambaareynaya.” Ciil ka ma kore iyo calooshiis u shaqayste xaga siyaasada warkiis lama dhageysto.

Iyada o sidaas arin tahay, hadaba ma moogi khtarta xisbiga cusubi inagu keeni karo. Dr. Abiy nidaamka federaalka Duulane ma ku noqon karaa? Bal marka hore aan yar jaleecdo halgankii Soomaaliyeed.

Mudo Afartan sano (40 years) ayaa laga joogaa dhamaadkii dagaalkii ugu weynaa aa kadhaca Geeska Africa, dagaalkaas oo dhexmarey Soomaalida iyo dawladii Xabashida ee Mengistu Xayle Mariam hogaaminaayey.

Waxa dagaalkaa farah la soo galay xoogaga rer-galbeedka, kuwii dhinaca Beriga (Soviet Union), Carabta, Cuba, iyo xataa Africa. Ilaa in ka badan 25 buug oo muhiim ah ayaa xiligaas arintan dagaalka laga qorey.
Waxa kale oo dhagaalkan si xogogaalnimo ah faraha ula galay Henery Kisiinger iyo Zbigniew Brzezinski. Henery Kisinger waa wasiru dibadeedkii ugu tunka weynaa dalka Mareykanka (Kissinger played a dominant role in United States foreign policy between 1969 and 1977). Brzezinski isna waxa lagu xasuustaa in uu ahaa ninka ugu tunka weyn xaga lataliyaha gaarka ah dhinaca amiga ee Maxweyne Carter, markii dambena ku soo caan baxay u xaglinta arimaha Soomaalida ( He served as the National Security Advisor between 1977-1981, and he is considered to be the best ever national security advisor. Also, he was an intellectual giant).

Rag Soomaaliyeed oo la fac ahaa amse aan ka laalaadin ayaa xiligaa Soomaali u muciinayey. AU Xuseen Qaasim, Mohamed Samtar (Gacaliye), iyo Cumar Carte Khalib ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu cadcadaa kartina muujiyey xiligaas. Tesfasye Gebre Egzaw oo isna ahaa Wasiirka isgaadhsiin ta Itoobiyi ayaa qiray diblomasiyada Carte in ay heer sare ahayd.

Waxaan ragan u soo qaatay in aan idin xasuusiyo in qadiyada Soomaalidu maqaam sare gaadhay 1970hii. Labada buug ee xiligaas laqoray ee ugu magaca dheeraa waxay kala ahaayeen “Clouds of War in the Horn of Africa,” ama daruurta Guluf Colaadeed ee Hadheeyey Geeska Africa,” uu qorey Tom Farrel, iyo buugii uu qorey Bereket Habte Sellasie oo ahaa “Conflict and Intervention in the Horn of Africa,” ama “Xasaradaha iyo faragalinta Shisheeye ee Geeska Africa.” Bareket oonu saaxiibo nahya waxa uu haystay mydo dheer basabor Soomaali ah waana Eriterian.

Buugta xiligaas la qorey oo dhani waxay u garaabeen umadda Soomaali Galbeed iyo xuquuq raadiskeeda.
Xiligii ay TPLF guuleysatay 1991, dadyawga sida gaarka ah loo xusay waxa ka mid ahaa Soomaalida. Waxa TPLF ay si gaar ah Xamar uga soo saartay Allah u naxariisto AbdiNasir iyo Maxamuud Majeerteen oo ku xanibnaa dagaalkii sokeeye oo Muqdisho ka aloosnaa.

Waxa kale oo shirkii London rer-Galbeedku isugu yeedheen 1991 lagu macsuumay ONLF. Paul Haines oo ahaa ninka istiraajiyada dajinaayey waxa hogaaminayey Herman Cohen oo ahaa Xoghayaha Arimaha Africa (Undersecretary for African Affairs). Herman Cohen waa shaqsii yidhii Soomaalidu in ay Itoobiya ka xorowdo ayey ahayd ee iyadaa kala daadsan (mar hore ayaan maqaal ka qoray arintan).

Waxa Soomaali lagu soo xero galiyey in Khariidadii an rabnay loo bixiyey Sooomali Region, oo Ilaa Hawaas Agteeda ka soo roganaayey. Intii u dhexaysay 1991-2018, TPLF waxay u digarugatay dugaag waxkasta oo lagu heshiiyey ka been sheegtay. Xataa magacii aan ku helnay dagaaladii WSLF iyo ONLF waxay TPLF ku dadaashay in ay duugto, ama ka dhigto ururo argagixiso; kumase guulaysan. Xataa hub aan weli Africa lagu ridin ayey TPLF/EPRDF ku turrtay goboladeena dhinaca Beriga. Waxaana ku nafwaayey 50,00 in aan ka yarayn. Waxa dharaar cad la inaga dhacay Babili, Moyale, Jinacsani, Adari, hadeerna Galbeedka Sitti ayaa la la wareegay.

Waxa dambiga intaas Soomaali laga galay wadaaga (1) TPLF, (2) EPRDF, (3) dabaqoodhigii kala duwanaa ee deegaanka soo marey, (4) kuwa hadeer horboodaya Addis Ababa iyo siyaasada Axmaaraysan ee ONLFna colaad aan loo baahnayn u qaba.

Hadeer oo taariikhdu tahay 2019, waxa ina soo foodsaareeyey culays cusub oo ka imanaya Addis Ababa iyo dawlada Dr. Abiy gadhwadeenka ka yahay.

Culayska ina soo food saaray iyo noocyadiisa waa qaybta labaad oo beri idin la wadaagi doono. Waxase hubaal ah in qadiyadeeno mid si hawl yar looga dhaqaaqi karo aanay ahayn.

Waxa Qoray: Aqoonyahan Faysal Rooble