Yaa Iska Leh Facebook Page-ka Dadka Badan Ku Xidhan Yihiin Ee Mustafa Omer?

Jigjiga (JigjigaOnline) – Muddo sannad gudihii ah, waxa baraha bulshadu ku xidhiidho ka dhex muuqda baro Bulsho oo uu ku qoran yahay magaca Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo tiradoodu badan tahay.

Qaar ka mid ah barahan bulshada, waxa ku xidhan dad badan oo la socda waxyaabaha lagu soo daabaco, iyagoo u haysta inuu leeyahay madaxweyne Mustafe, wixii lagu soo qoraana yihiin kuwo isagu soo daabacay.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, waxa uu hore u lahaa bar Facebook ah oo uu ku qoran yahay magaca Mustafa Omer, waxaanu ahaa akown caadi ah, laakiin waxa jira Page isla magacaas sita oo ay ku xidhan yihiin dad ay tiradoodu kor u dhaafayso 52,000 qof oo wixii lagu soo daabaco sii akhrista, dadka kalena lasii wadaaga.

Page-kan, waxa saaran sawirka Madaxweyne Mustafe, waxaana kasii dambeeya taswiirta Allah haw naxariistee Faysal Muxumed Cumar oo ahaa Madaxweynaha walaalkii oo uu si xaqdarro ah oo binu-aadannimada ka baxsan u dilay Madaxweynihii hore ee Cabdi Ilay.

Sidaas oo kale, waxa labadan sawir ay saaran yihiin, isla magacaasina ku qoran yahay Facebook-ga Madaxweynuhu iska leeyahay ee uu horena u isticmaali jiray ka hor intii aanu xilka qabannin, kaas oo ay dadkuna ku yaqaannaan.

Page-kan iyo Facebook-gan, qofka arka waxa uu shaki la’aan aaminayaa in uu leeyahay Madaxweyne Mustafe.

Waxa kale oo soo raaca baro bulsho oo kale oo ay ku qoran yihiin magaca Madaxweynaha, sawirkiisuna saaran yahay.

Markii ay taariikhdu ahayd August 24, 2018, Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ayaa bartiisa Facebook ee sida rasmiga ah uu u leeyahay, waxa uu bulshada ku wargeliyey inay jiraan baro bulsho oo kale oo tiisa loo ekaysiiyey oo ay samaysteen dadyow kale oo doonaya inay shacabka jaho-wareeriyaan, waxaana uu xusay in haba-yaraatee aanu isticmaalin wax aan ahayn Facebook-giisa caadiga ah ee ay dadku hore ugala socdeen ka hor intii aanu xilkaba qabannin.

Madaxweynaha ayaa qoraal kooban oo uu maalintaas bartiisa ku daabacay waxa uu ku yidhi: “Walaalayaal waxaan arkaa facebook pages badan oo magacayga lagu sameeyay. Qaar leh president mustafa omer iyo qaar ay ku qoreen madaxweyne mustafe muxumed cumar cajgar, cagtu ha go’dee!

Waxaan idiin caddeeynayaa in wax facebook page ah oo aan kan ahayn aana anigu lahayn. Wixii lagu qorana aanan anigu ka masuul ahayn.

Mahadsanidiin.”

Lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Saxaafadda iyo Isgaadhsiinta, Maxamed Colaad ayaa isaguna soo bandhigay hal Page oo ah  kan ay dadka tirada badan ku xidhan yihiin ee lagu samaystay magaca Madaxweyne Mustafe, waxaana uu sheegay in boggaasi yahay been abuur.

Qoraal uu Maxamed Colaad ku daabacay bartiisa Facebook arkii ay taariikhdu ahayd November 2, 2018 ayaa waxa uu ku sheegay in Page-kaasi yahay mid been abuur ah oo ay tahay in laga feejignaado.

“Page ka sawirkan iyo qoraalkan la soo galiyey ee baraha bulshada dhax wareegaya ma ahan page ka rasmiga ah ee Madaxweynaha ee waa mid been abuur ah oo loo eekaysiiyey.

Fadlan ha laga feejignaado.” Ayuu ku yidhi qoraalka.

Haddaba, waxa jira dad badan oo wali la socda Page-kan, waxaana uu ku ridi karaa jawa-wareer iyo marin-habaabin, waxaana mudan in laga digtoonaado oo wixii ay soo qoraan aan la rumaysannin.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la daah-furay website ay dadku ku helayaan xogta DDS oo magaceedu yahay www.hawraarsannews.com, taas oo xukuumaddu ugu talo-gashay in shacabka ay kula wadaagto wax-qabadka oo ka madhan buun-buunin iyo is-xayeysiin, isla markaana ay ka shaqaynayaan wariyeyaal iyo hawl-wadeenno khibrad saxaafadeed leh.