Miyuu Fashilmay Shirkii Somalida Iyo Cafarta Ee Madaxweyne Mustafe Ka Qayb-galay

Harar (JigjigaOnline) – Shirkii ka socday magaalada Harar ee u dhexeeyey Dawladda Deegaanka Soomaalida iyo Maamulka Cafarta ayaa la sheegay inuu fashilmay.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac, hase yeeshee, wararka laga helayo magaalada Harar ayaa waxay tilmaamayaan in saansaan aan fiicnayn ay ka muuqato qaabka shirka iyo sida ay wax u socdaanba.

Wararku sheegayaan in maamulka iyo Odayaasha Soomaalidu ay ka biyo diideen soojeedin aan macquul ahayn oo ka timid maamulka iyo odayaasha Cafarta, kuwaas oo dalbaday, kuna adkaystay in saddexda deegaan ee Cundhufa, Cadhaytu iyo Garbaciise oo dhawaan Dawladda Soomaalidu ay go’aan adag kasoo saartay.

Sida ay xoguhu sheegayaan, odayaasha iyo maamulka Cafarta ayaa waxay usoo jeediyeen xukuumadda DDS inay ka noqoto go’aanka ay gaadhay bishii hore ee ay ku diidday heshiiskii hore loogu wareejiyey saddexda deegaanka kililka Cafarta.

Warbaahinta Jigjiga Online, waxay idiin soo gudbin doontaa wixii war ah ee kasoo kordha arrintan.