Xog Cusub: Miyuu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Ku Jiray Madaxdii Ka Badbaadday Dilalkii Qorshaysnaa Ee Ka Dhacay Itoobiya?

Addis Ababa (Jigjigaonline) – Dadkii ka dambeeyay afgambigii la sheegay in xukunka looga maroorsan rabay maamul goboleedka Amxaarada waxay doonayeen in ay laayaan masuuliyiin intan ka badan, sida uu shaaciyay guddi dawladeed.

Weerarradii dhacay Sabtidii ayaa galaaftay shan masuul oo sare oo uu ka mid yahay taliyihii guud ee ciidammada Seare Mekonnen, arrintaas ayayna dawladdu ku tilmaantay isku day inqilaab.

Saddex ayaa ku dhimatay gobolka Amxaarada labo kalana waxay ku dhinteen magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Guddigan oo ka kooban laamaha ammaanka iyo waaxda caddaaladda ayaa loo aasaasay sidii ay baaritaan ugu sameeyaan wixii dhacay.

Guddigan xaqiiqo raadinta ah ayaa sheegay in la xiray 255 ruux tan iyo Sabtidii, 212 ruux waxaa lagu xiray gobolka Amxaarada 43 ruux oo kalana caasimadda.

Khamiistiina xisbi mucaarad ah ayaa sheegay in la xiray 50 ruux oo xubnahooda ah.

Laamaha ammaanka ayaa qabtay 27 qori AK , 47 rayfal labo qori oo kuwa darandooriga u dhaca ah iyo bistoolado aan tiradooda la shaacin.

Guddigan xaqiiqo raadinta ah ayaa baaritaan ku haya macquulnimada in xiriir ka dhaxeeyay dilka ka dhacay gobolka Amxaarada iyo kan Addis Ababa. Dawladda ayaa sheegtay in uu xiriir ka dhaxeeyay.