XOG CUSUB: Farmaajo Oo Laga Mamnuucay Hawada Kenya, Qaybta Sucuudiga, Qatar, Maraykanka & Talyaanigu Ku Leeyihiin Hurinta Khilaafka Iyo Xog Cusub Oo La Helay

Johannesburg (Jigjigaonline) – Khilaafka u dhexeeya waddamada Kenya iyo Somaliya ayaa cirka isku sii shareeraya ka hor waqtiga la filayo in maxkamadda ICJ ay soo afjarto dacwadda Badda ee u dhaxaysa labada dal, taas oo la filayo in dhawaan xukunkeedu soo baxo.

Somaliya iyo Kenya ayaa khilaafkoodu sii cakirmayey toddobaadyadii ugu dambeeyey, waxaana loo diiday inay Nairobi galaan masuuliyiin ka tirsan dawladda Federaalka oo halkaa shir kaga qayb-gelayey, kuwaas oo dib ugu laabtay Muqdisho.

Wakaaladda wararka ee African News Agency (ANA) ayaa shalay daabacday xog cusub oo ku saabsan heerka uu gaadhsiisan yahay khilaafka labada dal, taas oo keentay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dul mari waayo hawada waddanka Kenya toddobaadkii hore.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb-galay caleemo-saarka madaxweynaha waddanka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, laakiin diyaaraddii sidday ayaa ka baydhay hawada waddanka Kenya.

Diyaaradda uu saarnaa madaxweynaha oo marinkeeda hawada ee ugu dhowaa ahaa inay dul marto Kenya ayaa waxay u baydhay dhinaca Itoobiya, waxaanay markaas kaddib u jihaysatay Johannesburg oo ay xafladdu ka dhacaysay.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan arrintan oo kasoo baxay Somaliya iyo Kenya midna, hase yeeshee wargeyskani waxa uu tibaaxay in Madaxweyne Farmaajo uu ka baaqsaday inuu dul maro Kenya.

“Markii uu madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo u duulay Koonfur Afrika toddobaadkii hore oo uu ka qayb-galayay caleemo saarka madaxseyne Cyril Ramaphosa, waxa uu ka baaqsaday inuu ka baydhay hawada Kenya.” Sidaas ayay tidhi wakaaladda wararka ee African News Agency (ANA).

Warkan ay ANA qortay waxa kale oo uu sheegay in khilaafka labada dal ee xuduudka badda ay hurinayaan dano siyaasadeed oo ay dabada ka riixayaan quwado shisheeye oo iskugu jira reer Galbeed, reer Asia iyo awoodo Khaliijka ah, kuwaas oo kala riixanaya khayraadka Gaaska iyo Saliidda ee laga helay saddex-xagalka Badweynta Hindiya ee labada dal isku haystaan.

Wakaaladdu waxa kale oo ay tilmaantay in halka ay isku haystaan Somaliya iyo Kenya ay qani ku tahay saliidda, cabbirkeeduna yahay 100,000km2 oo saddex-xagal ah oo ku yaalla bariga xeebta Kenya, laakiin ay maxkamadda ICJ ee magaalada The Hague ee waddanka Netherlands ay dacwad la xidhiidhaa hortaallo.

“Ciyaarta waxa ku jira shirkado Saliidda qoda oo ka socda reer Galbeedka – Norway, Maraykanka, UK, France, Netherlands iyo Talyaaniga – iyo kooxo dalal Bariga dhexe ah oo siyaasaddu kala qaybisay oo ay hoggaaminayaan Saudi Arbia iyo Imaaraadka Carabta oo ka hor jeeda kuwo ay hoggaaminayso Qatar oo gacanta sare ku leh Muqdisho.” Ayey tidhi African News Agency (ANA).