Xisbi Mise Qabiil, Urur Mise Gabbaadka Dembiileyaasha?

Soomaalida ku dhaqan Dawladda Deegaanka Soomaalidu, waxay qayb ka tahay dal ay ku nool yihiin in ka badan 105 milyan oo qof, kuwaas ku jira loollan qowmiyadaysan oo qolo waliba dhinaceeda is-urursi, isku-duubnaan iyo dantoodaba dariiq kaliya u wada maraya. Qowmiyadahan qaarkood waxay halgan ugu jiraan inay helaan xuquuqo ka maqan, kuwo kalena waxay difaacanayaan sad-bursiimo ay hore u heleen iyagoo ka faa’iidaysanaya qowmiyadaha kale ee aan halganka u gelin qaybta ay ku leeyihiin miisaaniyadda, shaqaalaha iyo wax kasta oo dheef ah oo dalka dhexdiisa taalla.

Sannadkii ina-dhaafay iyo bilihii ka dambeeyey, waxa bulshada Soomaalida DDS muujinayeen damac iyo dareen sannadihii hore aan lagu arki jirin, waxaana taas u saamaxday isbeddelka dhacay ee qof walba u ogolaaday inuu fikirkiisa oo xor ah, sax iyo khaladba bannaanka keeni karo, iyadoo intooda badan ay yihiin toosin iyo tilmaan ba u noqonayey hoggaaminta xilka u haysay, halka kuwo kale oo ahaa hadhaagii dembiileyaashii dhiigga dadka cabbi jiray ay barabogaando iyo been abuur ku jaha-wareerinayeen shacabka.

Dedaalkii sannadkaas ay wadeen hoggaamintu, waxa uu dhalay faa’iidooyin badan oo ah in miiska loo soo saaro Soomaalida qaybo ka mid ah xuquuqihii ka maqnaa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Saamiga shidaalka laga qodayo Deegaanka oo kala-badh iyo ka badan ay Soomaalidu ku yeelanayaan, halka mashaariic badan oo qaarkood la bilaabay ay dawladda federaalku ballan-qaaday.

Muddada arrimahani qabsoomayeen, tamarta dhabarka ka riixaysay Madaxweynaha iyo maamulkiisa ee dhiirigelinta ku siinayey inay raadiyaan dheeftii laga dhacay shacabka, waxay ahaayeen qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka madhnayd caadifadda qabyaaladda, kala-qoqobka reeraha ku sallaysan iyo danaysteyaasha dantooda gaarka ah ay wax walba kala weyn tahay oo aan saamayn badan ku lahayn bulshada.

Seeska kale ee binada u noqon karayay horumar waara oo bulshadu gaadho waa isku-duubni, ku-dhaqanka qabyaaladda oo wadajir loola dagaallamo iyo qof in qof walba uu gaarkiisa isku-saaro xil ah inuu wax kusoo kordhiyo dadkiisa, isagoo ka fogaanaya inta ku hawlan xumaha iyo kala-fogeynta umadda ee dano siyaasadeed amaba kuwo shaqsi ka door bidaya wax kasta oo wanaag iyo horumar ah oo la gaadho.

Xilligan oo furfurnaan siyaasadeed bilaabantay, xisbiyo siyaasadeed oo fara badanna ay ku hirdami doonaan, waxa dhex socda kuwo huwan magacyo qabiil oo reero dabada-gelinaya, taas oo kali ku ah Dawladda Deegaanka Soomaalida oo kaliya, isla markaana aan ka jirin deegaamada kale ee dalka.

Xisbiga seeskiisa iyo magaciisuba yahay mid u gaar ah reer, waxa hubaal ah in aanu waxba usoo sidin bulshada Soomaaliyeed, waxa kaliya ee laga filan karaana ay tahay inuu iska horkeeno bulshada oo kala dhex-dhigo fidno salka ku haysa qabyaalad.

Ninka huwan shaash qabiil ee babbinaya calan uu ku qoran yahay magac reer, sidee ayuu bulsho kala qabiilooyin duwan u hoggaamin karaa, sidoo kalena cod uga dooni karaa? Su’aashan oo jawaabteedu u baahan tahay in si caqliyan ah oo caadifad ka madhan tahay looga jawaabo, waxay xuddun u noqonaysaa inaad fahamto in waxa kasoo socdaa ay yihiin inuu ku dhiirigeliyo reeraha kalena inay samaystaam xisbiyo magacyada reerahooda sitta.

Waxa kale oo jirta, in dadkii dembiyada ka geystay deegaanka ay dabada-gelinayaan xisbiyada noocaas ah, iyagoo hu’ qariya wixii ay geysteen ka dhiganaya magaca qabiilka iyo xisbiga is-huwan. Waxa intaa dheer, dembiileyaasha ay wali sii muuqdaan nabarradii ay dadka u geysteen, waxay mar kale ku hawlan yihiin inay kala-fogeeyaan bulshada, shaadh-qabiil xidhaan, isla markaana gabbaad ka raadsadaan cid kasta oo si indho la’aan ah u garab istaagi karta.

Abwaankii Soomaaliyeed ee AHN Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” ayaa hore u sawiray dariiqyada ay maraan dembiileyaashu iyo wajiga ay isticmaalaan.

Maansadii Daba-taxan, ayaa waxa uu Abwaanku tuducyo ka mid ah ku yidhi:

“Hadday dunidu ceeb tahay
Dulmi loo badheedhaa
Dalkayaga ma libiqsado.

Nin kastoo dakano galay
Qoluu dabada geliyoo
Denbi dhacay mas’uul ma leh.
Markaad hebel duqaysaa,
Reer hebel damqanayaan.

Ninkii dood ka keenana
Dacaayado raqiisiyo
Waxaa lagu didsanayaa
Cid baa kaa dambaysoo,
Ninkii dooxi kara boog
Looma waayo daabaqad
Iyo qaar la daba gala.”

Dulucda maansadu waxay tahay, in aanay ururrada iyo xisbiyada siyaasadeed gabbaad u noqonin dembiileyaasha, iyaguna isku dhigaan kuwo kasban kara bulshada ay codka ka doonayaan.

Guntii iyo gunaanadkii, waxa mudan in aan bulshada hoos loo kala gurin, tartanka iyo loollankuna ay noqdaan kuwo aan ka gudbin xayndaabka sharciga, ka fogaada kala-qaybinta iyo wax kasta oo hoos u dhigaya in wax lala qaybsado qowmiyadaha kale ee dalka.