Xanuun Aan La Garanayn Oo Ku Habsaday Magaalo Ka Tirsan Dawladda Deegaanka Somalida

Jigjiga (Jigjigaonline) – Magaalada Qabridahar ee Dawlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka dillaacay xannuun dad badan soo ritay, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Cabdirisaaq Cawil Muxumed oo ah duqa magaalada.

Xanuunkan ayaan illaa iyo hadda la cadaynin waxa uu yahay.

“Dhiigag aan shan ruux ka qaadnay ayaan u dirnay shaybaarka magaalada Jigjiga, walina jawaabtii ayaan sugaynaa” ayuu yiri duqa magaalada oo loo yaqaanno Cabdi Cawil.

Dadka uu xannuunku ku dhacay qaarkood ayaa sheegay uu leeyahay qandho xad dhaaf ah.

Kuwo kale oo qaraabadooda uu soo ritay xannuunka ayaa sheegay in dadka cudurkan qaba aysan cagahooda ku istaagi karin.

“Xanuunku wuxuu markii hore ka billawday xaafadda sagaalaad, iyo xaafad Ceel Nuur haddana magaalada qaybaheeda kale ayuu ku faafay, dadka intooda badanna wuu hayaa” ayuu intaas ku sii daray Cabdi Cawil.

Dhakhaatiirta magaalada ayaa sheegay in xannuunkan aysan u haynin tallaal ama daawo kale.

“Dad ayaan magaalada ku kala qornay, xannuun baabi’iye ayayna dadka siinayaan bukaanka.” ayuu Cabdi Cawil oo sheegay in ay ka war sugayaan natiijada dhiigagga loo sii qaaday xarunta Deegaanka Soomaalida.