Wiilkii Reer Australia Oo Ukunta Madaxa Kaga Dhuftay Nin Muslimiinta Aflagaadeeyey Oo Mar Kale Qabsaday Quluubta Muslimka

Wiil Reer Australia ah oo ukun madaxa kaga jabiyay nin muran badan dhaliyay oo siyaasaddiisu garabka midig ee fog tahay ayaa ku dhawaad 100,000 oo doolarka Australi ah ugu deeqay dadkii ka badbaaday labadii weerar ee lagu qaaday masaajidyada magaalada Christchurch.

Will Connolly oo 17 jir ah ayaa bishii Maarso ukun ku dhuftay Fraser Anning, markaas ayay dadkii khadka isticmaalayay ugu yeereen “wiilkii ukunta” lacago taborucaad ah ayayna u shubeen si uu isagaga bixiyo kharashaadka maxkamadda.

Anning ayaa caro dhaliyay ka dib markii uu maalin ka hor sheegay in ay tahay in eedda toogashada masaajidyada Christchurch la saaro Muslimiinta muhaajiriinta ah.

Konton iyo kaw ruux ayaa ku dhintay weerarradaas “argagixiso.

Senetka dalka Australi ayaa si rasmi ah uga soo horjeedsaday hadalka uu jeediyay Anning maalintii ay toogashadaas dhacday.

Wiilka yar ee Connolly ahna wuxuu weerarka ukunta ah gaystay seneterka oo shir jaraa’id ku haya magaalada Melbourne taariikhdu markay ahayd 16 Maarso.

Ukun ku dhufashada iyo isku dhacii ka dambeeyay ayaa caan noqday oo dadku baraha bulshada iskula wadaageen, waxaana la baahiyay muuqaalka wiilka oo iska caabin kala kulmaya Anning, ka hor inta aysan xakamayn taageerayaasha Senetarka.

Lacag ayaa oline-ka loogu aruuriyay Connolly si uu “ukumo badan ugu gato” isagana bixiyo haddii kharashaadka maxkamadda haddii dacwad lagu soo oogo.

Booliiska ayaa go’aansaday in aysan dacwad ku oogin, waxayse siiyeen digniin. Dhanka kalana Anning ayay sheegeen in uu isaguna is difaacay oo aan dambi loo raacanayn.

Wiilkii yaraa ee Connolly ahaa ayaa sheegay in uu wareejiyay dhammaan lacagtii una dhiibay hay’addo samafal oo New Zealand ku sugan kuwaas oo maamulaya dhaqaalaha loo aruurinayo Muslimiinta ay dhibaatadu ka soo gaartay weerarka.

“Dhammaan dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay masiibada, waxaan si niyad ah u rajaynayaa in arrintan aan sameeyay ay waxoogaa nafis ah idiin keeni doonto”. Ayuu yiri.