Waxay Ila Tahay In Xisbiga Iyo Dawladdu Isku Mid Ahaan Doonaan, Sababtoo Ah, Uma Bislin …. – Waraysi Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa waraysi xaasaasi ah oo uu dhowaan bixiyey kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan guud ahaan dalka Itoobiya, Siyaasadda waddanka, isbeddellada uu sameeyey Abiy Ahmed, fikirka uu ka aaminsan yahay ciidamada gaarka ah ee deegaamada ee Liyuu Boolis iyo arrimo kale.

Waraysigan, waxay hore ay warbaahinta Jigjiga Online idiinku soo gudbisay qaybo ka mid ah oo aanu kasoo qaadanay meelo muhiim ah, sida aragtida madaxweynaha ee Ciidamada Liyuu Booliska oo uu sheegay inuu ahaa qalad weyn in la ogolaado in deegaamadu yeeshaan ciidamo u gaar ah. Waxa kale oo aanu idiin soo gudbinay qayb uu kaga hadlay khilaafka u dhexeeya Cafarta iyo Soomaalida ee gobolka Sitti oo xilligii uu waraysiga bixiyey maalmo ka hor lagu laayey dad Soomaali ah.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb kale oo muhiim ah oo ku saabsan waraysigaas, kaas oo uu Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar kaga hadlayo siyaasadda Itoobiya oo ee xilligan iyo waxa ay la micno yihiin isbeddellada uu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ka hirgeliyey dalka.

Waraysigan oo uu madaxweynuhu siiyey wargeyska Addis Standard ee kasoo baxa Addis Ababa, kuna soo baxay luuqadda Ingiriisida, waxa qaybtan turjumay Axmed Maxamed Yuusuf.

Addis Standard: Waan ogahay in erayga isiraynta siyaasadu uu yahay mid macno balaadhan oo u baahan in la kala qaad qaado. Marka lays barbar dhigo siyaasadda isiraysan iyo xisbiga iyo dowladnimada oon kala saarnayn mudadii la soo dhaafay, keed u malaynaysaa in uu keenay fashilkii siyaasadeed iyo kacdoonkii dadwaynaha ee ka danbeeyey? Way iska caddahay in xisbiga iyo dowladu ay mid ahaayeen taas oo meesha ka saartay dadaal walba oo lagu doonayo dimoqraadiyad dhab ah. Haddi lagu yidhaahdo mid uun meesha ka saar keebaad ku bilaabi lahayd? Ma siyaadda isirka ku dhisan mise kala saaridda xisbiga iyo dowladnimada? Mise wayba siman yihiin?

MW. Mustafe: Waxay ila tahay inaan horta eegno sababta keentay in xisbiga iyo dawladnimadu mid noqdaan. Sababtu waxa weeye, wadanka dimoqraadiyad kama jirin, doorasho hufanna kama jirin. Hadii ay jiri lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, maba dhacdeen in hal xisbi baarlamaanka iyo dowlada haysto. Waxaa jiri lahaa wada hadal iyo gorgortan siyaasadeed oo axsaabtu yeeshaan taas oo meesha ka saari lahayd danaha hal xisbi, waxaadna ogtahay in xisbi walba uu dano gaar ah lee yahay. Marka ay timaado matalaadda dawladda dhexdeeda ah xisbigu u dhaqami maayo xisbi ahaan ee waa inuu wada hadal laga galaa, axsaabta horseedka ka ah ama isbahaysiga la ah, taas oo ka dhigan wixii laysku raaca, waa wax qaran ee ma aha wax uu leeyahay xisbi kaliya. Waxa ay aniga ila tahay in waxa ugu horeeya uu yahay in la helo doorasho xor iyo xalaal ah, oo meesha ka saaraaysa saamaynta tooska ah ee xisbi ku yeelan karo dawladnimada, dawladuna ay ka duwanaataa xisbiga. Si kastaba u dhigoo, waad fahmi kartaa dhibka ya leedahay marka xisbiga iyo dawlad dadka u dhaxaysa ay isku mid noqdaan. Waad qiyaasi kartaa aragti ahaan, laakiin waa ay ka dhacdaa xitaa axsaabta demoqraadiga ah, hadii aysan kala duwanayn dadka xisbiga leh iyo dadka dawladda hogaaminaya. Markaa oo kale waa marka uu xisbi leeyahay dad gaar ah oo iyagu ku mashquulsan cilmi baadhis iyo horumarin, eegayana afkaarta caawin karta in xisbigu ku guulaysto doorashada, markaa oo ruuxa loo doorto inuu hogaamiyo dawladda uu ku hogaaminayo habka ama jihada uu xisbigu u jeexay. Waxaan filayaa in aynaan halkaa wali gaadhin Itoobiya ahaan. Dhaqankeena siyaasadeed uma bisla ilaa heerkaa. Sidaa awgeed xaaladu waxay u eg tahay in, mudada soo socota ay sii ahaan doonto sidii hore ee xisbiga dawladu is ku mid ahaayeen. Sidaa ayay iila muuqataa, laakiin, jihadaa waa in la yareeyaa

Addis Standard: Marka laga hadlayo doorashooyinka, sida aad sheegatay, hal arrin oo lagu yarayn karo mid ahaanshaha dawladda iyo xisbiga waa in la helaa doorasho xor iyo xalaal ah.  Ma u malaynaysaa in ay dhacayso doorashadaasi, 2020? Anigu waxaan qabaa dib u dhigga doorashadu in uu albaabka u furi doono, waxyaabo horseedi kara degaansho la’aan, gaar ahaan in dhinacyada danaha siyaasadeed leh ay dawlada ka dhigaan mid ku dhisan sharci daro. Sideed u aragtaa arrintaas. Ma in doorashooyinku dhacayaan? Ma in dawladu ay mudnaanta siiso amaanka iyo xasiloonida oo markaa aan aadno cod bixin? Mise waxay kula tahay in dib loo dhigo xaaladaha jira awgood?

MW. Musatafe: aniga aragtidayda, waa in tix galin la siiyo nabadda iyo xasiloonida iyo sidoo kale xili kala guur ah oo bad qaba intii mudnaanta la siin lahaa codayn kaliya si loo gaadho doorasho uun. Anigu arrintaa ayaan rumaysnahay, dawladuna xaaladda amni ee ka jirta wadanka, horumarka siyaasadeed iyo isbadalada lagu sameeyay hay’adaha dawladda ee kala duwan ayay qiimaynaysaa inta aan la gaadhin doorasho iyo wax la mid ah, iyada oo taa laga duulayo waxaan filayaa in dawladu u furantahay in doorasho la qabto iyo in dib loo dhigo. Dawladu ma rabto in  ay ku degdegto doorasho sababta oo ah dawladu waa cidda ugu habaysan uguna abaabulan ee jirta, mana doonayso in hadhow, xisbiyada siyaasadeed ay ku andacoodaan waqti aan ku diyaargarowno nalama siin. Isla markaana dawladu ma doonayso in loo arko in ay hormuud ka tahay dib u dhigga doorashada sababo la xidhiidha in ay rabto inay sii haysato xukunka. Waxaan filayaa dawladu in ay dhexdhexaad ka tahay arrintaas. Laakiin aragtidayda shakhsiga ah waxaa weeye, xiligan kala guurka ah waxa uu u baahan yahay, waqti dheeraad ah, sidaa darteedna waxaan jeclaan lahaa inaan arko iyada oo la gabagabeeyey dadaalada lagu balaadhinayo ka qayb galka siyaasadeed, xoojinta hay’adaha dawladda oo ay ka mid tahay gudiga doorashooyinka, habka cadaaladda iyo amniga inta aan lagu degdegin doorasho. Aragtidayda shaqsiga ah waa taa.

RIIX 2, 3 & 4 si aad u wada akhrisato waraysiga oo dhan: