“Waxaan Xilka Iskaga Casilay Si Aanan Garab Ugu Noqonin Dawlad Kalitalis Ah Oo Dhismaysa” – Afhayeenka Aqalka Sare Ee Itoobiya Oo Hadashay

Addis Ababa (JO) – Afhayeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Itoobiya, Marwo Khayriya Ibrahim ayaa sheegtay inay si ka baxsan Dastuurka dalka ay u dhismayso dawlad kalitalis ah, taas oo aanay doonayn inay qayb ka noqoto, isla markaana ay sidaas isku casishay.

Khayriya oo ka hadashay xilka guddoomiyenimo iney ka tagto waxa ku kallifay: “Koox kelitalis ah oo malinwalba dastuurka dalka ku xadgudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi”, ayey tiri.

“Dowladda talada dalka Itoobiya hadda hayso waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka ay isku laaqdo si ay u kororsato mudda xileedkeeda.”

“Si ka baxsan dastuurka oo aan horay looga baran dalka Itoobiya ayey isku dayayaan in qodobbada dastuurka loo macneeyo ama wax looga beddelo.”

“Arrimahaasi oo dhan oo ay dowladda waddo oo khalad ah, haddana mas’uuliyiinta rabitaanka dowladda ka horyimaadda waxay maalin walba la kulmaan hanjabaado joogta ah” ayey tiri.

“Markaan noqonayey afhayeenka golaha Federeeshiinka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya waxaan ballan qaaday inaan dastuurka ixtiraamo isla-markaana aan ka shaqeeyo sidiI loo ixtiraami lahaa, marka dastuurka in lagu xadgudbo oo aan dowlad kelitalis ah oo dhismeyso aan garab u noqdo ma doonayo, sidaana ay xilka uga tagtay” ayey tiri.

Khayriya Ibrahim oo muddo laba sana ah soo ahayd guddoomiyaha aqlka sare ee dalka Itoobiya oo ka hadashay sababha ku kalliftay iney xilka ay haysay iska casisho, ayaa sheegtay talaabbada ay dowladda hadda jirto ku dhaqaaqday ay tahay mid ku xadgudbaysa awoodda xukun ee ay leeyihiin shucuubta iyo qowmiyadaha dalka Itoobiya.

BBC oo iskudayday iney aqalka sare ka xaqiijiso xil katagista guddoomiyaha aqalka sare wuxuu goluhu sheegay inuu arrintaasi waxba kala socon.

Ku xigeenka xiriirka dadweynaha ee aqalka sare Gabruu G/sillaase wuxuu BBC u sheegay inuu ka warhaynin xil katagista guddoomiyaha.

Mr Gabruu wuxuu sheegay inuu warbaahinta kala duwan uu ka maqlay xil katagista guddoomiyaha golaha, balse weli xafiiska golaha wax codsi ama xog ah iney soo gaarin.

Khayriya Ibrahim oo gudoomiye ka ahayd aqalka sare ee dalka Itoobiya ee loo yaqaanno golaha Federeeshiinka ayaa waxay ka tirsan tahay xisbiga talada deegaanka Tigreega haya ee TPLF iyada oo ka mid xubnaha guddiga fuulinta xisbigaasi.

Iscasilaadda Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Itobiya Khayriya Ibrahim ayaa ku soo beegmaya xilli ay xildhibaannada ka soo jeeda deegaanka Tigreega ee ka tirsan aqalka hoose ee dalka Itoobiya ay shaly su’aalo kulul weydiiyeen ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed ayna ku eedeeyeen iney dowladdiisa ay shacabka Tigreega gacan bidixeyso.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka u dhaxeeya Tigreega iyo Xukumadda Abiy Axmed?

Tani iyo inta uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Abiy Axmed waxaa soo taagneyd khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyey isaga iyo Mas’uuliyiinta sare ee deegaanka Tigreega iyo xisbiga talada deegaankaasi haya ee TPLF.

TPLF waa xisbi ay leeyihiin qowmiyadda Tigreeda oo ka mid afarta xisbi ee ku bahoobay xisbiga PP oo horay loo odhan jiray EPRDF, waxaana TPLF lagu xusuustaa iney talada dalka Itoobiya ay soo hayeen ku dhawaad 26 sano, hogaamiyaha xisbiga TPLF wuxuu ahaa Ra’isal wasaarihi hore ee dalka Itoobiya ee geeriyooday Meles Zeenaawii.

Khilaafka isbeddelka ka dhashay

Xisbiga Tigreega iyo TPLF wuxuu soo billaabay marki Ra’isal wasaaraha ka soo jeeda ee qowmiyadda Tigreega loo doortay guddoomiyenimada xisbiga EPRDF uuna noqday Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Abiy Axmed marki xilka loo dhaariyey tallaabbooyinka ugu horreeyey ee uu qaaday waxaa ka mid ahaa inuu macabiista siyaasadeed uu sii daayo, cadaadiska shacabka lagu hayey la joojiyo, mucaaradka gudaha iyo dibadda ka dhaqdhaqaaqayey oo uu cafis u fidiyey kaddibna uu heshiis la galay iyo siyaasadda dalka inuu furfuro.

Tallaabbooyinkaasi oo dhan ayey ka biya diideen xisbiga iyo deegaanka tigreega intaba sababahan soo socdo awgood:

  • – Heshiiska Eritrea uu la galay oo lagu soo afjaray colaaddii mudddada dheer u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea ay u arkaan iney qowmiyadda Tigreega ku tahay halis siyaasadeed maadaamaa ay colaadda Addis Ababa iyo Asmara ay iyagu abuureen.
  • – Xisbiyada siyaasadeed qaar oo ay u arkaan iney yihiin argagaxiso oo ay mudneen in heshiis lala galo.
  • – Sii deynta macabiista siyaasadeed oo ay u arkeen iney madaxdi Tigreega ee siyaasiyiintaasi badankood gacantooda ku xiray iney colaad u abuureyso iwm.

Mideynta Xisbiyada dalka

Abiy Axmed tallaabbooyinka siyaasadeed oo uu ku dhaqaaqay waxaa ka mid ahaa xisbiga talada dalka Itoobiya hayey ee EPRDF oo ku koobnaa qowmiyadaha afarta qowmiyadeed ee Oromada, Amxaarada, Tigreega iyo Shucuubta Koonfureed inuu ballaadhiyo oo uu ka dhigo xisbi qaran oo ay qowmiyadaha dalka oo dhan ay iskadhex arkaan.

Wuxuuna diyaariyey nidaam siyaasadeed oo suuragelin kara qowmiyadaha Soomaalida, Cafarta, Gaambbeella, Beni-shaangul iyo Harari ay ku biiraan xisbiga cusub ee heer qaran ee PP.

Xisbiga Tigreegana wuxuu tallaabbadaasi uu ku tilmaamay mid ka hor imaneyso mabaadiidi aasaasiga ee u yiillay xisbiga hoggaamiya dalka Itoobiya mideynta xisbiyadana ay ka horimaneyso nidaamka Federaaliga.

Abiy Axmed oo aan u joojinin diidmada ka yimid xisbiga TPLF wuxuu meel mariyey mideynta 9 xisbi ee ka arrimineysay 9-ka deegaan ee dalka Itoobiya oo ay Soomaalidu ka mid tahay.

Doorashada xilliga ay qabsoomeyso

Xisbiga TPLF ee Tigreega waxay diideen dib u dhigista doorashada guud ee ka dhici lahayd dalka Itoobiya. Wuxuuna xisbigu uu maamulka deegaanka Tigreega ay iisu diyaariyaan iney qabsadaan doorasha u gaar ah oo ay sugin xilliga ay qabsoomeyso doorashada dalka intiisa kale ka dhaceyso.

Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya oo ka jawaabay hadalka ka soo yeeray TPLF waxay sheegeen sida uu dhigayo dastuurka dalka iyo sharciga guddiga doorashada lagu aasaasaya inuu deegaan uu iskii doorasho u qabsan karin.

Abiy Axmed oo ka jawaabay mowqifka xisbiga TPLF uu iska taagay doorashada wuxuu sheegay “deegaan inuu doorasha gaar ah uu qabsan karin, ciddi sidaa sameysana ay dowladdu ka qaadeyso tallaabbo kasta oo ay kaga hortageyso dhaqdhaqaqyada dastuurka dalka ka horimanaya.”

“Si ka baxsan dastuurka dalka Itoobiya u yaallo dhaqdhaqaaq kasta oo ka hormarinayo ay tahay khalad aad u weyn ayna xadgudub ku tahay shuruucda dalka iyo kan caalamka intaba.”

Be the first to comment