Wax Ka Ogow Xidhaygii Masuuliyeenta ONLF

Waxaa Muddo Kudhawaad Labo Todobaad Si Sharci daro Ah Ku Xidhan Masuuliyeen ONLF Oo Kala Ah
Halgame Mohamed Ibrahim Mursal Oo Ah Xubin Ka Mid Ah Golaha Dhexe Ee Ururka ONLF Iyo Halgame Maxamuud Jigre Gamadiid Oo Ah Gudoomiyaha Gobalka Qoraxay Ee JWXO Iyo Gud. Kuxigenka Gobalka Qoraxay Ee JWXO Halgame Tamaan Daacad.
Waxaa todobaad Kahor La Horkeenay Masuuliyeen ONLF Maxkamada Iyagoo Ayna Jiren Wax Danbe Ah Oo Masuuliyeen Lagu Dabawado Waxana Lasiiyay Muddo Todobaad Ah Oo Xabsi Xalaalayn Ah.
Hadaba Maanta Oo Ah Jamce Oo Xiligii Balanta Ku Begnayd Ah Lama Keenin Masuuliyeenta.
Qaar Kamid Ah Dhalinyarada Samafaleyaasha Ah Ayaa tagay Xafiiska Guud Ee Xeer-ilaalinta Deeganka Oo Waydiiyay Dambiga Lagu Haysto Masuuliyeenta ONLF Waxayna Ushegeen In Ayna Jiren Wax Dambiga Ah Oo Lagu Horkeeni Karo Maxkamada Islamarkaana La Raadinayo Cadaymo Waa Hadayba Jiraan Ee
Xeer-ilaalinta Deeganka Ayaa Sheegtay In Loo Sogodbiyay 2 Qodob Oo Kala Ah
1. Waxay Jareen Kantaroolka
2. Waxay Awood Ushegeen Hayadaha Amiga
Hadaba Maxaa Kajira 2 Qodob Ani Ahaan Fikirkayga Iyo Waxaan Ka Ogahay
Qodobka 1aad
Kantaroolka Lajiidhay Waxaa U Xilsaaran Taraafikada Wayna Qabteen Gaadhigii Jiidhay Waxana Laga Qaaday GANAAX LACAGEED Oo Dhan 300 Oo Birr Sidoo Kale Darawalkii Waxaa Laga Qaday 400 Oo Kale Oo Ah Baad Oo Ka Qaaday Madaxa Taraafikada Gobolka Qoraxay Markuu Gaadhiga Fasaxayay.
Qodobka 2aad
Waxay Dhahen Waxay Awood Ushegteen Laamaha Amniga
Fikirkayga Kaana Hadan Kadhiibto
Haday Masuuliyeentan Awood Ushegteen Laamaha Amniga Maxaa Hada Meesha Dhigay Ama Ay Ugu XidhXidhanyihiin May Iska tagaan ileen Waa Iyagii Awooda Usheegtay Laamaha Amnigee CAJIIB Aqliga Ha Shaqeeyo.
Qaybta Labaad Dhawaan Naga Sug.
W/Q/ Ibrahim Atosh

Be the first to comment