Wasladda DAHABKA Ah Ee Dawladda Deegaanka Soomaalida, Dooddiisu Waa Gar!

Jigjiga (JigjigaOnline) – Dood oo fagaaraha kaalay, ha daalin e soco oo isku day inaad qanciso dadka illaa daqiiqadda ugu dambaysa si aad damacaaga iyo hankaaga ugu hesho taageero; ha noqonnin mid buurta ka raadiya waxa daaraddiisa uu ka helayo.  Waa dood gar ah oo uu bedka keenay Wasladda Dahabka ah ee uu nasiibka u yeeshay DDS, ahna dunta xariirta ah ee aynaan sannadihii hore ku arki  jirin goleyaasha siyaasadda balse doorkan horteenna fadhiya.

Maxamed Muxumed Colaad, waxa uu toddobaadkan inoo ibo-furay dood duur-xul ah oo cid kasta ku socota, una dhigan qaab cilmiyeysan oo ay ka muuqatay aqoon iyo hab-qoraal xeel dheer. Sadarrada uu ku duugay qalinkiisa oo qof walba ku socday, kuuguma yeedhinin go’aanka kama dambaysta ah ee aad qaadanayso, laakiin sida aqoontu inoo sheegayso, waxa uu kuu daayey doorashadaada iyo jidka ay tahay inaad raacdo (your final judgment).

Haddii aad tahay siyaasi wax doonaya, waxa uu kuu iftiimiyey halka ay tahay inaad wax ka doonto, tubta kuu habboon iyo dood ku dhisan daliillo cadcad oo aad ku hanan karto hammigaaga.

Hadda dhugo sadarkan: “Marka, waxaan tallo wax ku ool ah sad uga dhigi lahaa cid waliba oo damac siyaasadeed sadriga ku haysa iyo sidoo kale, cid waliba oo saluug ka qabta geeddi socodkeenna siyaasadeed inay guntiga dhiisha uga dhigato sidii ay uga gadi lahayd shacabka deegaanka fikir walba oo siyaasadeed oo ay markaasi u aragto inay maslaxo ugu jirto umaddan.”

Inkasta oo aanu abwaan ahayn, haddana miyaanay si uun isku shabbihin kalmadahan, maansadii DABA-TAXAN ee AHU Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Garriye), tuducii uu ku lahaa:

“Dun baa meel ka xidhan weli

Goldalooladiinnuna

Door bay ku leedahay.

Digdig iyo mutuhis iyo

Dul-ka-xaadis mooyee

Bal si daawo loo helo

Darsa eelka lama odhan.

Danni baana igu jira

Inaan hoosba loo deyin.”

Afar su’aalood oo xigay ayuu Colaad kuugu tilmaamay halka aad hillaada ka bilaabayso, hoosna waxa uu ka raaciyey badheedhe ah, inay kuu habboon tahay inaad bedka is keento, adiga oo sayladda ka gadaya aaraa’da aad binada uga dhigayso hanka kugu jira, tabashadaada iyo muujin aad farta ku fiiqayso halka ay ahayd in la maro & waliba dalabta aad rumaysan tahay inuu yeeshay halgankii lasoo galay ee lagu riday dhiigyo-cabkii.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa ‘Gari Allay taqaanaaye’, miyaanay dooddani Gar ahayn?

Haddii caaddifad xor laga yahay, haddii ninna aan dano gaar ah laga eegayn, Allaylehe, waa gar iyo biyo kama dhibcaan, waana midda ay tahay, in siyaasiyiintu ku salleeyaan damacooda.

Aan xasuusiyo cid walba, in danteenna guud laga sinnaado, kala duwanaanshaha aaraa’da iyo siyaasadduna ay tahay sunne bannaan oo ay tahay inaan laysku colaadin, kamana dhigna in ninka kursiga ku fadhiya uu yahay mid samada laga soo diray oo la’aantii dalku rogmanayo. “

Gaarriye AHU ayaa laga hayey:

“Waxa maanta ii daran

Qaran haga dadweynaha;

Qaran damal sidiisii

Noo dallaalimeeyoo

Soo taabta darafyada;

Qaran aan dir-sooc jirin

Qaran aan ahayn dulin

Nabad-doonka beeshiyo

Raacatada dulsaar ku ah;

Qaran aan dirsada oo

Anigaysku kay dirin;

Qaran iigu soo dara

Aan iiga sii darin;

Ninka deyrtan maanta ah

U darraystay madaxnimo

Uba diidi maynnee,

Horta mee dadkii iyo

Dalkii uu xukumi laa?

Nin la yidhi na daadihi

Haddii layska dabo galo

Oon doohba cidi odhan

Damac waayi maayee,

Maxaa ii dammaanad ah

Haddaan Dahabo bixiyaba,

Inaan lagu durdurinayn?

Maxaa ii dammaanad ah

Damman wayska huruddaa

Xeerka loo dejinayiyo

Inaan qalinka lagu dagin?

Maxaa ii dammaanad ah

In dastuurka qiil jiro

Markay damacdo lagu furo?

Maxaa ii dammaanad ah

Nin doonaa ha mehershee

Inuu daacad yahayoo

Ajeenda u dahsoonayn?

Maxaa ii dammaanad ah

Qaran dumay inuu yahay

Nin dalluun ka bixin kara?

Maxaa ii dammaanad ah

Dabka inuu ka dhigi karo

Dabatadu ka siman tahay?

Ma deggena badweyntuye,

Maxaa ii dammaanad ah

Duufaan hadduu kaco

Inuu doonni noqon karo,

Seebab lagu dabaasho leh?

Calankaan dorraad helay

Dafo igala booddaa

Kula maqan Dagaara e

Ninka doobta ridayaa

Sida haad ma duulaa?

Dulucdeedu waxay tahay;

Midho daray haddaan beri

Duudduub ku liqi jirey

Doorkan waxaan hubsanayaa

Dirxi inuu ku hoos jiro.”

Waxa qoray: Abdiwahab Ahmed, tifaftiraha guud ee JigjigaOnline.com