Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Oo Sheegay Korodhka Uu Samayn Doono Dhaqaalaha Dalku Sannadkan

Addis Ababa (Jigjigaonline) –  Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Itoobiya, Axmed Shide ayaa sheegay in korodh dhaqaale oo ballaadhan ay rajaynaynaan sannad miisaaniyadeedka dhawaanta bilaabmaya.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa Sabtidii ansixiyey miisaanadda sannadka oo dhan $13.5 bilyan, taas oo bilaabmi doonta bisha July ee foodda inagu soo haysa oo ku beegan curashada sannadka Itoobiya.

Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide, oo la hadlayey warbaahinta dawladda ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey koboca ay rajaynayaan in dhaqaalaha dalku uu sameeyo sannadka, taas oo uu ku tilmaamay mid yididiilo leh.

Wasiirku waxa uu sheegay in dhaqaalaha dalku uu kori doono 9%, isla markaana ay hagaajin doonaan sida ay waaxyaha dawladdu u adeegsadaan miisaaniyadda loo qoondeeyey, iyadoo uu carrabka ku adkeeyey inay hagaajin doonaan qaabka cashuurta loo ururiyo, il gaar ahna lagu eegi doono ilaha uu kasoo xeroodo dhaqaalaha ee waaweyn.

Wasiir shide waxa kale oo uu tilmaamay in xukuumadda Abiy Ahmed ay ahmiyadda siinayso dhisidda dalka, gaar ahaan sare u aqaadista tacliinta, beeraha, biyaha iyo caafimaadka.

Hadalka wasiirka ayaa yimid maalmo kaddib markii ay xukuumadda dhexe shaacisay miisaaniyadda oo uu baarlamaanka dalkuna meel mariyey.

Be the first to comment