Wargeyska Bloomberg Oo Shaaciyey Tirada Ciidamada Itoobiya Ay Kala Soo Baxday Somaliya Ee Kusii Jeeda Deegaanka Tigrayga

Addis Ababa (JO) – Warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka ayaa werisay in dowladda Ethiopia ay kumanaan askari kala baxday Soomaaliya, sida ay sheegeen saddex ilo-wareed oo xog-ogaal ah.

Warbaahinta maxalliga ah ee Somaliya ayaa toddobaad ka hor shaacisay in qaar ka mid ah ciidamada Ethiopia ee aan ka tirsaneyn Amisom laga saaray Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo.

Hase yeeshee Bloomberg ayaa werisay in Ethiopia ay Soomaaliya ka saartay 3,000 oo askari, kuwaasi oo dib loogu daad gureeyey dalkooda, si ay gacan uga gaystaan dagaalka lagu qaaday gobolka Tigray, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Bloomberg waxay werisay in ciidamada la saaray aanay qeyb ka ahayn 5,000 askari ee Ethiopia ugu jirta hawlgalka nabad ilaalinta ee Amisom.

Afhayeenka wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, oo arrintan wax laga weydiiyey ayaa sheegay in su’aalaha la xidhiidha arrintan la weydiiyo dawladda Ethiopia, maadaama ciidamada la saaray aanay ahayn kuwa qeybta ka ah Amisom.

Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Ethiopia ayaa billowday inay saraakiisha Tigray-ga ee qeybta ka ah ciidamada Amisom ka saarto Soomaaliya.

Qorshahan ka dhanka ah saraakiisha Tigray-ga ayaa ah mid qoto dheer oo dhinac walba looga beegsanayo, xilli uu socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed iyo gobolka Tigray-ga ee dalkaas.

Sababta loo saarayo saraakiisha iyo ciidamada Tigray-ga ayaa lagu sheegay inay tahay inaan la isku haleyn karin daacadnimadooda.

Be the first to comment