Warbixin isbarbar-dhigtay Axmed-Siilaanyo iyo Muuse Biixi Siday Dulqaadka ku kala yihiin – Daawo

Hargeysa (Jigjigaonline) – Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Madaxweynaha hadda Muuse Biixi, ayaa ku kala fog aamminsanaanta waxa dulqaadku yahay.

Axmed-Siilaanyo, ayaa dulqaadka ku qeexay sahayda iyo sadka siyaasiga suubban. Haseyeeshee, Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa isagu ku sifeeyey dulqaadka inuu la walaal yahay doqonniimada.

Haddaba, Telefeshinka Baddacas24, ayaa warbixin uu isku barbar-dhigay hadalladooda iyo qiimaha dulqaadka hoggaamiyeyaasha dunidu siiyeen ka diyaariyey, waxaanan warbixintaas idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan:-