WARAYSI XIISO BADAN: “Waxaanu Ognahay In Dhibaatada U Dhaxaysa Somaliya Iyo Kenya Lasoo Ajari Karo. Waxaan Doonayaa Inaan Itoobiya Geeyo Halka Ugu Sarraysa”

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya waddamada Somaliya iyo Kenya, kuwaas oo uu sheegay in la garanayo xalka iyo sida loo dhamaynayo dhibaatada u dhaxaysa.

Abiy Ahmed oo waraysi dheer siiyey wariye Eskinder Firew oo ka tirsan qaybta luuqadda Amharic ee idaacadda VOA, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay isbeddellada uu ka hirgeliyey dalkiisa muddadii uu xilka hayey, taas oo uu ku dooday inay tahay waqti gaaban, balse hadafkiisu yahay inuu dalkiisa gaadhsiiyo figta ugu sarraysa.

Waraysiga waxa uu kusoo qaaday nidaamka garsoorka iyo cadaaladda Itoobiya, waxaanu carrabka ku dhuftay aragtida ay qoomiyadaha qaarkood ka aaminsan yihiin ee ah in xukuumaddiisu nidaam aargoosi oo kale ah ku bartilmaameedsanayso shaqsiyaad iyo qoomiyado.

Waraysigan oo ay warbaahinta Jigjigaonline soo turjuntay ayaa waxa uu u dhacay sidan:

Eskinder Firew: Sannad guuradaadii ugu horreysay ee kasoo wareegtay markii aad ra’iisal wasaaraha noqotay, waxaad tidhi, “Kaliya waxaan qorshaynayaa inaan Itoobiya geeyo heerka ugu sarreeya, dadka toosiyo iyo inaan sare u qaado waddan madaxiisu hoos u fooraro. Ma jiro xanuun kale oo aan ahayn taas.” Maxaad ula jeedday hadalkaas?

Abiy Ahmed: Ma aaminsani inaan xukunka hayey waqti dheer oo ku habboon. Inta aan xukunka hayey, waxa aan rumaysnaa inaan ka shaqeeyo sidii aan u beddeli lahaa nolosha dadka, laakiin inta aan ku jiro dedaalladdayda aan kaga shaqaynayo inaan isbeddel ku keeno, waxa dhici kara khaladaad balse dareenkayga iyo ficilkayguba waa kor u qaadista Itoobiya.

Hadafkaygu maaha inaan isticmaalo qolooyin cayiman. Inaan weeraro qolooyin gaar ah ama inaan riixo qolooyin cayiman ama dadka dulmiyo. Waxa aan ka shaqaynayaa waa shaqo ah inaan horumariyo dadka Itoobiyaanka ah, taas ayaan doonayaa, waana taa waxa aan samaynayaa.

Waxa aan si kalsooni leh u odhan karaa in aanan ku lug yeelan doonin dad la dilayo amaba sifo sharci-darro ah hantidooda ugala baxaynin jeebaddooda inta aan xukunka hayo.

Firew: Farriintii dawladda iyo dadka Eritrea aad u dirtay maalintii Madaxbanaanida Eritrea, waxaad tibaaxday in Itoobiya ay diyaar u tahay kana go’an tahay inay kala shaqayso arrimaha taagan ee u dhexeeya labada waddan. Maxay yihiin “arrimaha taagani”?

Abiy: Haddii aynu soo qaadano dhibaatada u dhaxaysa Somaliya iyo Kenya, waxaynu u baahanaynaa Eritrea iyo Koonfurta Sudan oo ay wehelinayso Itoobiya, si midba midka kale u caawiyo oo uu gu taageero xalka arrimahan. Waxaan ognahay in khilaaf kasta oo u dhexeeya Somaliya iyo Kenya aynu xallin karayno, sababtan darteed, waxaynu jeclaan lahayn inaynu si wada jir ah uga shaqayno xalka khilaafkan.

Waxay arrimo sal-ballaadhan ka jiraan Koofnurta Sudan, mana filayno in Itoobiya oo kali ahi ay xallin karto dhibaatada, waxaana taas la mid ah marka ay timaaddo dhibaatada dhex taalla anaga iyo Eritrea.

Waxa sidoo kale jira mashaakilaad u dhexeeye Eritrea iyo dalal kale. Sidaa darteed gobolkan dhibaatooyin badan ayaa ka taagan. Laakiin waxa dheer in gobolkani doonayo inuu qaado dariiqa toosan ee isdhex-galka.

Firew: Xadhigga Xuduudka u dhexeeya labada waddan (Eritrea iyo Itoobiya) illaa maanta wuu sii socdaa. Maxay tahay xaaladda waqtigan jirtaa?

Abiy: Markii uu hannaanka nabaddu u bilaabmay labada dhinac, waxaynu aragnay xuduudka oo si ballaadhan u furan labada dhinacba. Waxaynu odhan karnaa dadku way tegayeen oo ka imanayeen si ka duwan sida dalalka shisheeyaha, waxaanay ahaayeen dhaqdhaqaaqyo sidii hal waddan oo kale ah. May jirin xakamayn adag, dad badan ayaana halkaa ka imanayey oo halkan soo aadayey, ama halkan ka tegayey oo halkaas gaadhayey. Arrintu intaas oo kaliya may ahayn. Xubnaha mucaaradka Itoobiya ee degganaa Eritrea ayaa kusoo laabtay Itoobiya, xubnihii mucaaradka Eritrea ee degganaa Itoobiya na waxay ku laabteen Eritrea.

Markaa waxa loo baahday hannaan maamul iyo hubinta kastamka. Waxa aanu u baahanay awooddii aanu suurtogelin lahayd inaanu ogaano waxa dadku ay dalka soo gelinayaan ama ka saarayaan. Waxa yimid walaac ah in haddii xuduudku iska furnaado kaantalool la’aan, inay adkaanayso in laga hortago dhibaatooyinka. Waxaanu doonaynaa inaanu xaqiijino, in haddii dadku doonayaan inay Itoobiya ka tagaan oo Eritrea tagaan amaba ka yimaaddaan Eritrea oo ay Itoobiya yimaaddaan, inay jiraan amni, horumar iyo dalxiis.

Riix 2 si aad usii akhrisato waraysiga: