Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyga Maanta Oo Jimce Ah

Muddo kooban  ayaa ka hadhay waqtiga uu furmayo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaaga oo ku beegan horraanta bisha June, laakiin fayraska Korona ayaa laga yaabaa in sannadkan uu isbeddel ku keeno.

Inkasta oo uu hadda xidhan yahay suuqu oo aanu wali furmin, waxa kooxaha waaweyn ee Yurub ay kala jiidanayaan laacibiinta heshiisyadoodu dhamaanayaan ee sida bilaashka ah ku baxaya iyo kuwo kale oo ay u hurayaan lacago badan si ay iskugu xoojiyaan xili ciyaareedka dambe.

Warbaahinta dunida gaar ahaan wargeysyada ayaa waxay si maalin leh usoo bandhigaan dhaqdhaqaaqyada ugu dambeeyey ee kooxaha, ciyaartoyda ay doonayaan iyo waxyaabaha laga yaabo inay dhacaan.

Sidii aad nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey ee suuqa iibka ciyaartoyga ee ay wargeysyadu qoreen maanta oo Jimce ah:

Heshiiska ay Manchester City kula jirto laacibka khadka dhexe ee David Silva ayaa waxa uu dhamaanayaa 30 June, laakiin 34 jirka reer Spain waxa uu doonayaa inuu qandaraaska kordhiyo illaa inta uu xili ciyaareedku dhamaanayo, waqtigaas oo uu soo afjari doono waayihiisa Etihad. (Times)

Manchester United waxay shaqaale soo daawada u dirsatay Rabbi Matondo oo garabka weerarka uga ciyaara Schalke una dhashay Wales, waxaanay United isku dayi doontaa inay 19 jirkan u dhaqaaqdo haddii ay ku fashilanto inay Borussia Dortmund kala soo wareegto Jadon Sancho. (Manchester Evening News)

Bartilmaameedka Chelsea ee Dries Mertens ayaa doonaya inuu sii joogo horyaalka Serie A haddii uu dhamaado qandaraaskiisa Napoli, waxaana 33 jirkan reer Belgium xiisaynaysa Inter Milan. (Mail)

Lionel Messi ayaa tibaaxay in weeraryahanka 22 jirka ah ee Inter Milan iyo xulka Argentine ee Lautaro Martinez uu leeyahay tayadii ku habboonayd ee uu ugu ciyaari lahaa Barcelona oo doonaysa inay u dhaqaaqdo heshiiskiisa marka uu suuqu furmo. (Sport)

Tababaraha Everton, Carlo Ancelotti ayaa wada-hadallo la yeeshay hooyada dhashay laacibka khadka dhexe ee PSG ee Adrien Rabiot, isaga oo doonaya in 25 jirkan Faransiiska ah uu keeno Goodison Park. (TuttoJuve)

Weeraryahanka Bayern Munich iyo Poland ee Robert Lewandowski oo 31 jir ah ayaa kula taliyey 19 jirka reer Norway ee Erling Haaland inuu sii wado horumarinta xirfaddiisa oo uu sii joogo Borussia Dortmund, xilli lala xidhiidhinayo kooxaha Real Madrid iyo Manchester United. (Metro)

Wakiilka laacibka reer Brazil ee Philippe Coutinho ayaa sheegay in aanay jirin koox uu wada-hadallo kala yeeshay iibka 27 jirka Barcelona oo amaah ugu maqan Bayern Munich. (Talksport)

19 jirka Manchester United ee u ciyaara xulka qaranka England ee ay da’doodu ka hoosayso 20 jirrada ee Angel Gomes oo heshiiskiisu uu ku egyahay xagaagan, ayaan qandaraas cusub u saxeexi doonin Red Devils, sababtoo ah, waxa uu shaki kaga jiraa inuu fursad ka helayo kooxda koowaad si la mid ah ciyaartoyda kale. (Manchester Evening News)