Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Xaaladda Itoobiya Iyo Nuxurka Hadal Uu Jeediyey Jawaar Mohamed

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Xaaladda dalka ayaa si caadi ah kusoo noqotay maanta kaddib maalin qalalaase iyo mudaharaadyo ay ka jireen magaalooyin dhawr ah.

Isku-soobaxyo Arbacadii ka dhacay deegaanka Oromada ayaa waxa ku naf waayey dad lagu qiyaasay 16 qof, hase yeeshee Khamiistii ayay xaaladdu kusoo noqotay caadi markii uu mudaharaadeyaasha la hadlay Jawaar Mohamed.

Isaga oo la hadlayey boqollaal qof oo gurigiisa ku hareeraysnaa, ayaa waxa uu Jawaar ka dalbaday in waddooyinka la furo, la nadiifiyo magaalooyinka isbaarooyinka la dhigay.

“Waddooyinka fura, ka nadiifiya magaalooyinka jid-gooyooyinka, daaweeya kuwii dhaawacmay intii ay mudaharaadyadu socdeen, lana heshiiya kuwii aad muranteen.” Ayuu yidhi Jawaar Mohamed.

Magaalada Dodola oo 300 KM Koonfurta kaga beegan Addis Ababa ayay dhimashada ugu badan ka dhacday, waxaana ku naf waayey lix qof sida ay xaqiijiyeen saraakiisha cusbitaalka magaaladu.

Ambo oo ah magaalada labaad ee dhimashada ugu badan ka dhacday ayaa waxa ku naf waayey shan qof, sida uu warbaahinta u sheegay Komishaneerka Booliska Oromia, Kefyalew Tefera, halka magaalada Harar ay laba qof u dhinteen xabbad ay boolisku rideen.

Caasimadda dalka ee Addis Ababa ayaa waxa iyadana ku geeriyooday laba qof, waxaana tirada guud ee khasaaraha nafeed ee ka dhashay rabshaduhu ay noqotay 16 qof, halka dhaawac badanna uu jiro.

Dhinaca kale, magaalooyinka Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa waxa gellinkii dambe ee shalay iyo maanta aan soo gelin Jaadka, halka dalalka deriska ahna laga dareemay jaad la’aanta.

Be the first to comment