Wararkii ugu dambeeyey ee dhageysiga dacwadda badda ee ICJ

Th Hague (JO) – Magaalada Hague ee dalka Holland waxaa maanta markale ka sii socon doonta dhageysiga dacwadda badda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taas oo hor-taalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Dooda Soomaaliya ayaa maanta halkeeda ka sii soconeysa, iyada oo ay markale qareenada Soomaaliya jeedin doonaan doodooda ku aadan difaacida biyaha dalkeena.

Sidoo kale qorshaha ayaa waxa uu ahaa in qareennada Kenya ay beri bilaabaan doodooda, balse Kenya ayaa maqan, iyada oo ka baxday kiiska badda ee ICJ.

Soomaaliya oo shalay hadal ka jeedisay fadhiga Maxakamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.ayaa shaaca ka qaaday inay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, iyada oo intaasi kusii dartay in maqnaashiyaha Kenya uu liddi ku yahay sarreynta sharciga.

Marka la eego sida ay ku socota dacwadda ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dowladduba waxay rajo ka muujiyaan ku guuleysiga kiiskaasi oo muddo sanado ah soo jiitamayey.

Si kastaba dhageysiga kiiskan ayaa billowday, iyada oo Kenya aanay ka qeyb-geli doonin dhageysigiisa, maadaama ay haatan ka maqan-tahay fadhiga maxkamadda.

Be the first to comment