Madaxweyne Ku-xigeenka Deegaanka Soomaalida Oo Ciidamo Badan Wata Oo Ka Baxay Jigjiga Xilli Khilaafka Siyaasadeed Ee U Dhexeeya Mustafe Uu Sii Xoogaystay

Jigjgia (JO) – Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Deegaanka Soomaalida oo ay wehelinayaan ciidamo badan oo Federaal ah ayaa goor dhoweyd ka baxay magaalada Jigjiga, saacado kaddib markii xabsiga loo taxaabay Hoggaankii Nabadgelyada iyo Madaxii Baratakoolka Madaxtooyada.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen JigjigaOnline, Madaxweyne ku-xigeenka oo ay wehelinayaan Kolonyo Baabuur oo ay ciidamada Federaalku waaridiyeynayaan ayaa ka baxay maanta duhurkii Magaalada Jigjiga, waxaana la sheegay inay ku sii jeedaan magaalada Dire Dhaba ee deegaan ahaan uu kasoo jeedo Madaxweyne ku-xigeenku.

Warku ma sheegin sababta dhabta ah ee keentay in Madaxweyne ku-xigeenku uu ka baxo magaalada Jigjiga, hase yeeshee waxa jira khilaaf weyn oo u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Mustafe kaas oo sababay in Golaha Xukuumaddu uu laba garab u kala jabo, isla markaana uu maanta Madaxweynuhu xabsiga u taxaabo Hoggaankii Nabadgelyada Deegaanka Cabdicaadil iyo madaxii-baratakoolka Madaxtooyada Cabdiqaadir Bisle.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo kolanyadiisa baabuurta ah ayaa la sheegay in sidoo kale ay ka mid ahaayeen xubno sare oo xukuumadda Mustafe ka tirsan oo kasoo horjeeda tallaabooyinka uu xalay ilaa maanta qaadayay Madaxweynuhu, kuwaas oo ay dareensan yihiin inay sharciga baal-marsan yihiin.

Guddoomiyihii xisbiga SDP ee Soomaalida, haddana ah Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide ayay wararku sheegayaan inuu isaguna ka cadhooday tallaabooyinka uu Madaxweyne Mustafe qaaday, taas oo uu si toos ah ugala hadlay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo horeba xiisaddan uga war hayey.

Aadan Faarax ayaa la filayaa in marka uu gaadho magaalada Dire Dhaba uu diyaarad u qaadan doono Addis Ababa, halkaas oo uu ugu tegi doono Ra’iisal Wasaaraha si uu xaaladda deegaanka xog buuxda uga siiyo.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka Deegaanka Soomaalida ayaa maanta dhegaha taagaya, waxaanay ka walaacsan yihiin waxa ay ku dambayn doonto xaaladda siyaasadeed ee jaho-wareerka ah.

Be the first to comment