“Walaashey oo bil ka hor la ii sheegay inay Corona u geeriyootay ayaa i soo wacday”

Haweenay 74- jir ah oo u dhalatay dalka Ecuadore oo horey ay dhakhaatiirta u shaaciyeen in ay u dhimatay Corona ayaa la helay iyada oo nool ka dib markii qof kale oo dhintay lagu qalday.

Qoyska Alba Maruri ayaa lagu wargaliyay bishii aanu soo dhaafnay inay dhimatay ka dib waxaa loo geeyay dambaskii meydkii la gubay.

Balse Ms Maruri ayaa soo toostay Khamiistii ka dib markii ay Koomo ku jirtay saddex toddobaad, waxayna dhakhaatiirta ka codsatay in walaasheed ay u wacaan.

Qoyskeeda ayaa aad ugu farxay warkaasi – balse waxa ay kala cadeyn waayeen qofka uu yahay dambaska meydka ay guriga ku haystaan.

Isbataalka ayaa raaligalin ka bixiyay khaladka dhacay .

Ms Maruri ayaa ku nool magaalada Guayaquil, oo ah goob xudun u ah cudurka Covid-19 ee dalka Ecuador.

Dalka Ecuador ayaa waxaa si wayn u saameeyay cudurka corona, waxaana uu cudurka ku dhacay 22,000 oo qof, halka ku dhawaad 600 la soo sheegayo in ay dhinteen.

Sida laga soo xigtay wargeys ka soo baxa dalkaasi oo lagu magacaabo El Comercio, Ms Maruri ayaa bishii aanu soo dhaafnay la jiifiyay isbataalka ka dib markii ay dareentay qandho daran islamarkana ay neeftu ku dhagtay.

27 bishii March qoyskeeda ayaa lagu waargaliyay inay dhimatay.

Waxaa la tusay meydka oo yaallay goobta meydadka la dhigo, balse meel fog ayaa laga tusay iyada oo laga cabsi qabo feyriska Corona.

Wiil ay eeddo u tahay Ms Maruri oo lagu magacaabo, Jaime Morla, ayaa u sheegay saraakiisha isbataalka in uu u maleynayay eedadii markii meydka la tusay.

“Waan ka baqayay in aan wajigeeda eego,” waxaa uu sidaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP. “waxaan u jiray 1 mitir iyo badh, waxa ay ahaayeen isku timo iyo isku jidh”.

Meydka ayaa la qaaday ka dib na la gubay islamarkana dambaskii ka soo haray meydka ayaa loo geeyay qoyska.

Balse khamiistii, Ms Maruri ayay soo naaxday islamarkana dhkhaatiirta oo aad u yaaban ay u sheegtay magaceeda.

Waxay siisay lambarka teleefoonka gurigeeda islamarkana waxay walaasheed oo lagu magacaabo, Aura, ka codsatay inay soo raadiso.

Koox ka socotay isbataalka ayaa gurigeeda tagay si ay u raaligaliyaan qoyskeeda, sida uu qoray wargeyska El Comercio.

Dhakaatiirta ayaa waxay sheegeen in isbataalka xilligaasi uu jahwareer ka jiray islamarkana ay ka tira bateen kiisaska dhimashada ee Corona.

“Waa mucjiso, ku dhawaad bil waxaan u haysanay in ay dhimatay, bal qiyaas, waxaana guriga aan ku haystay dambaska qof kale,” ayay tiri Aura.

Qoyska ayaa imika xukuumadda ka dalbaday magdhaw islamarkana ay dowladda bixiso qarashkii ka galay gubidda meydka.

Ms Maruri ayaa imika loo gaday firaash cusub maadaama firaashkii ay horey ugu seexan jirtay la tuuray.

Be the first to comment