“Waanu Naqaanaa Halka Na Deeqda iyo Cidda Aanu Xulafo La Noqon Karayno” – Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Ka Hadlay Arrimo Xaasaasi Ah

JigjigaOnline (Jigjiga) – Qayb kamida waraysi dheer oo uu siiyey AS ayuu madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Mohumed Omer kaga jawaabay su’aal kusaabsan xulafaysiga cusub ee siyaasada EPRDF iyo halka ay soomaalidu ama xisbiga Dimuqraadiga soomaalidu (SDP) uu kaga jiro wuxuuna kujawaabay sidan.

Madaxweyne Cagjar waxa uu sheegay inuu rumaysan yahay in ra’iisal wasaare Abiy Ahmed inuu sii hayn doono hoggaaminta xisbiga iyo waddankaba isaga oo awood leh, hirgelinayana aragtidiisa siyaasadeed, waxaanu yidhi: “Markaad eegto xiliga iyo xaalada wadanku kujiro uma baahnid inaad noqoto Khabiir dhanka siyaasada ah (political scientist) si aad u odorosto waxa dhicikara iyo cida xulafo noqonkarta kahor doorashadu inta aanay dhicin, waxaa muuqata in inuu jiro isbadal iyo aragti kala duwanaan kajirta gudaha EPRDF, waxaana iimuuqda in EPRDF ama ugu yaraan garabka PM Abiy Ahmed ay talada wadanka sii hayn doonto iyadoo awoodle,waxaana suuragala inaad aragto qaarkamida ururada EPRDF oo booska baneeyay iyo xoogag cusub oo miiska soo fadhiista, taasi maaha mid qarsoon, ugu yaraan PM Abiy Ahmed wuxuu cadeeyay mawqifka ka hoggaan ahaan kaga aadan mustaqbalka EPRDF wuxuuna bixiyay tilmaamo muujinaya rabitaan ah in aan noqono hal xisbi qaran oo kumidaysan ahdaaf iyo aragti, balse kudarsoo maaha midaasi inay ku ilowsiiso rabitaanka dadka soo wakiishay asxaabta EPRDF kumidaysan iyo kala duwanaanta aragtida.”

Madaxweyne Mustafe waxa uu intaas kaddib caddeeyey qorsheyaal u diyaarsan xisbiga SDP ee haya talada Dawladda Deegaanka Soomaalida, waxaanu yidhi: “Annagu ka Soomaali ahaan iyo ka Xisbiga Dimuqraadiga soomaalida ahaanba waxaa noo diyaarsan qorshe iyo iyo nidaam cad, waxaana kuu cadaynayaa inaan diyaar sanay islamarkaana aan naqaano halka nadeeqda iyo cida aanu xulafo lanoqon karo intaba. Waxaanu si buuxda uga dharagsanahay xaaladda iyo xilliga lagu jiro, waxaanan ku kalsoonahay inaan istaagi doono meel nagu habboon.”

Dhankakale mar uu ka hadlayay doorashada ayuu sheegay in aanu muhiim u arkaynin in sanaaduuqda sidii loo buuxin lahaa lagu mashquulo iyadoo la eegayo oo kaliya tilmaamaha qoran balse taas badalkeeda ay muhiim tahay in xoogga la saaro sugitaanka ammaanka shacabka iyo ilaalinta saraynta sharciga.