Waa Maxay Sababta Dunida Oo Dhan Uga Naxday Weerarradii Sucuudiga Lagu Qaaday?

Riyadh (JigjigaOnline) – Shirkadda saliidda soo saarta ee Aramco, oo ay si gaar ah u leedahay dowladda Sucuudiga ayaa ah shirkadda ugu weyn ee caalamka u iib geysa Saliidda – kaligeed ayaana bixisa 10% ka mid ah saliidda laga isticmaalo caalamka.

Sidoo kale Shirkaddan ayaa ka mid ah kuwa ugu waaweyn adduunka ee faa’iidada laga sameeyo.

Weerarradii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dhawaan lagu qaaday warshaddan waxay burburiyeen kala bar ka mid ah unugyadeedii wax soo saarta, taasina waxay u dhigantaa in uu istaagay 5% ka mid ah adeeggii saliidda ee uu heli jiray caalamka.

Wasiirka tamarta ee Sacuudiga ayaa sheegay in duqaymahaasi ay hoos u dhigeen wax soo saarkii saliidda 5.7 milyan oo barmiil – oo ah kala bar shidaalkii ay boqortooyadu dhoofin jirtay.

Warfidiyeenada ayaa sheegaya in weerarkan uu saamayn weyn ku yeeshay qiimaha saliidda ee caalamka.

Laakiin qiimeynta ilaa hadda la sameeyay ayaa muujineysa in dadka isticmaala shidaalka aysan si deg deg ah u dareemi doonin sare u kac ku yimaada qiimaha shidaalka, inkastoo sare u kaca uu suurtagal yahay.

Barmiilkii saliidda ceyriinka ah ayaa qiimihiisu wuxuu Jimcadii ahaa $60 doolar oo u dhiganta £48 gini, qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha ganacsigana waxay sheegayaan inuu qiimaha saliidda sare ugu kici karo ilaa $80 doolar halkii barmiil.

Su’aasha la isweydiinayo ayaa ah sababta weerar noocaas ah looga difaaci waayay shirkadda saameyntaas ballaaran ku leh suuqa shidaalka ee caalamka, iyadoo dhaqaale xoog lehna laga soo xareeyo ganacsiga ay sameyso.

Waxaa kale oo ay dad badan isweydiinayaan in weerar noocan ah uu soo noqon karo iyo inkale.

Mareykanka oo Iiraan ku eedeeyay weerarkan iyo Iiraan oo ka jawaabtay

Xoghayaha Arrimha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa Iran ku eedeeyey weerarkii Sabtidii lagu qaaday Warshadaha shidaalka ee Sucuudiga.

Waxa uu meesha ka saaray sheegashada Xuutiyiinta Yemen ee ah in ay weerar ku qaadeen labo warshadood oo ay maamusho Sharikadda Aramco ee Sucuudiga laga leeyahay.

Balse Iiraan ayaa dhankeeda gaashaanka u daruurtay eedeyntaas, waxayna cambaareysay waxa ay ugu yeertay “eedeynta aan runta salka ku heynin” ee uu Mareykanka u jeediyay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Javad Zarif ayaa sheegay in “Dhaliil loo jeediyo Iiraan aysan soo afjareynin musiibada ka taagan Yemen”.

Khatarta Gobolka

Walwalka la qabo waa in haddii weerarradan ay sii xoojiyaan xiisadda gobolka ay taasi sabab u noqon karto in kororka qiimaha sidaalka uu waqti dheer sii taagnaado.

Barfasoor Butler believes ayaa aaminsan: “Haddii aargoosi dhab ah la sameeyo, sare u qaadista qiimaha saliidda wuxuu horseedi karaa khatar dhaqaale oo gobolka dhan saameysa”.