Waa kuma ninka adeerka u ah madaxweynaha Suuriya ee Faransiiska lagu xukumay?

Paris  (JO) РMaxkamad ku taalla Faransiiska ayaa afar sanno oo xarig ah ku xukuntay Bishaar Al Asad adeerkii kaddib markii lagu helay dambi ah in uu lacago isdaba mariyay.

Rifaat Al Asad ayaa lagu helay dambi ah in uu lunsaday lacag ay leedahay dowladda Suuriya si uu guryo iyo xafiisyo uga iibsado Faransiiska.

Rifaat Al Asad oo 82 jir ah oo horey madaxweyne ku-xigeen uga soo noqday Suuriya ayaa beeniyay in wax dambi ah uu galay. Halka qareenadiisa ay sheegeen in xukunka ay racfaan ka qaadan doonaan.

Maxkamaddu waxay sidoo kale amar ku bixisay in lala wareego hantida uu ku leeyahay Paris.

Rifaat Al Asad ayaa sannadkii lasoo dhaafay lagu daweynayay Faransiiska kaddib markii uu dhiigga gudaha uga furmay, balse ma uusan joogin maxkamadda maadama uu xanuunsanaa, wey adagtahay in xukunka lagu riday uu xabsiga ku qaadato maadama uu yahay qof da’ ah.

Waa kuma Rifaat Al Asad?

Waxaa uu mar ahaan jiray ninka labaad ee ugu awoodda badan Suuriya, waxaa uu ahaa taliyihii ciidammada Suuriya waqtigii uu dalkaas ka talinayay walalkiis Xaafid Al Asad, kaas oo Suuriya madaxweyne ka ahaa laga bilaabo 1971-dii ilaa geeridiisa sannadkii 2000.

Rifaat waxay qaar kamid ah shacabka Suuriya u yaqaanaan ‘Dilaagii Xama’ waxaana lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa howgalkii ka dhanka ahaa kacdoonkii sannadkii 1982 ka dhacay magaalada Xama kaas oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 10,000 ilaa 20,000 oo qof.

Rifaat waxaa uu beeniyay in uu ku lug lahaa xasuuqii ka dhacay Xama.

Tan iyo sannadkii 1984-tii markii uu hogaaminayay isku daygii lagu afgembin rabay dowladdii walaalkiis Xaafid, waxaa uu dibad joog ku ahaa Spain iyo Faransiiska.

Markii uu geeriyooday walaalkiis Xaafid sannadkii 2000, Rifaat waxaa uu ku dhawaaqay in uu yahay qofka xilka qaban doono balse waxaa madaxweyne noqday wiilkiisa Bashar.

Markii Suuriya ay ka dhaceen dagaallo sokeeye sannadkii 2011-kii wuxuu ugu baaqay wiilka uu adeerk u yahay in uu xilka ka dego.

Maxay ku saabsaneyd dacwadda loo heystay?

Rifaat al-Assad waxaa ku socday baaritaanno tan iyo sannadkii 2014-kii kaddib markii ay dacwad ka gudbisay ha’yad maxalli ah oo la yiraahdo Sherpa taas oo ku eedeysay in uu lacago isdabada mariyay.

Shan sanno kaddib, garsoorayaasha Faransiiska waxay go’aansadeen in la dhageysto dawcadda loo heysto gaar ahaan eedeymaha ah in uu ku lug lahaa xasuuqii ka dhacay Suuriya 1984 iyo 2016-kii.

Dhageysiga dacwaddiisa waxay bilaabatay sannadkii lasoo dhaafay, waxaa uu beeniyay eedeymaha loo jeediyay, Rifaat Asad ayaa ku doodayay in haddiyad uu ka heley qoyska boqortooyada Sucuudiga.

 

Be the first to comment