Waa Imisa Tirada Lacagtii Xalay Lagu Ururiyey Magaalada Jigjiga Ee Danyarta Loogu Deeqay?

JigjigaOnline (Jigjiga) – Magaalada Jigjiga ayaa xalay lagu qabtay xaflad qaadhaan loogu ururinayey dadka danyarta ah ee ku barokacay gudaha dawladda deegaanka Soomaalida, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay inay kor u dhaaftay hal milyan.

Dawladda Deegaanka ayaa shirkaas ka sheegtay in siddeeddii bilood ee ugu dambeeyey ay lacag hal bilyan oo Birr gaadhaysa ku caawisay dadka tabaalaysan eek u barokacay colaaddii xuduudka Soomaalida iyo Oromada iyo kuwo kale abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo qayb ka mid ah ay dib ugu noqdeen deegaamadii ay kasoo carareen.

Madaxa Xafiiska Barokacayaasha iyo ka hortagga Masiibooyinka Maxamed Faatax Maxamed ayaa sheegay in dadka ku dhex barakacay gudaha deegaanka Soomaaliday tiradoodu tahay 1,166,000 (hal milyan, boqol, lixdan iyo lix kun) qof, kuwaas oo ku sugan xaalado adag oo u baahan in gargaar la gaadhsiiyo.

“Waad ogtihiin maalintii ay dawladda cusub halkan timid, magaalada Jigjiga shan xero oo dadkii deegaanka ka barakacay ah. Waxa jiray dad ka  barakacay khilaafaadkii jiray, waxa kale oo jiray oo mar walba kordhayey dadka ka barakacay abaaraha dalka inta badan ka dhacayey. Dawladdu waxay xoogga saartay in khilaafaadka barakaca sababay mesha laga saaro, dadka deris wanaag lagu soo celiyo, nabadna ay guud ahaan dalka ka hana-qaaddo, dadkana dib loogu celiyo meelahoodii ay markii hore ka yimaaddeen.” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Faatax Maxamed oo shirkaas ka hadlay.

Madaxa Xafiiska Barokacayaasha iyo ka hortagga Masiibooyinku waxa uu sheegay in dad ay tiradoodu gaadhayso 287,000 qof ay dib ugu laabteen deegaamadii ay ka yimaaddeen ee xuduudka u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada, halka 290,000 qof oo kalena ay u baahan yihiin in dibu-dejin loo sameeyo oo aanay ku laaban karin deegaamadii ay kasoo barakaceen.

Maxamed Faatax waxa uu caddeeyey in siddeedii bilood ee ugu dambeeyey ay lacag badan oo caawimo ah gaadhsiiyeen dadka barakacayaasha ah, waxaanu yidhi: “Dawladda qasnaddeeda siddeeddii bilood ee ugu dambeeyey, waxay qasnaddeeda Barakacayaasha ku kharash garaysay lacag ku dhow bilyan.”

Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa isaguna hadal kooban oo uu jeediyey waxa uu ku sheegay in xukuumaddiisu ay mushaharkooda hal bil ugu deeqayaan dadka barakacayaasha ah, halka ay shirkado iyo ganacsatona madasha kaga dhawaaqeen lacago qaadhaan ah.

Madaxda Baananka ku yaalla magaalada Jigjiga ayaa iyaguna ballan-qaadyo sameeyey, inkasta oo aanay carrabka ku dhufanin lacagta ay bixinayaan.

Lacagta lagu ururiyey kulankaas shalay lagu qabtay Jigjiga ayaa waxay tiradeedu noqotay 48,735,859 Birr, iyadoo wali la filayo in lacago kalena yimaaddaan.