Trump: Duullaanka Turkigu ku qaaday Suuriya ma aha mid ka dhan ah Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in duullaanka uu Turkiga ku qaaday xudday Suuriya uusan ahayn mid lagu qaaday “xudduuddooda”, waxa uuna intaa ku daray in Kurdiyiintu oo xulufo la ahaan jiray mareykanka aysan ahayn “malaa’ig”.

Mareykanka ayaa cambaareyn xooggan kala kulmaya tallaabadii uu ciidamadiisa ugala baxay dalka Suuriya, waxaana dadka qaar ay ku doodayaan in arrintaasi ay sahashay in Turkigu uu ka tallaabo xudduudda uu la leeyahay Suuriya.

Madaxweyne Trump ayaa warbaahinta u sheegay in mareykanku uusan ahayn “booliska caalamka”.