Telefishanka SRTV Oo Ka Masayray BARNAAMIJ Uu Qabtay Wariye Buurgaabo Iyo Ballan-qaad Ay Sameeyeen Oo Ceebtooda Bannaanka Keenay

Jigjiga (JigjigaOnline) – Maamulka telefishanka SRTV ee lacagta badan ay ku bixiso xukuumadda DDS ayaa ka masayray barnaamij dood ahaa oo lagu qabtay magaalada Jigjiga, kaas oo laga sii daayey Universal TV.

Dooddan oo uu qabtay wariye Ismaaciil Ibraahim Buurgaabo oo hore uga tirsnaan jiray SRTV xilligii xukuumaddii Cabdi Iley ka hor intii aan lagu xidhin Jeel Ogaadeen oo uu sannado badan ku jiray, jidh-dil iyo dhibaatooyin badanna loogu geystay, ayaa waxa uu waqtigan yahay wariyaha telefishanka Universal TV ee magaalada Jigjiga, waxaana uu la yimid fikir ka duwan war-tebinta iyo barnaamijyada ka baxa telefishanka SRTV ee shaqaalaha badan ka hawl-galaan.

Wariye Buurgaabo ayaa waxa uu magaalada Jigjiga ku qabtay dood ay kasoo qayb-galeen Saddex masuul oo ka tirsan xukuumadda iyo Guddida fulinta ee Xisbiga XDS, kuwaas oo hool weyn ay su’aalo ku weydiiyeen marti-sharaf lasoo casuumay.

Barnaamijkan oo lagu qabtay hoolka xafiiska Beeraha ee DDS ayaa waxa uu telefishanka Universal ka baxay Arbacadii, waxaana saddexda masuul ee lagu casuumay ay ahaayeen:

Mudane Abdirahman Ahmed Hassan- Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS,Ahna Xubin Gudi Fulin oo XDS.
Mudane Mubashir Dubad Raage- Wasiirka Xafiiska Maaliyada DDS,Ahna Xubin Gudi Fulin oo XDS.
Mudane Abdirahman Eid Daahir- Wasiirka Waraabka Dooxooyinka DDS, Ahna Xubin Gudi Fulin oo XDS.

Barnaamijkan oo ahaa markii ugu horreysay ee DDS mid noociisa ah lagu qabto, ayaa waxa uu bannaanka soo dhigay, in telefishhanka lacagta badan ku baxdo ee SRTV ay maamulkiisu yihiin kuwo aan hal-abuur lahayn oo ay ku yar tahay inay la yimaaddaan barnaamijyo waxtar leh oo dadka xiiso geliya, halka ay hadh iyo habeen u taagan yihiin inay soo tabiyaan shir xafiis ka dhacay iyo masuul is-faaninaya oo meel ka hadlay.

Haddaba markii uu barnaamijkaaasi baxay ayaa waxa telefishanka SRTV ay iyaguna shaaciyeen in maalinta Axadda ee toddobaadka dambe ay qaban doonaan barnaamij ay u bixiyeen ‘Weydii waxaad tebayso’ oo la mid ah midkii Wariye Buurdhaab uu qabtay.

Ceebta kale ee SRTV kasoo muuqatay ayaa waxay tahay, in sidii Universal ay soo xusheen saddex masuul oo soo fadhiisan doona hool ay dadku su’aalo ku weydiinayaan.

Inta kaliya ee uu barnaamijkani kaga duwanaan doono midkii Wariye Buurdhaab ee Universal Tv, ayaa waxa ay noqon doontaa in dadka jooga meelaha fogfog ay kaga qayb-qaadan doonaan khadka telefoonka.

Saddexda masuul ee SRTV ay u yeedhay, ayaa waxay kala yihiin:

  1. Wasiirka xafiiska Beeraha DDS, Dr. Cabdiqadir Iiman
  2. Wasiirka Xafiiska Magaalooyinka DDS, Dr. Cabdifataax Sheekh Biixi iyo
  3. Wasiirka Xafiiska Caddaaladda iyo xeer ilaalinta DDS, C/wali Jaamac Ibrahim.

Haddaba su’aasha muhiimka ah ee barnaamijkani badka keenay ayaa waxay tahay, Maamulka iyo shaqaalaha SRTV ma waxay tahay inay la yimaaddaan barnaamijyo u gaar ah iyo hal-abuur ay ku kasbadaan daawadeyaasha deegaanka oo intooda badan daawada telefishannada gaarka loo leeyahay ee afka Soomaaliga ku hadla, mise waxay tahay inay soo koobiyeyaan fikir ay cid kale la timid?

Jawaabta su’aashan waxa laga sugayaa maamulka SRTV, waxaase xusid mudan iyo ceebtoodu aanay ku koobnayn barnaamijyada liita ee ay la yimaaddaan iyo inay telefishannada kale fikirkooda soo minguuriyaan, hase yeeshee, waxa kale oo ay fadeexad ka taagan tahay Bogga ay ku leeyihiin FACEBOOK oo ay ku baahiyaan qoraallo aan nuxur badan lahayn oo bilow iyo illaa dhamaad wada qalad ah hab-qoraal ahaan.

Haddii aad isku daydo inaad akhrisato waxyaabaha ay kusoo qoraan bogga FACEBOOK iyo website-ka labada erey la geliyo ee ay leeyihiin, waxa aad moodaa in carruur hadda iskuulka la qoray ay ku feegartay.

Si kastaba ha ahaatee, SRTV oo ah wakaalad gaar ka ah Xafiiska Warbaafinta ayaa waxay xukuumadda DDS ku bixisaa miisaaniyad  badan oo dalka wax badan loogu qaban lahaa, waxaanay ka miisaaniyad badan yihiin dhawr xafiis oo ah kuwa ugu muhiimsan deegaanka oo la isku geeyey.