YAAB! Sucuudiga Oo Martigelinaya Tartanka Dumarku QAAWAN Yihiin

Riyad (Jigjigaonline) – Waddanka Sucuudiga ayaa dagaal ugu jira inuu ku guuleysto martigelinta tartan ay dumarku qaawan yihiin, kaas oo dunida oo dhan laga daawan doono.

Sucuudiga ayaa sannadkii hore martigeliyey tartanka Musaaricada Ragga (The Greatest Royal Rumble) oo ay ka qayb-galeen in ka badan 50 xiddig oo caan ah, waxaana lagu qabtay garoon weyn oo ku yaalla magaaalada Jiddah, hase yeeshee, waxa kale oo uu Sucuudiga doonayaa in tartanka haweenka ah oo la mid ah kaas lagu qabto dalkiisa.

Dhamaadka sannadkii hore, shacabka Sucuudiga ayaa si aad ah uga cadhooday muuqaallada rag inta badan jidhkoodu qaawan yahay oo ciyaarayey Musaaricada, laakiin habeenkii xalay ayaa mar kale magaalada Jiddah lagu soo dhaweeyey qaar ka mid ah xiddigaas.

Maamulka ciyaaraha dalka Sucuudiga ee loo yaqaano Saudi Arabia Sports Authority ayaa waxay qorshaynayaan in markana ay martigeliyaan tartanka haweenka oo isaguna noqonaya mid ay ka qayb-galaan dumarkii ugu badnaa, looguna magac darayo Greatest Royal Rumble.

Tartankaas waxa lagu daawan doonaa dagaalka ugu xiisaha badan ee ay isku-faro-saari doonaan Alexa Bliss iyo Natalya, laakiin xiddigaha kale wali kuma dhawaaqin maamulka WWE.

Si kastaba ha ahaatee, Sucuudiga oo hore Telefishankiisu u diiday inuu qaybo ka mid ah tebintii kulankaas hore ka qayb-qaato ayaan la ogeyn waxa uu ku qancin doono maamulka WWE si ciyaartaasi uga dhacdo Jeddah.

Be the first to comment