Soomaalida Iyo Canfarta; Shucuub Walaalo Ah Oo Hoggaamin Tayo Xumi Isku-dirtay

Jigjiga (JigjigaOnline) – Illaahay ayaa isku deegaan ka dhigay, waxaanay ahaayeen walaalo wada nool oo deris wanaag iyo jaarnimo fiican ka dhaxaysay, marka laga reebo dhacdooyinkii Soomaalida dhaxdeedaba ka dhici jiray ee sida Geel la kala qaado iyo wax aan intaas ka badnayd, taasina waxba umay dhibi jirin walaalnimadooda.

Qofka Soomaaliga ahi, waxa uu xor u ahaa in xoolihiisa uu geysan karo deegaamada deriskiisa ee Canfartu ku nooshahay, sidaas oo kalena waxa soo tallaabi jiray Canfarta oo dhulka Soomaalida daaqsin u iman jirtay xilliyada abaaruhu ka jiraan deegaamadooda.

Hab-macaamilka noocan ah, waxa uu la mid ahaa qaabka ay Soomaalidu xilliyada abaaraha deegaan wadaagta u noqdaan ee ay xoolahooda ula guuraan hadba meesha roobban amaba baad iyo biyo ku dambeeyaan.

Boqollaal sannadood oo qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfartu deris ahaayeen, marna may dhicin dhibaato la mid ah midda hadda ka oogan aaggaas, waana tusaale caddayn u ah in walaalihii hore wax u wada cuni jiray ay cid saddexaad oo dano kale lihi dhexdooda soo gashay, isla markaana ay doonaysa inay iska hor keento labada shacab.

Kooxdan oo ah qawleysatada isbeddel-diidka ah ee TPLF ayaa si ay iskugu dirto labada shacab, waxay adeegsatay hoggaamintii hore ee DDS iyo Canfarta, waxaana si sharci-darro ah loo hoos geeyey maamulka Canfarta dhul Soomaaliyeed oo ay ku nool yihiin dad Soomaali ah, si halkaas uu uga unkanto colaadda la doonayey in la kala dhex dhigo Soomaalida iyo Canfarta.

Cabdi Iley oo ahaa dembiilihii bilaa damiirka ahaa ee dhiigga umaddiisa cabbi jiray, ayaa si uu iskaga dhaadhiciyo TPLF waxa uu hadh cad saxeexay deegaammada Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-ciise, xoogaa kaddibna TPLF ayaa soo kicisay maleeshiyaad hubaysan oo Canfar ah si ay duullaan ugu soo qaadaan Soomaalidii deggayd degmooyinkaas, iyadoo ujeedadu ahayd inay baro-kiciyaan amaba uu halkaas ka bilowdo dagaal sokeeye oo u dhexeeya labada shacab.

Qorshaha TPLF waxa uu ahaa inay halkaas ka sameeyaan deegaan colaadeed oo la mid ah KAASHMIIR-ta ay isku-hayaan Hindiya iyo Baakistaan, laakiin arrintaasi si buuxda uguma suurtogelin inkasta oo ay ku guuleysteen in maleeshiyaadka Canfartu ay dad badan oo Soomaaliyeed halkaas ku dilaan, kuwo kalena dhacaan, halka ay guryona ka gubeen maatidii deegaanka iska lahayd.

Markii ay xilka qabatay xukuumadda Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, waxay ka noqotay heshiiskii iska-dhaadhicinta Cabdi Iley uu ku bixiyey dhulka Soomaaliyeed, waxaana halkaas kusoo noolaatay rajadii shacabka halkaas deggan oo ugu dambayn ogaaday in hoggaamintooda cusub ay usoo celinayso dhulkooda laga dhacayo.

Xukuumaddu intaas kagama ay hadhin, waxaana toddobaadkan uu madaxweynuhu hor fadhiistay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, Madaxweynaha Canfarta iyo saraakiisha ciidamada kala duwan ee dalka, waxaanu miiska u saaray dhibaatooyinka shacabka Soomaalida ee halkaas deggan ay ku hayaan maleeshiyaadka Canfartu, waxaana kulankaas kasoo baxay qodobbo ilaalinaya badqabka umaddeena iyo qaddiyadii dhulka oo lagu sallayn doono rabitaanka shacabka oo noqonaysa in dadka la weydiin doono deegaanka ay doonayaan inay ka mid ahaadaan.

Guushaas kaddib, waxa mar kale shalay kulmay Madaxweyne Mustafe iyo dhiggiisa Canfarta, taas oo muujinaysa in walaalnimadii Soomaali-Canfar ee ay Qawleysatada TPLF iyo calooshooda u shaqaysteyaashii qalinka qaldan ku bixiyey ay dib usoo noolaanayso.

Si kastaba ha ahaatee, taariikh ahaan labada bulsho waxay u macaamili jireen qaab aad mooddo inay isku hal qowmiyad yihiin, tashuushkii la dhex dhigayna uu ugu dambayn iska dhamaanayo.