Soomaali Badan Oo Hantidooda Ku Waayey Rabshadaha Koonfur Afrika

Johannesburg (JigjigaOnline) – Wararka laga helayo deegaanka Soweto ee magaalada Johannesburgee dalka Konfur Afrika ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay, halkaasi boob,dhac iyo dhawacaba, loogu geeystay Soomaalida ganacsatada ah,waxaa boob loo geestay boqolaal dukaan, sida uu BBC sheegay Cabdixakiim Biif oo ku sugan halkaas.

Arrintan ayaa la sheegay inay ka dhalatay kadib markii ay isku dhaceen ganacsade iyo macamiilkiisa isla markaasna ay ka caroodeen dadka degaanka.

Cabdixakiin Ibraahim oo ku magac dheer Cabdixakiin Biif,oo dhacdadaasi uga waramay BBC-da ayaa sheegay inuu arkay, Soomaali iyo Itoobiyaan ganacsato ah uu dhaawac kasoo gaaray iska hor imaadkaas.

‘’waxaa bililiqo loo geeystay dhaamaan dukaanadoodi iyagoo ay geesteen dadka u dhashay deegaankaa” ayuu yiri CabdiXakiin

Waxaa dalka Koonfur Afrika horey uga dhacay dhacdooyin noocan ah oo ku saleysan ajaanib naceybka oo ay dad badan dhibaato kasoo gaartay.