Somaliland Oo Markii Labaad Sheegtay In Itoobiya Khatar Ku Tahay, Siraha Lasoo Bandhigay Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Doorkan Hadlay

Hargeysa (JigjigaOnline) – Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markii labaad toddobaad gudihii soo bandhigtay khataro kaga imanaya Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin in gebi ahaanba dhulka Somalida ay si buuxda ula wareegayso Dawladda Itoobiya.

Toddobaadkan horraantiisii, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda oo iskugu jira Agaasimeyaal iyo Lataliyeyaal sare ayaa waxay saluug ka muujiyeen isbeddellada ka dhacay Itoobiya oo sabab u noqday kala-daadsanaan dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isaugna sheegay inay ka hortageen qorshe la doonayo in Soomaalida, gaar ahaan Soomaaliya iyo Somaliland la hoos-geeyo Dowladda Itoobiya oo ay noqdaan qayb ka mid ah dalka Itoobiya.

Faysal Cali Waraabe oo galabta soo gaadhay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu maalmihii u dambeeyey Safar ku joogay magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya, ayaa sheegay in Beesha caalamka ee Somaliland taageerta ay oo si weyn uga niyad-jabtay siday Xukuumadda Madaxweyne Biixi wax u waddo iyo dib-u-dhacyada doorashooyinka kala hadleen inaanay joojin wada-shaqaynta ay la leeyihiin Somaliland ee ay gacan-siintooda sii wadaan.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu intaas ku daray oo uu sheegay hadday nidaamkan hadda wax ka beddeli wado Xukuumaddu inay bulshada ugu baaqayaan inay joojiyaan bixinta Cashuuraha dowladdu qaaddo ee ku waajibka ah cashuur-bixiyeyaasha.

Warka Faysal oo faahfaahsan waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

Be the first to comment