Somaliland oo kor u qaaday dedaallada ay ku xoojinayso aqoonsi caalami ah

Nairobi (Jigjigaonline) – Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaadday tallaabooyin ay ku xoojinayso dedaalladda ay ku doonayso in beesha caalamka ay kaga hesho aqoonsi caalami ah.

Sida uu qoray wargeyska Africannews, Somaliland oo xasillooni iyo degaansho ku naaloonaysay tan iyo markii ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Somaliya sannadkii 1991-kii, ayaa waxay dedaallo dublomaasiyadeed oo ay aqoonsi ku doonayso samaysay, halka Somaliya ay wali ku jirto qas iyo dagaallo.

Warbixin lagu daabacay bogga wargeyska Africannews uu ku leeyahay Internetka, ayaa waxa lagu yidhi: “Somaliland oo ka go’day Soomaaliya 1991kii, ayaa inta badan waddamada caalamku waxay u tix-galiyaan in ay tahay ismaamul ka tirsan Soomaaliya, balse Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa todobaadkan Somaliland u isticmaashay ereyga Dal.

Hase ahaatee dawladda Soomaaliya ayaa qoraalkaasi ka xumaatay, iyadoo warqad ay arrintaasi kaga soo horjeedo u gudbisay safiirka Kenya ee Muqdisho fadhiya.

Somaliland ayaa iyaduna dawladda Soomaaliya ugu baaqday in ay faraha kala baxdo xidhiidhka kala dhaxeeya Kenya.

Somaliland ayaa ah mid ka xasilloon Soomaaliya inteeda kale, maadaama Soomaaliyada kale ay ka jiraan dagaallo sokeeye, musuqmaasuq iyo xasarado kale.”