Somalia Oo Sheegtay Inay Sucuudiga Kasii Deysay Markabkii Xoolaha Ka Qaaday Berbera Oo La Xayiray

Muqdisho (Jigjigaonline) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay markab adhi siday oo ka dhaqaaqay dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland kaas oo in muddo ah ku xayirnaa dekedda magaalada Jidda ee waddanka Sucuudiga.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay inay xiriir kala sameeyeen markabka ku xanibmaa Sucuudiga isla markaasna ay ogaadeen in markabka uusan buuxin shuruudihii heshiisyada dhoofinta xoolaha ee labada dal ka dhexeeyay.

War saxaafadeed kaso baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in DFS ay Sucuudiga kala hadashay in markabkaan arrintiisa si gaar ah loo xalliyo oo aan lagu xirin heshiisyadii si loogu daneeyo ganacsatada Soomaaliyeed, hase yeeshee heshiisyadii hore ee labada dowladood wada galeen ay sidoodii ahaadaan oo la wada ilaaliyo”

Soomaaliya waxay sidoo kale ka dhawaajisay in arigii saarnaa markabka oo gaarayay 20,000 laga dejiyay sii suuqyada xoolaha ee Sucuudiga loo geliyo.