SIR CULUS: Budhcad Maraykan Ah Oo Dejiyey Qorshe Ay Ku Dhacayaan SHIDAALKA Soomaalida

Warbixintan WQ Wargeyska Quartz Africa

Nin 48 jir ahoo asalkiisu Itoobiya ka soo jeedo oo hada Maraykana iyo asxaabtiisa oo aan la aqoonin ayaa qarka u saaran inay manaafacaadsadaan qorshe khayaamo oo ay dawlada Itoobiya u hoos galinayaan inay u dhisayaan warshada sifaynta shidaalka. Ninkan oo lagu magacaabo Nebiyu Getajew oo isku sheega inuu yahay Maamulaha GreenComm Technologies, oo ah shirkad tamarta ka shaqaysa oo fadhigeedu yahay Virginia, ayaa bishii 28kii Abriil heshiis ku kacaya 3.6 Bilyan oo doolarka Maraykanka oo ay Degaanka shidaalka ku qaniga ee Soomaalida kaga dhisayso warshada sifaynta shidaalka la gashay Wasaarada Macdanta iyo Shidaalka Itoobiya.

Balse kolii baadhitaan dul mar ah ay samaysay jariidada Quartz Afrika waxaa ay wayday in yar oo cadayna oo muujinaya in shirkadaas iyo masuuliyiinta ay sheeganaysaba ay inaba aqoon iyo waayo aragnimo u leeyihiin inay fulin karaan hawlaha ay heshiiskaas ku galeen.

Shirkadan maba aha wax sharciyan u jira oo ka diiwaan gashan shaqooyinka ay haatan isku wado. Waxaana la ogaaday in taariikhdeeda laba goor laga tirtiray diiwaanka Shirkadaha ganacsi ee Virginiya maadaama ay bixin wayday gunnada diiwaan galinta ee shirkadaha ganacsi.

Tuhunka Horta yaa Abuuray?

Jariidada Quartz Africa ayaa waxaa dhawaanahan la soo xidhiidhay shaqsi aqoon aad u badan u leh hawlaha shidaalka Itoobiya kadib kolkuu shaki wayn ka qaaday gol daloolooyin badan oo uu ku arkay Shirkada GreenComm oo dawladu ay heshiis aad u balaadhan la galayso isagoo tuhun ka qaba in heshiiska shidaalka ee la galay uu yahay hanaan qalin shubatanimo, dabadeedna baadhitaan ay jariidadu samaysay ayay ku ogaatay in shirkada GreenComm ay been abuur ka samaysatay sheegashooyin badan oo ay ku andacoonayso inay tahay shirkad haldoor ku ah arrimaha shidaalka ee caalamka.

Waxaa kaloo la ogaaday in shirkadan xilliga ay heshiiska la galayso dalka Itoobiya ayba ahayd mid aan sharciyan jirin oo jiritaankeeda ay ku wayday maadaama la masaxay bishii Nofember 2019 kolkaasoo ay iska bixin wayday gunnadii is diiwaan galinta, balse bishii Sebtember ee aynu soo dhaafnay kadib kolkii ay heshiiska Itoobiya la soo gashay ay dib iskaga diiwaan galisay dalka Maraykanka

Jariidada Quartz Africa yaa shaki wayn ka qabta in mashruuca heshiiska lagu galay uu inaba hanaqaadi doono iyagoo ka cabsi qaba inuu tub xun ku rido qorshaha Itoobiya ee in shidaalkaas la soo saaro haduuna kaba darane lagaga dhufsan kharashaad iyo dhac badheedh ah.

Sannado badan ayaa dalka Itoobiya isku waday inuu intifaacsado khayraadka hydrocarbon ka ee lagu manaystay, kaas oo lagu qiyaasayo 8 taraliyoon oo kubik liter oo kaydka saliida caydhiin ah oo hoos ceegaagta gobolka Soomaalidu degan tahay ee Bariga Itoobiya, balse rajooyinkii in la soo saaro waxaa in badan caqabad ku ahaa nabad galyo daro ka jirtay aaggaas oo ay ka dhaqdhaqaaqayeen jabahado kala duwan wakhtiyo kala duwan laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii aan soo dhaafnay.

Dhawaanahan ayaa inkastoo uu xaaladii amni ay aad uga soo roonaatay waxaa hagar daameeyay maarayn xun, heshiisyo shaki leh oo lala galay shirkado ajaanib iyo musuqmaasuq maamulkii hore ay gacanta kula jireen hawlaha shidaalka. Taasina waxaa ay sii adkaysay hamigii kooxda isbadal doonka ahaa ee ay ka manaafacdasadaan khayraadka shidaalka.

Aqoon la’aan iyo jiritaan la’aanta shuruuc iyo qawaaniin u degsan baadhitaanka shirkadaha iska sheeganaya shidaalka ayaa sababtay in shirkado badan oo qalin shubato oo dhac u jeeda ay heshiisyo kala duwan la galaan dawlada Itoobiya.

Sannadkii 2003dii shirkad dalka Urdun laga leeyahay oo la yidhaa Si Tech International, ayay dawlada Itoobiya siisay liisan shidaal kaasoo saddex sanno ka bacdi ay hadana kala noqotay kadib kolkay dawladu sheegtay in shirkadu ay shuruudihii buuxin wayday.

Sannadkii 2013kii, xataa isagoo lagu bartay musuqmaasuq iyo qalin shubatanimo uu ka waday dalka Laybeeriya, ayaa ganacsadaha Yuhuudiga ee Yackoob Enjel dawladu siisay heshiis uu macdanta tantalum kaga qodanayo godadka Kentija ee degaanka Orromada. Balse sannadkii 2015 ayaa heshiiskii ay dawladu burisay kadib kolkay sheegtay inay shirkada ninkaas ay been abuur tahay.

Iyadoo waxaas oo idil ay soo martay ayaa hadaba heshiiska haatan 2020 ay dawlada Itoobiya la gashay GreenComm uu u eg yahay mid aan waxba laga baran kuftinadii hore. Mulugeta Dhamtew oo maareeye ka ah Shirkada Macdanta, batroolka iyo Baayofuulka ee Itoobiya (Ethiopian Mineral, Petroleum and Biofuel Corporation (EMPB) ayaa yidhi “Waan ogahay in shirkada GreenComm ayna aqoon iyo xirfad u lahayn shaqadan balse waxaan ku heshiinay inayna iyagu shaqadan qabanaynine ay noogu adeegayaan inay keenaan cid sadexaad oo shaqada qabata”.

“Iyagu waa shirkad maaliyadeed oo kaliya kafaala qaadaysa inay cid sadexaad noo dhisaan warshad sifaynta shidaalka” ayuu yidhi masuulku “waxaan aan anigu shaqsiyan ogaaday ayaa ah inayna aqoon iyo karti u lahayn inay fuliyaan ama dhisaan mashruuc sidan oo kale ah.” ayuu hadalkiisa raaciyay.

EMPB waa shirkad shidaal soo saaris oo dawli ah oo dawladu sannadkii 2016kii u aasaastay inay shidaalka ay shirkadaha caalamiga ah soo saari lahaayeen ay iyadu soo saarto.

Odhaahda Mulugeta waxaa ay u eg tahay mid waafaqsan sheegashada GreenComm ee ah inay shaqada wada qabanayaan shirkada kuuriyaanka ee Hyundai Engineering and Construction. Waxaa la sheegtay in shirkad dhismaha cimlaaqa ee Kuuriya ay shuraako la tahay GreenComm sida ay ku soo warisay Idaacada Fana 28kii Abriil maalintii heshiiska la kala saxiixday.

Balse masuuliyiinta Hyundai ayaa email ay Quartz Africa u soo direen waxaa ay ku cadeeyeen in ayna wax xidhiidh ahba la lahayn GreenComm. Shirkada Kuuriyaanka waxaa ay shaaca ka qaaday in inta ogaalkeeda ah ay u yimaadeen niman sheegtay GreenComm, balse kolkii ay baadhis yar ku samaysay ay ogaatay inay bug yihiin ama qalin shubato dabeedna dabayaaqadii sannadkii 2019 ay ooda u jiiday.

“Waxaanu jecel nahay inaan halka ka cadayno in shirkada Hyundai Engineering and Construction aanay la saxeexan wax heshiis ama is af garasho ah kuwa isku magacaabay GreenComm,” ayuu Jinyoung Choi, oo af hayeenka shirkada noo soo qoray. “Greencomm kolkay noo yimaadeen ee aan waydiinay sharcinimadooda iyo xaaladooda maaliyadeed waxay soo baxeen inay yihiin shirkad bug ah.”

Choi waxaa kaloo uu cadeeyay in Hyundai baadhitaan sii samaysay oo ay ogaatay waxyaabo badan.

“Hyundai Engineering and Construction waxaa ay baadhayaal khaas ah ay hawshan u qabsatay waxaana ay ogaadeen in shirkada GreenComm waligeed hal shaqo ahna ayna qaban. Sidaa aawadeed, waxaan GreenComm ku wargalinay inayna isticmaali karin magacayaga iyo astaanta shirkadeena laga bilaabo Disember 2019.”

Hadaba inksatoo xaalku sidaa yahay ma jirto shirkad kale oo GreenComm ay sheegatay in dhismaha u samaynayso oo aan ka hayan Hyundai, oo oodda u jiiday inayba shirkadaas u soo dhawaado afar bilood ka hor xilliga ay heshiiska Itoobiya wada galayaan taasoo ahayd hawl fudud oo Mulugeta Dhamtew Saciid iyo saraakiisha kale ee Itoobiya ay ogaan lahaayeen hadii ay xidhiidh la samayn lahaayeen shirakada Kuuriyaanka.

Ninka la yidhaahdo Nebiyu Getajew oo barta internetka ku diiwaan gashan CEO ga GreenComm Technologies inuu muddo 20 sanno ka badan “maamule sare iyo la taliye ka soo ahaa ama kaga soo shaqaynayay shirkad ka mid ah Fortune 500”. Balse baadhitaan yar oo la sameeyay waxaan ku ogaanay inuu ka shaqaynay macrad baabuurta Toyota lagu iibiyo DMV (Washington DC, Maryland, Virginia) agagaarkooda.

Nebiyu waxaa markii ugu horaysay uu saaxada soo galay isagoo sheeganaya inuu warshad sifayn ah u samaynayo Itoobiya sannadkii 2018kii. Wakhtigaa mashruuca waxaa lagu qiimeeyay 2 Bilyan oo Doolar. Xiligaa waxaa uu qorshe soo wada dajisteen shirkad iyadana Maraykana oo la yidhaa Innovative Clear Choice Technologies (ICCT) inay dhisayaan warshad sifayn oo gaaska dabiiciga u bedelaysa betrool dareere ah.

Xilligaa labada shirkadoodba midna xafiis malahayn, labadooduba guryo xaasas degen yihiin oo ku kala yaala Virgina iyo Texas ayay ku qorteen liisanka inuu xafiisyo u kala yihiin. Diiwaanada ganacsiha waxaa ay muujinayaan in labadii shirkadood ay midoobeen oo ay mid noqdeen oo uu hogaaminayo Nebiyu Getajew.

Iyadoo tuhunadaasi oo idil ay jiraan ayaa ninka la yidhaa Andharge Beqele, oo ah agaasinka batroolka ee EMPB uu bishii Maarso 2018kii uu jaraa’idka Reporter u sheegay inuu xafiiskiisu uu aad u daba galay labadan shirkadood uuna ku arag wax khalada.

Balse bishii Febraayo ee sannadkan labadii shirkadood ee GreenComm iyo ICCT ba labadoodiiba way baaba’een (mid tii kale ayay ku biirtay, midii soo hadhayna oo lacagtii diiwaan galinta iska bixin wayday iyana wqq la kansalay ilaa ay Itoobiya la gasho heshiis ay xoogaa kharasha oo ay isku diiwaan galiso ay ka hesho.)

GreenComm waxaa ay bogeeda ay ku leedahay LinkedIn isku sheegtaa inay tahay “global leader in renewable energy and sustainability” balse ma jirto hal cadayna oo muujinaya hal mashruuc oo dunida meel ka mid ah ay ka qabteen.

Si kastaba ha ahaatee, faylasha Komishinka Shirkadaha Commonwealth of Virginia State, waxaa uu muujinayaa in diiwaangalintii shirkada GreenComm Technologies la kansalay Noofember 2019kii, maadaama ay buuxin wayday shuruudihii diiwaan galinta. Shirkada waxaa dib boodha looga jafay 17kii Sebtember. cadaymuhu waxaa ay muujinayaan inay tani tahay kolkii labaad ee shirkadaas la kansalo iyadoo kolkii koowaad ay ahayd sannadkii 2014kii taasoo been ka dhigaysa sheegashada Nebiyu inuu hogaaminayay ama CEO ka ahaa shirkada shidaal baadhista caanka ku ah in ka badan 10 sanno.

Bogga rasmiga ee shirkada waxaa jira qayb la yidhaa “Meet the team” oo ah mid tuhun iyo shaki badan dhalinaya. GreenComm waxay ku faanaysaa inay ka shaqeeyaan aqoon yahano iyo khubaro sannado badan ku jiray shaqada shidaalka. Waxaa ay meesha ku soo taxeen magacyo iyo sawiro dad cadaan iyo Aasiyaan ah oo ay ku andacoonayaan inay maamulkooda ku jiraan. sawiro rag gadh cade u badan oo suudh xidhan oo kur ah oo lagu soo hoos qoray sannado badan oo shaqooyin kala gadisan ayaa meesha ka muuqda. Baadhitaan yar oo la sameeyay waxay isugu biyo shubteen godad madhan

Qolada ay qaarada Aasiya ku sheegteen waxaa ka mid ah nin ay ku magacaabeen “Kae, Chungmu” inuu 50 sanno waayo aragnimo u leeyahay ceelal shidaal oo ka qoday Yeman, Kuuriya, Indooneesiya iyo xataa Maraykanka isagoo u soo shaqaynayay shirkadaha caanka ah ee Hunt Oil iyo ta Kuuriyaanka ee National Oil Corporation, kuwaasoo lagu sheegay inuu u “iibiyay 23 malyan oo barmiil oo saliida caydhiina.”

Balse Ambassador Jeanne L Phillips, oo madax ka ah Hunt Oil ayaa Quartz Africa u xaqiijisay sheegashada GreenComm boggeeda ee in nin la yidhaa Kae Chungmu uu u shaqayn jiray shirkadooda Hunt Oil ay tahay wax aan waxba ka jirin. “Ma naqaano wax magacaa leh oo waligeen shaqaale noo noqday waligeena Yaman waxba kama aanan qodin,” ayay ku tidhi email ay noogu soo jawaabtay.

Dabadeed anagoo adeegsanayna barnaamij aqoonsada muuqalada sawirada wajiyadooda ayaan waxaan ku baadhnay internetka waxaana noo soo baxay in sawirkan laga soo qaatay profile LinkedIn uu ku leeyahay nin la yidhaa Chungmu Kae. Bogga ninkaas ayaa ku qoran inuu yahay shaqaale shirkad NGO oo ka duwan midka sawirkiisa wata ee GreenComm ku sheegayo inuu yahay qamaamuur shidaalka ku googo’ay.

Sidoo kale ninka ay GreenComm ku sheegatay “Chang Buk Sung,” inuu yahay hogaamiyahooda qaybtooda Aasiya. GreenComm website ayaa ku qortay inuu leeyahay 30 sanno waayo aragnimo shirkad ka mid Fortune 500 company. Balse boggiisa LinkedIn waxaa uu sheegayaa inuu boos kaga qoran yahay shirkad jantiisagarka samaysa oo la yidhaa Lamplighter Energy, oo aan laba sannaba soo buuxinin warbixin sanadeedkeedii.

Xaqiiqo Raadin

Iyadoo waxaas oo been iyo khayaano iyo is daba marin ay jirto ayaa Nebiyo Getajew uu hadana awood u helay inuu bishii Abriil heshiis balaayiin doolar ah qalinka kula duugo dawlada Itoobiya

“Kadib kolkaan dhamayno mashruuca, Itoobiya waxaa ay ka madax banaanaan doontaa inay shidaal la soo dagto” ayaa laga soo wariyay inuu lahaa

Cida GreenComm heshiiska u saxeexday waxaa la sheegayay inuu ahaa nin la yidhaa Emaanuweel Mekruya oo aaad loogu yaqaano inuu magaalada Addis Ababa ku lahaa golle cawaysineed (night club) oo qoobka ciyaarka lagaga tuwiiso. Ninkaaas oo hada u diiwaan gashan inuu yahay GreenComm maareeyaheeda Itoobiya ayaa isna saxaafada dalka maalinta heshiiska ka lahaa in mashruucu uu dad ka badan 10,000 oo qof shaqo u abuurayo

Hawshan qalin shubatadanimada waxaa ay ka dhigan tahay in waaxda macdanta ee Itoobiya uu ka jiro xagal daac ama khiyaamo kale oo shacabku ayna ogayn.

Sheekadii u horaysay ee jariidada Reporter ay qortay 2018 waxaa ay xigatay Agaasinkii Batroolkaa ee xiligaa ee EMPB, Andhargie Beqele, oo xaqiijinaya inuu isagu baadhay shirkada GreenComm Technologies iyo tan hada kacday ee ICCT.

“Waanu baadhnay aqoonsigooda iyo xaaladooda maaliyadeed iyo qorshayaasha ay soo bandhigeen ee ay Gaaska ugu badalayaan batroolka iyo qaanuunkooda dhismeedba waxaana ku qanacnay inay sax yihiin.”

Quartz Africa ayaa dhawaan isku dayday inay la xidhiidho Andhargie Beqele, oo hada la talin u ah EMPB. Kolkii la waydiiyay sida iyadoo digniino badan ay jiraan oo laga qaylyayo aad heshiis ula gasheen oo aad waliba adigu OK ad saartay, waxaa uu ku jawaabay

“Ma aha iin inaan iska erino shirkad kaliyaada adigoo ku marmarsiyoonaya waxbaa ka shugux shugux leh,” ayuu ku soo yidhi Quartz Africa. “Weli waxaa jira waxyaabo badan oo Itoobiya ay heshiiskan ka faa’iidaysao, dhanka kalana dad badan oo anaga naga baxsan ayaa qorshahan soo ansaxiyay.”

Mulugeta Dhamtew Saciid oo ka tirsan Shirkada Macdanta, Batroolka iyo Baayofuulka Itoobiya (Ethiopian Mineral, Petroleum and Biofuel Corporation) ayaa Quartz Africa u sheegay inuu aaminsanaa in loo sheegay in GreenComm ay mashruuca maalgalinayso sida qorshaha 2018 ku qornaa.

“Labadoodaba GreenComm Technologies iyo ICCT waxaa ay noola wada yimaadeen qorshe wada jira sannadkii 2018kii. Waxaanu ka wada hadlaynay arrimaha farsamada kolkay Wasaarada Macdantu dusha nagaga timid oo ay naga wareejisay sannadkii 2019kii” ayuu Mulugeta u sheegay Quartz Africa. “Wixii intaa ka danbeeyay shaqo kuma aanan lahayn.”

Kolkaan u sheegnay in mid ka mid ah labadii shirkadood ee ICCT ay baaba’aday waa uu yaabay. waa uu noo sheegay in hawshu kolkii hore u ekayd in GreenComm ay iyadu maalgalinayso oo Hyundai ay tahay ta dhisaysa.

Kolkaa Quartz Africa ay tustay Mulugeta been abuurka iyo sawirada beenta ah ee shirkadu boggeeda internetka ku soo qoratay iyo cadaymaha aan uruurinay waxaa uu sheegay in shirkadan xaga sare ee dawlada culays ka soo saaraysay.

Waxaana uu carabaabay in dad qaarkood ay ka shaqeeyaan Xafiiska Raiisal Wasaaraha iyo shaqsiyan ninka Safiirka u ah Itoobiya ee Washington u fadhiya ee Fitsum Arega uu ahaa qofka ku cabudhinayay in heshiiska la galo

“Kolkaan ka yara cago jiidnaba, waxay cabasho u diraan xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyagoo ku andacoonaya in la carqaladenayo. dad baa jira ay isku xidhan yihiin” ayuu ku leeyahay Mulugeta “Dabadeed safiirka Fitsum Arega ayaa warqad qoray uu ku sheegayo inay yihiin shirkad adag oo caalamka laga yaqaano Ameerikana sumcad ku leh oo ay tahay inaan dhakhso aan heshiiska ula galno. Safiir Fitsum waxaa uu shirkadan u ololaynayay labada goorba kolkii uu Addis Ababa joogay iyo kolkuu safiirka noqdayba.”

Safiirka oo aan cadaymo iyo ka jawaabis aan waydiinay wali nooma uusan jawaabin.

Heshiiskii waxaa la saxeexay shan bilood ka bacdi kolkii diiwaan galintii GreenComm ee Virginia laga kansalay, jiritaankeedii shirkadnimo ee Maraykanka la baabi’iyay.

Sidaa aawadeed heshiiskaasi uma eka inuu leeyahay lugo qaanuuni oo uu ku taagan yahay, maadaama ay saxiixday shirkad aan sharciyan la aqoonsanayna, dawlada Itoobiyana way burin kartaa iyadoo an wax ganaax ah ka baqayn.

Waxaa la saxiixay 4 bilood ka bacdi kolkuu Hyundai ay cadaysay inayna ku shaqo lahayn. Waxaana qalinka ku duugay wasiirkii hore ee Macdanta iyo Batroolka iyadoo saxaafadu garab joogto.

Wasiirkaas Samuel Urkato Kurke si degdeg ah oo bilaa sharaxaad ah ayaa booskii loo dhaafiyay loona badalay Wasiirka Sayniska iyo Tacliinta Sare, booskiina waxaa lagu badalay Duqii Magaalada Addis Ababa Mudane Takale Umma.

Inkastoo saxaafada dawlada ay ay soo sawireen Wasiir Samuel Urkato oo saxeexaya heshiiskii 3.6 Bilyanka doolar ahaa ee uu la galay GreenComm, balse kolkii Quartz Africa la xidhiidhay inuu sharaxaad ka baxiyo heshiiska waa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo waxa uu shirkadaa ka ogaa isagoo ku jawaabay:

“Heshiiskii uun baan garanayaa laakiinse meeshii iminka anigu ma joogo. Kuwa hada jooga kala hadla arrimahaa.” Dabadeedna taleefankii ayuu nagu dhigay.

Maalinkii uu heshiiska saxiixayay waxaa la joogay Dr. Ketsela Tadhesse, oo kolkaa ahaa Agaasimaha Waaxda Shatiyada Batroolka ee wasaarada. Waa ninkii sida bilaa xishoodka ahaa u dafiray andoocashahii shacabkii miyiga Soomaalida ee ku waxyeeloobay sunta ay shirkadaha baadhitaanka isticmaalaan isagoo isku hor qoondhoofinaya kameradaha Addis Ababa hortooda, ayuu Dr. Ketsela, amaan iyo bogaadin kula dul dhacay GreenComm Technologies, oo ahayd shirkad uu isagu Shatiga u soo qoray.

Quartz Africa waxay ogaatay in in yar ka bacdi heshiiskii bishii Abriil, Dr. Ketsela lagu qasbay inuu xilka iska casilo.

Dr. Ketsela waxaan ku raacdaynay taleefan isagoo gurigiisa jooga waxaana wax ka waydiinay doorkii uu ku lahaa ogolaanshaha in shirkad bug ah Itoobiya laga dhex furto. Balse sidii Samuel Urkato, ayuu isna ka gaabsaday inuu ka hadlo.

“Waydiimahan oo kale wasaarada waydiiya. Aniguna kama hadli karo maadaama sharcigu ii ogolaanaynin maadaama aanan hada meesha ka shaqaynin,” ayuu Dr. Ketsela nagu yidhi.

Wasiirka Batroolka ee wakhtigan Mudane Takele Uma, oo dhawr bilood uun meesha jooga ayaa Quartz Africa u dirtay email wax walba aan ugu sharaxayno oo xataa linkiyadii sheekooyinka iyo cadaymaha oo dhan ay ku idil yihiin si uu nooga jawaabo su’aalaha aan qabno heshiiska GreenComm Technologies.

Takele Uma waa uu dafiray xataa inuu jiro heshiiskaa idaacadaha iyo saxaafada dalka ay muddada dhan soo tabinayeen. Heshiiskii dhamaa ee 3.6 Bilyan Doolarkaa ahaa waxaa uu Takale Uma kaga jawaabay hal jumlo oo uu ku leeyahay.

“Heshiiska aad sheegaysaan, wax aan ka ogahay ma jirto,” ayuu wasiirku email noogu soo jawaabay.

Xiliga aan qoraalka qoraynay Shirkada GreenComm Technologies masuuliyiinteeda kala ah Nebiyu Getachew iyo Warren Negri wali waan ka sugaynaa jawaabaha su’aalaha aan u dirnay inay ka soo hadlaan.

In masuuliyiin ka tirsan dawlada Itoobiya ay ku lug leeyihiin heshiiska qalin shubatada ee GreenComm wali ma xaqiijin karno balse wakhtigaba wuu iska iman.

Turjumaadda: GN

Be the first to comment