Shirkii EPRDF, Siddeed Shuruudood Oo XDS La Shir tegay iyo Qodobbadii Lagu Lafa-guray

Shirkii EPRDF, 8 Shuruudood Oo XDS La Shir tegay iyo Qodobbadii Lagu Lafa-guray
___________________________________________
Shirkii Xisbiyada bah-wadaagta ah ee EPRDF ayaa waxa is-afgarad laga gaadhay arrimo dhawr ah oo noqon doona furaha laga sii amba-qaadi doono kulamada maalmaha soo socda.

Shirkii maanta oo ay goob-joog ka ahaayeen ururrada bah-wadaagta la ah EPRDF ee uu ka mid yahay Xisbiga Dimuquraadiga Soomaalida ayaa waxa lagu ansixiyey in isbeddello lagu sameeyo, isla markaana loo digo-rogto xisbi cusub oo qaran oo qayb ay ka yihiin ururrada metela Soomaalida, Canfarta, Benishangul-Gumez, Gambella iyo Hararida.

Codka EPRDF ay u qaadday isbeddellada ayaa waxa lagu ansixiyey 27 cod, halka 6 xubnood ay diideen, saddex kalena ka aamuseen.

Intii uu socday kulankii maanta, waxa mabda’ ahaan la isla qaatay in qaab-dhismeedka, xeer-hoosaadka iyo hab-shaqaynta xisbiga qaran ee cusub uu noqdo mid boqolkiiba boqol waafaqsan nidaamka federaalka iyo xuquuqda ismaamulka ee deegaamada.

Xisbiga Dimuquraadiga Soomaalida (XDS) ayaa hore u sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka mid noqdo xisbiga xisbiga qaran ee cusub, laakiin waxa uu ku xidhay sisddeed shuruudood oo kala ah:

1. Waafaqsanaanta Nidaamka Federaalka ee ku dhisan qowmiyadaha.
2. Ilaalinta xaqa ismaamulka dastuuriga ah ama talada deegaanku inay ka go’do shacabkeena.
3. Ku shaqaynta Afkeenna Hooyo.
4. in luuqada Afsoomaaligu kamid noqoto luuqadaha heer qaran
5. Qaab-dhismeedka iyo xubnaha XDS in aan la burburin.
6. in Barnaamijka siyaasaddeed iyo xeer-hoosaadka Xisbiga Qaran uu noqdaa mid ku sallaysan dhaqanka iyo hab-nololeedka shacabka deegaankeenna.
7. Damaanad-qaadka xuquuqda aan dalka ku leenahay in ay si cad uga muuqato Xisbiga Qaran.
8. Saami qaybsi siyaasadeed oo tirada shacabkeena, baaxadda dhulkeena iyo faa’iidada istiraatijiyadeed ee aan dalka u leenahay u dhiganta.