Shirkadda Twitter oo ku dhawaaqday arrin aad loo hadal hayo

Washington (JO) – Shirkadda Twitter ayaa ku dhawaaqday in shaqaalaheeda ay marwalba guryahooda ka shaqayn karaan, haddii ay u baahdaan.

Go’aankan ayaa imaanaya kaddib markii ay shirkadda sheegtay in xilligii ay shaqaalaheeda guryaha ka howlgalaayeen ay u cadaatay suurtagalnimada ah in guryaha xilli walba laga shaqayn karo.

Balse waxa ay sidoo kale sheegtay in shaqaalaha ay marwalba “haddii ay doonan” ku soo noqon karaan xafiiska.

Horaantii bishaan Google iyo Facebook ayaa sheegay in shaqaalahooda ay guryaha ka shaqayn doonan ilaa dhamaadka sanadkan.

“Bilihii la soo dhaafay waxa aan ogaanay in guryaha si fiican looga shaqayn karo. Marka haddii ay shaqaalaheenna ay ku jiraan xaalad u sahlayso inay guryaha ka shaqeeyan waxaan doonaynaa inaan sidaas ku sii wadno,” Ayey tiri shirkadda Twitter.

Hadalkan ka soo yeeray shirkadda Twitter ayey qaar ka mid ah khubarada dhanka tiknolojiyadda ku sheegeen “bilaw cusub .“

Shirkaddan oo uu saldhigeeda yahay magaalada San Francisco ayaa waxa ka howlgala shaqaala gaaraya 4,000 oo qof.

Be the first to comment