SHIL Gaadhi Oo Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Wajaale Iyo Jigjiga Dhexdooda

Jigjiga (JigjigaOnline) –  Shil naxdin leh oo ay dad badan ku naf waayeen ayaa maanta ka dhacay jidka laamida ah ee isku xidha magaalooyinka Jigjiga iyo Wajaale.

Shilkan oo ka dhacay tuulada Lama-dega ee duleedka magaalada Jigjiga ayaa inta la ogyahay waxa ku geeiyooday siddeed, tiro kalena waxa kasoo gaadhay dhaawacyo culus, kaddib markii uu rogmaday baabuur bas ah oo siday rakaab.

Meydadka dadka dhintay ayaa la dhigay cusbitaalka weyn ee magaalada Jigjiga ee Suldaan Sheikh Hassan Yabare, waxaana dhaawacyada la geeyey isla cusbitaalkaas.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay ciidamada nabadgelyada waddooyinka oo ku saabsan sababta dhalisay shilkan, hase yeeshee jidka isku xidha magaalooyinka Jigjiga iyo Wajaale oo waqtigan ay ciiddu soo dhow dahay ay adeegsadaan dad badan oo ka dukaamaysta magaalada Wajaale ayaa waxay gaadiidka qaarkood ku socdaan xawaare dheeraad ah.

Warbaahinta Jigjiga Online, waxay dadka geeriyooday Allah uga baryaysaa inuu naxariistii Janno geeyo, inta dhaawaca ahna uu caafimaad degdeg ah siiyo.