SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley Q:2aad

Shabakadda Jigjiga Online waxay si taxane ah idiinku soo gudbinaysaa mid ka mid ah sheekooyinkii ugu xiisaha badnaa ee Afka Soomaaliga lagu qoro.

Waa sheeko jacayl ah oo dhab ah, waxayna taabanaysa nolosha laba dhallinyaro Soomaaliyeed oo duruugo adag isku gedaameen hammigoodii wadaagga nolol ay ku riyoodeen, taas oo halis gelisay noloshooda, qisooyin xanuun badan, dagaallo, askarnimo, guur qasab ahba ay hadheeyeen.

Sheekadan xiisaha badan oo ay ku duugan yihiin waxyaabo badan oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliga iyo waaqaca noloshii jacayla aan u saaxiibka ahayd ee awowyaasheen, waxa qoray Axmed Cabdi Garas.

Qaybta 2aad:

Aabihii, ka dibna Goodaad intuu wiilkiisii yaraa il kalgacal ku milicsaday ayuu ku farxay sida ay caanaha geelu wiilka yar dhogortiisa u wanaajiyeen. Goodaad wiilashii yaryaraa ee geel jiraha ahaa, ee ku soo yaacay, wax hadiyad ah uma sidin, iyaguna ugama fadhiyin, waayo dadkii hore ma aqoon nac-naca iyo xanjada sedka looga dhigo caruurta xilligan joogta. Laakiin wuxuu wiilkiisa yar u siday kabo maas ah, oo cusub iyo makiinad uu ugu talogalay inuu dhowr goor timaha kaga xiiro. Waayo masuuliyadda ugu weyn ee waqtigaa Aabaha ka saanrayd inankiisa waxay ahayd, cagaagga oo uu ka rabo iyo timaha oo uu ka xiiro si aan dullin ugu dhalan. Meesha ay Goodaad iyo wiilasha yaryari ku kulmeen, waxay ahayd Duleedka xerada geela, ka dibna markii ay odaygii iyo inamadii yaryaraa waxoogaa baarka isu salaaxeen ayaa lagu foofay sidii baylahda loo dayactiri lahaa, sida Nirgo la xereeyo, xaabo la soo guro iyo hadhuubbo la culo.

Walaw wiilkii yaraa ee Goodaad dhalay aanu galabtaa hawl ka dhakowsiin oo uu la shaamareersanaa aragtida aabihii oo uu ka uriyey jawi magaalo iyo udgoon-udgoon, ilayn yarku muddo dheer ayaanu habeed geel mooyaane wax kale urinne. Geeljirayaashu waxay ka koobnaayeen saddex raqam oo kala ah doobab, kurray iyo xerojoog. Nooca xerojooga loo yaqaan, waa kurray soo koraysa, waxaana laga keenay reeraha, iyada oo badiba la soo
kaxeeyo xilliga naqa, gu’ iyo Dayr, hadba kii la doono. Waxtarkooduna kama badna dabka oo ay shidaan, Nirgaha oo ay ragga geela lisaya ka celiyaan, shillinta oo ay geela ka guraan iwm. Yaryarkani, hadii ay yidhaahdaan caanaha waanu ka dheregnay lagama yeelo ee waxa lagu cabsiiyaa dhenged xoordhuug ah, habeenkiina waxa la seexiyaa Ardaa debedda u furan si ay saxarada iyo kaadida ula tagaan banaanka ku dhow.
Inanka yar ee laga maqlo waan haraaday oo biyaan rabaa, waxa la maroojiyaa dhegta, garaangariyo hadal naxariis lehna nin ku yidhaahdaa xeradaba uma soo hoydo. Wiilka yar ee jil-jileec lagu arkaana waxa loogu yeedhaa naanayso ay ka mid yihiin habari korisay, Adhimaal iwm.

Wiilasha yaryar si loo carbiyo, waxa lagu odhan jirey, marka geelu dhalo mandheertiisa ku dul boodbooda, waxayna arintaa iyo kuwo kaleba ka mid yihiin tacliinta iyo tababarka lagaga baxo Dugsiga Hoose ee cilmiyada Reer Geeljire. Galabtii Goodaad yimi ayaa markii hadhuub gaalladii culaygii lagu midiiday, ee cidaadda lagu masaxay, waxa lagu foororiyey dhulka. Nirgihii edegga ku jiray, ayaa mar qudha yuus cirka isku shareeray, iyaga oo u hal celinaya Reenka, tulud meel durugsan ka soo ololaysa. Markii la maqlay reenka ka soo yeedhaya ayaa la iska gartay inuu galyankaasi yahay hal tilmaaman oo loo yaqaan Gobaad. Hashaas oo maalmaha kareeb cusub ahayd, intay mudhayo iyo maajeen hawrtay, uurka ka dhaamisay ayay labada gelin, kii horeba afka dhulka ka daysay maalin oodhan kurraydu juuda-hayeen, darar awgeedna ibo dilaac qarka u saaran. Kadibna intay candhada gorof legedka ku haynkari wayday, hadba gollaha dhinac uga tuuraysa, oo ay dambeedadu hibitiqayaan, caanaha gororkooduna sibraha qooyey.

Ayaa kurraydii oo daallani casar dheere ka hor leexdeen. Ka dibna iyada oo aad mooddo soddon qad loo horray Darka ceelkii xunbo weyne ayey cagaha soo Boorimaysatay, halkaas oo ay geelii kale ee eeridhabanka ahaa sidii eebo la riday soo dhex mudhay. Gobaad markii ay soo gaadhay xeradii ay ka fooftay, waxay luqunta u ridatay Edeggii Nirgaha, ka dibna
waxay ursatay Nirigteedii. Cawaysinkii markii ay geelashu xeryaha ku soo dhamaadeen, waxa markiiba loo diiriyey gaawayaasha, waxaana halihii ka reebka ahaa loogu hor godlay goobaad, oo aanay suurogal ahayn in hal kale laga hor godlo. Goobaad, waa madi is-nacday, waxaana la isu dabo
joojiyey labo hadhuub gaal oo mid walba mar lagala hoos baxay, isaga oo xoorku sida koofiyadda isu taagay. Goodaad, wuxuu dhex galay xerada geela horweynka ah, isaga oo dheehanaya geshiga ka muuqda dhogorta geela. Baarqabka geella oo dhibidu caaryeysatay ayaa sida danabka uga sanqadhinaya doobta. Awrka baarqab waa ina qoton, waa neef muuqaalkiisa laga cawdibilaysto oo sida heego daruur ah, cirka jeex kaa qarinaya. Waa
neef marka uu dhoollaha is mariyo sida ciyowga ugaga dhawaajiya miciyaha. Hadii uu doobta ridona waxa dhulka ka hinqada haadda iyo shimbiraha, taas oo uu kula baxay naanays caan ah oo la yidhaahdo goray-kiciye. Awrkii goray kiciye, markii uu geela ku dhex arkay Goodaad ayuu khoof muujiyey oo uu dhoosha ka jiriqsaday, dhibidana dhabarka saaray.

Goray kiciye markasta oo uu doobta ka cisiiyo, waxa goojo la amaara, qaalmo badan oo uu tiftii gu’ga jeeniga mariyey, ka dibna abaaho qaatay. Baarqabkii goray kiciye, wuxuu habeenkaa ku cadho burburay Duq abaahoqabsanwayday oo geelal kale ka soo wareegtay. Markii geelashii laga hadhuub dhigay, waxa la isugu yimi golihii geela, oo kash-kaash
sida furaashka loogu goglay. Ka dibna waxa loo dooyeystay waraysi, waxaana warka laga toomiyey oday Goodaad oo socoto ahaa, iyada oo uu hadalka ka guurayey, nin la yidhaahdo Gaax-nuug oo ka mid ah ragga geelasha hayey. Oday Goodaad, waxa warka lagaga guray jawi xasiloon, wuxuuna hadalka ku bilaabay “Nimanyahow la idiin warran, Anigu saaka
subixii hore ayaan kabta ka soo illaday reerihii oo yaal meesha la yidhaahdo Adaadaxa lafcaryaale ee ka sii rogan teedka Cawl ku dhal. Arladaa dad iyo duunyo wixii joogay way nabadgelyo qabeen, tigaadda gu’guna ma seegin, geedka adhi la yidhaahdaana,
wuxuu raafka kula dhiriqda gunimo, naylahana qaadhka lagama saarin. Hadii eebe kuu roonyahay dhulkaa aan soo maray udubka reeruhu ma soo gaadhin, nimcaduna ma kala go’na oo ma jirto meel aanad cagta ka dhowrayni. Aniguna tilmaanta xerada ayaan hayey oo waan ku soo tibaday, oo galabtaba waxaan ku tukaday duleedka xerada”. Gaaxnuug oo oday
Goodaad warka ka guraya, ayaa jiibta haya oo leh “waa kow”. “Socotadayduna ma ahayn mid idin kama shishaysa, warna waa iga intaa waryaridaa, warran weriyo meel kale ka timina ma ogi, wax waydiina ogaal, waa sida” ayuu Goodaad ku soo afjaray warkiisa. Gaaxnuug oo warka ka guraya oday Goodaad, ayaa yidhi “warkaa meelmar adiga iyo waalidkaaba, Alle ma cadaabo”.

Intaa markii la isdhaafsaday ee Goodaadna looga waramay xaaladda geelasha ayaa sheekooyin googoos ah, la isu dhiib dhiibay. Goor ay cawaysin dambe tahay ayaa la durduurtay caanihii lista ahaa oo hadhuub gaaladii ku ceegaaga. Hase yeeshee Goodaad iyo wiilkiisii Balayax waxay isula faq baxeen ardaa gooni ah oo qoryo maaci ahi ka hulaaqayaan.
Balayax, waa wiilka wiilasha Goodaad u weyn, waana 18 jir, intiisa ku muddakar ah, wuxuuna la dhashay toddoba hablood oo qarkood guryo leeyihiin, qaarna weli timo tidcan yihiin. Balayax waa wiil la jecelyahay, oo ay dhaarta ugu dambaysa ku maraan hablaha la dhashay, waana ninka kadinka geela ah, ee Reer Goodaad u go’ay, ee kayn daaq leh iyo kob dureemo lehba daajiya. Habeenkaa markii ay Goodaad iyo wiilkiisu iswaraysteen, oday Goodaad uma sheegin Balayax inuu ku camal jiro inuu sannadka guursado. Isaga oo Balayax jeclaa inuu aabihii ka taliyo Arrinta guurikiisa. Waayo Balayax, wuxuu sidaa u yeelayay maadaama uu yahay bahda weyn, oday Goodaadna minyaro bilcamay, waxaa meesha yaalay
hinaase baheed, sidaa awgeed, wuxuu Balayax door bidayey inay arrintu xagga odayga ka timaaddo.

Dhinaca kalena, waxa jirtay haar damqanaysay Balayax, oo nabar caashaq labo jirsaday hurgumo (caabuq) ku soo kicinayey. Waayo wuxuu xusuusteeda ka lediwaayey gabadh cudbi la yidhaahdo, oo ay dayrnimadii ku ballameen inay isguursadaan marka ay hoorto dhibicda u horaysa ee gu’gu. Hase yeeshee werwerka iyo walbahaarka Balayax ku foogani waxa weeye, iyada oo curashadii gu’ laga joogo bil iyo habeeno, oo ay ballantii muddo dhaaftay, gabadhii cudbina aan war dambe lagu celin. Goodaad, illayn waa nin maanta oo dhan socod ahaaye, intuu dabka dhinac u banneeyey ayuu hurdo lac yidhi. Hase yeeshee Balayax wax baa ka hugmayey oo hurdada kala tacaalayey, waayo waxa ku rafanaysay xusuusta gabadhii uu jeclaa, ballantii oo muddo dhaaftay, waxa u muuqatay cudbi oo raagsatay oo nin kale la baxay. Waxa kale oo talada Balayax sii cakiray qabiilkiisa iyo qabiilka Cudbi ka dhalatay oo colaadi dhex martay, dhowaana ay dilal cusubi ka dhex dhaceen oo ay aano cusubi dhextaal, sidaa awgeed labada qolo isma bixinayaan, balse Balayax Cudbi waa jecelyahay.

La soco qaybta 3aad…