SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – JACAYLKII Balaxyax Iyo Cudbi Oo Murugo Ku Dambeeyey

Shabakadda Jigjiga Online waxay si taxane ah idiinku soo gudbinaysaa mid ka mid ah sheekooyinkii ugu xiisaha badnaa ee Afka Soomaaliga lagu qoro.

Waa sheeko jacayl ah oo dhab ah, waxayna taabanaysa laba dhallinyaro Soomaaliyeed oo duruugo adag isku gedaameen hammigoodii wadaagga nolol ay ku riyoodeen, taas oo halis gelisay nafahooda, qisooyin xanuun badan, dagaallo, askarnimo, guur qasab ahba ay hadheeyeen.

Sheekadan xiisaha badan oo ay ku duugan yihiin waxyaabo badan oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliga iyo waaqaca noloshii jacayka aan saaxiibka u ahayd ee awowyaasheen, waxa qoray Axmed Cabdi Garas (Maqaloocshe).

Qaybta 8aad:

Balayax, ayaa haddana islaantii ku celiyey su’aal kale oo yidhi, “Mataqaanaa reeraha wadayaal, ee Reer dubad oogle iyo reer warfaa xandule, meel ay ka degin yihiin magaalada”. Islaantii intay qosol kale ku dhufatay ayey tidhi, “Waar heedhe, anigu waxanaad waydiinayso, garran maayee, Reer-reer lahayne, reeruhu waa qabyaalad, qabyaaladdana
waa tii la aasay, ee yaan askartu ku maqlin oo lagu xidhine, halkaa hore ayaa suuqyahaye raggaa waydii , dadkan aad doonayso”. Waxayna islaantu, farta ugu fiiqday dhowr nin oo wadada dhinaca kale ka maraya, balse Balayax, ilayn raguba waa kuwa uu ka cararayo ee iska eegayaaye, intuu shakiyey oo mergiga dhiibiyey ayuu yidhi, “Caku magaalo rag yaraysee, islaamahooduna waa ciyaal-ciyaal, oo waxwalba ciyaar iyo qosol bay ka deyayaan, bal imika daya islaantaasi sida ay noo qaladday, anaga ayey tuug iyo dhuq-dhuqle magaalo noo tilmaamaysaa, oo naleedahay waxwaydii ilaa sayladdii baanu hangool kaga horjoognay guntintaa go’ayaga ku xidhan, markaasay naleedahay cagahaaga ku doono”.

Dabadeedna hore ayey isaga socdeen, iyaga oo baaladaymoodkiina sii siyaadiyey, markii ay cabaar socdeen ee ay ka yara durkeen islaantii iyo nimankii ay u tilmaamaysay, ayaa Cudbi oo iyaduna dhegaha didmo la taagaysa waxa la hadlay Balayax. Dabadeedna wuxuu Balayax ku yidhi “Naayaa Cudbi, ma arkaysay, qoodhay iyo xeraday, habarbaastaasi marbay saymo na gelin gaadhay, waa qofta noo tilmaantay shaadh cadde magaalo habar dambe oo wax la waydiiyaana, halkaa haygaga hadho”. Cudbi, oo daawashada magaalada iyo baalladaymoodkeedabaka baddin wayday ayaa Iyana idhi, “Dadka macdaarada haystaa, iyagaa isyaqaane, kuwaa wax waydii oo qof dambe oo meel iska maraya, ha inagula hadlin”. Balayax, waa runtaa intuu ugu jawaabay bay socodkoodii iska sii wateen ka dibna waxay soo gaadheen suuqii waynaa, oo uu dadku sida daadka usabbaynayo, oo sidaa la isu hor iyo dabo marayo, waxaynaka baqdeen, inay kala lumaan iyaga oo la tacajabsan dadkan xaddidhaafka ah, ee meesha ka buuxa, ka dibna si aanay u kala lumin gacmaha ayey is qabsadeen, mararka qaarkood ayey ku soo beegmaan dariiq cidhiidhi ah oo ay dadku isjiidhayaan, laakiin iyagu ma ogola in ciddi u soo dhowaato, dabadeedna sidii ay dadka uga faaganayeen oo ay marba meel koone ah, u eeganayeen, ninkii Balayax-na dhengeda ula goojinayey, ayey xaaladoodu noqotay waraabe shir yimi.

Balayax, waxa ku jira qabkii geel jirenimo, oo dadka magaalada jooga gebigood waa ka xaragoonayaan, wuxuuna hoosta ka leeyahay “Dadkan caydh baa isu soo ururisay, hadii ay xoolo leeyihiin ma sidan ayey isugu meehanaabi lahaayeen, magaalo col ku deg maxay tuug iyo basar xumo haysaa”. Waxay socdaanba iyada oo ay indhuhu sare tageen oo waayey cid ay wax waydiiyaan, oo ay miyir qab ku suureeyaan ayey soo gaadheen wadada gaadiidka badan ee badhtamaha Hargeysa, agagaarka sekedda qaydarka. dabadeedna intay meel qaloyar oo koone ah, istaageen ayey sida sinimooga loo daawado u daawadeen baabuurta adooyinka qaarba dhinac u qaadayo. Ma aha markii u horaysay ee ay birguuxaysa arkaan, laakiin may arag baabuur aan siisow ahayn, oo ay arki jireen isaga oo mid qudha ama labo ah, oo waddo budusha miyiga siigaynaya iyaga oo halkii taagan oo ay wax waliba ku cusubyihiin, aadna u xiisaynaya wixiiay arkaanba ayey arkeen rag aad u yaacaya, oo ay caydhsanayaan askar badan oo dirays gashani iyo dumar qaylinaya. Askartu ninkii ay qabtaanba waxay ku ridayeen gaadhi madoobe dheere ah Askarta wax eryanaysa dabo socda.

Balayax, iyo Cudbi waxay maqleen “Waar ka carar-waar ka carar iyo istaag-istaag, hays dilin iyo ereyo kale”. Hase yeeshee, way iska dawadeen sida wax u socdaan arintuna wax kale maahee, waxa magaalada ka socda raaf ba’an waxaana ragga loo raafayaa dagaalkii Soomaalida iyo Xabashida oo socda. Balayax, iyo Cudbi waxay la yaaban yihiin raggan waaweyn ee isbaacbaacsanaya, waxayna moodeen shuqul magaaladu iska taqaan. Balayax-na wuxuu kolba Cudbi ku leeyahay “Caku, magaalo dadkeedu, waa ciyaal-ciyaal, bal eeg raggan waaweyn ee yaac-yaacaya iyo kuwan dharka cawlan ee eryanaya. Alla idin dayri, tolow ma camal kale ayey waayeen, Alla yaa nimankan geel kareeb ah raaciya”. Cudbi, oo iyana ku qoslaysa raggan isbaacsanaya ayaa tidhi; “Waar malaa waxani ciyaar maahee, way isdilayaan cajeb!”. Iyaga oo halkii taagan, oo qosol la ildaran, moodayana in arintu tahay shuqul reer magaalka uun ku eg ayaa la isla soo gaadhay goobtii ay joogeen.

Balayax oo aan dareenba gelin, daawashana la dhacsan ayaa afar askari oo xoogani dhab siiyeen, ka dibna wuu la dagaalamay” isaga oo moodaya reer magaal dala, sanaya wuxuu is yidhi, ragga iska celi laakiin inta la isu dhuujiyey ayaa markuu isdhuf-dhuftay la garaacay oo ay askartii harraati iyo qori dabadii meel kasta ku jebiyeen, ka dibna markii ay fardhaqaaqda u diideen ayey sidii xabad hadhuudh ah dusha kaga tuureen gaadhi Elji ah. Cudbi, markii ay aragtay ninkii Balayax oo lagu degay ayey qaylo iyo muusanow ku dhufatay, weliba intaa kumay joogine askartii ayey la dirirtay oo gacanteeda ula tagtay. Hase yeeshee, askartii intay gabadhii Cudbi u gacan qaadeen ayey budhadh gaagaaban oo ay siteen sida durbaanka ugu tumeen. Balayax oo aan isdhaqaajin karayn ayaa arkay gabadhii Cudbi oo rag badani bukaasayaan.

Dabadeedna intuu hanqalka la kacay, ayuu isyidhi hinqo balse wuu isloodin kari waayey, markaasaa intuu wayraxay oo raftay ayuu muusanow iyo jibaad ku dhuftay, oo uu ciil dibinta qaniinay, balse askartii baa markay arkeen inuu dhaqdhaqaaqayo, mar kale ku gadhqabtay budhadh iyo laad, ilaa ay ku ogolaysiiyeen sagxada gaadhiga. Lacagtii awrku, iyadu goor hore ayey laydha raacday, oo intay dacalkii ka furantay kala yaacday. Cudbi iyada oo si xun u dillan oo meeshii legdan ayey dumar ka qaadeen. Balayax-na isaga oo gagabsan oo dhulyaal ah, ayaa baabuurkii la
dhaqaaqay, oo la ka xeeyey, balse markii dhexda la sii wado ayuu soo miiraabay.

Balayax, wuxuu arkay askar hareeraha ka fadhida iyo raggii kale ee raafka ahaa oo hinacyada ka xiga, wuxuu markaa isku dayey inuu askarta la diriro laakiin mid ka mid ah, raggii raafka ahaa ayaa Balayax ku yidhi, “Waar aayar iska joogso, miyaanad garanayn waa raaf oo hadii lagu qabto la isma waalo’e naftaadana ha haligin waa askar oo naxariis
malaha’e”. Markaas ayuu Balayax, isyara nabay dabadeedna waxa la geeyey Balayax iyo raggii lala soo raafay xerada birjeex ee Hargeysa, halkaas oo ay sii joogeen rag kale oo la soo raafay, ciidan hubaysan oo qoryo sita ayaa gaadh ka haya, waxaana lagu xereeyey Balayax iyo raggii la socday hool weyn oo dusha ka dedan daaqadna aan lahayn isla markaana madow, oo aan laydh lahayn.

Dabadeedna inta albaabka loo giijiyey ayaa quful weyn lagu jebiyey gaadh culusna la saaray. Ninkii Balayax oo ay askar guul wadayaal ahi haraati iyo qori dabadii ka dhergiyeen, oo aan waxba ka noolayn afka iyo sankana
dhiig ka da’ayo, ayey raggii kale ee lala raafay u muujiyeen waxoogaa naxariis ah, iyaga oo uga waramay macnaha raafka iyo sida la isaga banbaaniyo dhibtiisa. Inkasta oo raga la soo raafay, aanu ku jirin nin qudha oo ikhtiyaarkiisa ku yimi ee mid walba isaga oo danahiisa wata khasab dhegta looga qabtay, hadana Balayax waxa u dheerayd jidh dil loo gaystay, isaga iyo gacaladiisiiba sidaa awgeed, cadho iyo ciil awgii dibinta hoose ee Balayax waxa ku yaalay nabaro aanay askartu ku dhufan, ee isaga oo aan is ogayn ayuu ciil daraadii foolasha isku goostay.
Wuxuuna ku muusanaabayaa “Tolaay-tolaay, ma maantaa inan rag i ciilay oo tani ii danbaysay”. Balayax, waxa kale oo uu ku calaacalay, tixdan geeraarka ah “Gacal nimaad ahaydeen hadii laga gol-roonaado oo gacantu, inay hiilisana kuu garnoqon waydo, illeyn waad gal-galataa sidii neef lagawracaye”. Labo habeen oo ay hoolkii ku xeraysnaayeen ninkii Balayax, marqudha qumaati isuma taagin ee wuxuu ahaa dhulyaal garowyar, oo raggii raafka ahaa, lagu saydhsaydhiyeyna, isagu afkiisa ma gelin. Maalin sadexaadii ayaa la bilaabay hawl lagu kala shaandhaynayo dadkii badnaa ee la soo raafay. Dabadeedna goor aroor hore ah, ayaa albaabka hoolkii ay ku xeraysnaayeen la balaqay. Nin qaro weyn oo xidhan shaadh iyo surwaal kaaki ah, koofiyadna madaxa ku sita iyo bastoolad suunka dhexda
ugu xidhan kalulata, ayaa isaga oo ulyar ruxaya, oo talaabada kolba lug qunyar qaadaya, albaabka ka soo galay, waxaana dabo socda labo nin oo tuute sita iyo nin shandad weyn laad-laad sanaya. Raggii hoolka ku
xeraysnaa ayaa lagu amray inay sarajoogsadaan, safaf isdaba gal ahna sameeyaan, way istaageen, waxaase fadhiga ku sii raagay Balayax, ka dibna hadal kulul ayaa lagu yidhi istaag, wuu istaagay isaga oo is tiilaya, tabcaana ah.

la soco ….

Qormooyinkii hore halkan ka akhriso:

 

 

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Q:1aad &2aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Q:3aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Q:4aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Balayax Oo Nafta Ka Quustay Q:5aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Naxdintii Cudbi Ee Markii Ay Aragtay Jacaylkeedii Balayax – Q:6aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Cudbi Oo Gacanta Qabsatay Jacaylkeedii Iyo Werwer U Bilaabmay Hooyadeed