SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Cudbi Oo Gacanta Qabsatay Jacaylkeedii Iyo Werwer U Bilaabmay Hooyadeed

Shabakadda Jigjiga Online waxay si taxane ah idiinku soo gudbinaysaa mid ka mid ah sheekooyinkii ugu xiisaha badnaa ee Afka Soomaaliga lagu qoro.

Waa sheeko jacayl ah oo dhab ah, waxayna taabanaysa laba dhallinyaro Soomaaliyeed oo duruugo adag isku gedaameen hammigoodii wadaagga nolol ay ku riyoodeen, taas oo halis gelisay nafahooda, qisooyin xanuun badan, dagaallo, askarnimo, guur qasab ahba ay hadheeyeen.

Sheekadan xiisaha badan oo ay ku duugan yihiin waxyaabo badan oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliga iyo waaqaca noloshii jacayka aan saaxiibka u ahayd ee awowyaasheen, waxa qoray Axmed Cabdi Garas (Maqaloocshe).

Qaybta 7aad:

Balayax, wuxuu Cudbi u sheegay inuu awr dhexda kaga yimi, wuxuuna u soo jeediyey inuu doonayo inay israacaan, oo intay awrka sii kaxaystaan  Hargeysa galaan, dabadeedna ay Hargeysa oo walaashi degan tahay ku aqal galaan, maadaama ay beelaha miyiga colaadi u dhaxayso, oo aanay Balayax reerkooda u cuntamayn, guurka gabadh ay qabiilkooda isdirirayaan oo colaadi dhextaal. Cudbi, oo weligeedba beledka u xiiso qabtay ayaa hindisaha Balayax ku dhaliyey calool adayg hor leh ka dibna waxay u soo jeedisay inay habeen dambe, baqoolaan maadaama caawa, uu waagu ka baryeyo, oo ay habeenkii in yari ka hadhsan tahay. Cudbi, waxay Balayax, usoo jeedisay inuu dhabacdo kayntii ay galabnimadii awrta ka soo caraabisay, ka dibna way is macsalaameeyeen, wayna kala baqooleen, intay
isla tilmaan sadeen halka ay isugu imanayaan.

Balayax, maalintii oo dhan iskama rogin hurdadii uu seexday ilayn waa nin aan labo habeen iyo laba maalmood il iyo baal isu keenine, wuxuuna hoos jiifsaday geed cufan oo aan qofkii hoos gala ciddina arkayn. Cudbi, waxay iyana maalintii oo dhan ku jirtay tabaabushe iyo diyaar garow hoos hoos ah, oo ay ku xamaam urursanayso. Hase yeeshee, goor ay qoraxdu hadhka taagiisa ka degtay ayey Cudbi dhiil yar caano ka buuxisay, oo ay afka saartay kayntii Balayax jiifay, ka dibna intay qunyar soo sanqadh tiratay ayey dhiishii caanaha ahayd madaxiisa qotomisay oo qunyar dib
uga laabatay, iyada oo aan hurdadiisii ka toosin. Dabadeedna goor dambe ayuu Balayax baraarugay, wuxuuna arkay dhiil caano ah, oo madaxiisa taal, ka dibna intuu labada dhabban qabsaday ayuu sida gafanaha uga soo go’ay waayo wuu iska gartay inay farsamadu tahay, tii Cudbi, oo aanay cid kale ciirsi ugu noqoteen kayntaa cidlada ah. Cudbi, maalintaa cidna lama talo ahayn, arinkeeduna wuxuu ahaa “Nin dameero wataa, dad la toy maaha”. Dabadeedna goor ay casar gaabkii ahayd ayey Cudbi awrtii doontay, iyada oo qisdigeeda ugu wayni yahay inay fursaddaa uga
faa’iidaysto, arimihii ka dhexda eyey,
Balayax, oo ay wixii ballamo ah ee ambabaxooda ku saabsan, soo dhaad-dhaadaan. Cudbi, markii ay meel dhexe sii socotay ayey isla sheekaysatay, waxaana u muuqatay, inay galabta tahay, galabtii u dambaysay ee ay reerkooda awr u soo xerayso. Cudbi, waxay ahayd, 18-jir, inteeda ku maddorkar ah, waxay ahayd, quruxley, khaaliqu jidhkeeda ka
ilaaliyey xubin la naco. Midabkeedu waa maariin dhalaal, casaan xiga oo aad dusheeda ka subkanayso. Luqunta qotonka u baxday ee cabaadhyaha leh, gacmaha jalaqsan, dhexe madagta la moodo, kubabka cuddoon ee hilibku
ilaa shidhixyada buuxo iyo wejigeeda jaah-qabitanka leh, ayaanay daymada jaleecdaa weligeed ka jeesanayn, waxaana Ilaahay ku mannaystay joog iyo jinni aanu qof arkaa abid ka xiiso goynayn. Cudbi, intay galabtaa indhakuul si qurux badan indhaha baalkooda ugu dhayday, ayey si yaable u soo talaabsatay, way timo tid-can tahay markaasay timuhu labada garab u kala dhaceen, xagga dambena jeenyaha hoos u dhaafeen.

Boqorka iyo dhaclaha ayey dhaxda ku kala rogtay, waxay soo xidhatay kabo baarashuud ah, oo jiiqdaahaya iyo labo dhidood shushubka dulucu isdulfananayo. Cudbi markii ay Awrtii xadhkaha ka soo furfurtay, ayey soo tuunbisay, oo ku soo beegtay kobtii uu Balayax joogay. Balayax, markii uu hubsaday inuu qofka Awrta wadaa Cudbi yahay ayuu kobtii ka soo baxay, waxayna cabaar istaageen labo geed dhexdood. Inkasta oo aan labada qof hadal badani qabyo ka ahayn, hadana waa dad muxubbo dhextaaley, hal cabbaar ah, ayey hadallo guudmar ah iyo sheeko googoos
ah isu dhiibdhiibeen. Ugu dambayn, Balayax ayaa yidhi “gacaliso orod Awrta caraabiyoo, ballantu waa inoo halkee iyo hadma” ka dibna waxay ku tidhi “Gacaliye, geedkii xalay miyaad ka ambanaysaa” maya ayuu yidhi, markaasay tidhi “Ammintuna, waa xiliga hurdo dakharta ee sardhada hore lagu jiree, reerka Adhyaha haka didin anigaa kuu imanayee”.

Balayax, intuu qoslay ayuu yidhi “waa inoo sidaase, hammuun ragna talada ku darso, oo soo dhakhso”. Dabadeedna Cudbi oo awel socod u holletay oo is dadabtay, ayaa intay soo jeedsatay, waxay si kaftan ah, u tidhi “Balayaxow, hay raagsan, ilayn adiga oo qudha, kuuma maqni, dadkuna waa badanyahay, si ay noqonna Allaa garan. Soomaaliduna waxay tidhaahdaa hal aan weli kuu dhalin ilmaheeda ha tirsan, shabeel aanad weli dillinna hargihiisa ha baayicin”. Cudbi, way dhaqaaqday, iyaga oo dhoolo caddaysay isku sii macasalaamaynaya, oo marba si xiiso iyo kalgacayl ku
dheehan yahay hoosta jaleeco yar isakaga xaddaya ilaa intay kala libdhayeen. Cudbi, markii ay Awrtii gelgellinta ku xidhxidhay ayey gurigii tagtay. Hase yeeshee Cudbi habeenkaa, Adhigii ay reerka u lisi jirtay, may lisin ee intay waxyar ka dhiidhiijiso ayey maqasha ku sii daysaa, idaha iyo riyahaba, waayo waxay doonaysay inay xerada hore uga baxdo, oo ay diyaar garowdo fiid caddeba.

Dabadeedna intay gal barkimo maryihii ka buuxisay ayey kiishkii maryuhu ugu jireen meel guriga duleedkiisa ah sii dhigatay. Ka dibna buulkeedii yaraa ayey gashay, oo ay iska dhigtay sidii wax seexday. Hase yeeshee hurdo uma taallee, waxay sugaysaa inta dadku sardhada gelayo. Dabadeedna markii ay khuurada dadku isu yeedhay. Ayey intay kabaha suxullada sudhatay, buulka gurradiisa ka dustay, ka dibna ay harqadi dharku ugu jiray hore u sii qaadatay, iyada oo shamaaxinaysa ayey u tagtay Balayax oo dugsigii ay ku ballameen kadalooba. Ka dibna, iyada oo aan juuq la isu odhan ayaa degdeg talaabada loo boobay, weliba inta ay talaabadii aamini waayeen ayaa inta tafaha la qabsaday, gucle orod la is barbar yaacay. Arinkoodu wuxuu noqday cawralaay cago, geedweyn mooyaane,
geedyar lagamabaydhayo ee dushaa laga marayaa oo gediga habeenkii fadhaq boodka lagama nasin, iyaga oo ka baqaya inay raacdo ka daba timaado oo la soo gaadho.

Maalintii dambena kadlaha lagama jimcin. Waxayse ugu darrayd, markii ay Cudbi hooyadeed hiirtii waaberi toostay ee ay gabadhii tawday, ka dibna intay afka gacanta saartay qaylo ka toshay. “ooo….oooo…oooo, waar ka kacaay, reerka la dhacye”, markaas ayaa lagu soo yaacay waxayna u sheegtay dadkii ku soo yaacay in gabadhii xalay la kaxaystay. Ka dibna, waxa la iswaydiiyey, yaa kaxaystay gabadhii. Balse cid loo aaneeyo waa la garran waayey, Balayax-na ciddina meesha ka filimayso. Islaantii Cudbi hooyadeed, waxay u tagtay gabadh gashaanti ah, oo ay Cudbi saaxiib ahaayeen, waxay waydiisay inay wax tibaax ah ka hayso, dooc iyo dareentoona. Hase yeeshee inantii wax war ahi ugama soo kordhin, oo gabadhii ayaa iyada lafteedu cid ay tuhunto iyo meel ay u dacalsaarto garran wayday, waxayna tidhi “Nin Balayax ka dambeeya oo ay Cudbi sheeko wadaag la yeelatoba, ma anigaa garranaya, Balayax-na maanta carradeenna gabadh uma soo doonan karo”. Cudbi, hooyadeed, waxay doondoontay wax raad ah, ka dibna waxay heshay raadkoodii, cabbaar bay raad gurtay dabadeedna, waxay aragtay inay cadceed u dhac afka saareen oo degmadii ka dhexbaxeen, markaas ayey yiqiinsatay inuu Ninka gabadha kaxaystay Balayax yahay.

Dabadeedna, wixii Illaahay habbaar baray ayey dabada qabatay “Alle cidhibtaa go’day, meel darran laguu kaxee, fanto ku dishay, xiniinyo muldho, xoogga lax ha ku xiggan, iyo kelmado kale oo habbaar ah ayey dudubisay, waxayna gurigii ku soo noqotay, iyada oo dhurmaysa, dabadeedna wiil ay dhashay iyo niman ilmaadeeradii ah oo la jooga ayey u sheegtay in inantii Balayax la tegay. Ka dibna shan wiil oo doobab ah oo ay labona walaalo yihiin Cudbi, saddexna ilmaadeeryihiin, ayaa iyaga oo shan qori, laadlaadsanaya raadkii ku tibaday. Waxay dabo jabacsadaan oo
ay kaymihii iyo kobihii ay xalay sii dhex jibaaxeen, hadba qoor ka raad guraanba, goor hadh soo korkii ah ayaa raadkii ka gedmaday, waayo waxay ku soo baxeen dhul haaribban ah, oo aan jaanta laga arki karin.

Dabadeedna colkii raacdada ahaa markii raadkii u bixi waayey, may soo noqone jihadii raadku u jeeday ayey afka saareen. Hase yeeshee, waxay colkii raacdada ahaa socdaanba, raadkiina waa u bixiwaayey, labadii qofna meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, way waayeen, isla markaana waxay qoloda raacdada ahi ku soo dhowaadeen soohdintii ay labada beelood ee colaaddu u dhaxaysay iska gaaddaysan jireen. Dabadeedna cabsi baa gashay, iyaga oo ka baqe qaba inay is helaan korjoogaha beesha Balayax.

Halkaa markay arini marayso ayey raacdadii, iyaga oo faro madhan dib isaga huleeleen, oo degaankoodii dib ugu noqdeen, iyaga oo harraad iyo gaajo bas beelay. Beeshii Cudbi lagala soo tegay gidiga maalintii, sheeko aan Cudbi iyo Balayax ahayn, lama hayn. Waxaana la isugu jiibanayey cayda iyo habaarka Balayax, iyada oo dhaleecayn iyo jawaano cay ah, loo kiilayo. Cudbi hooyadeedna aflagaado iyo ceebayn Balayax ku waajahan ayey ciil beel ka dhigatay, oo wixii afkeeda ku soo dhaca oo cay iyo habaar ah, uma hanbayso Balayax. Hase yeeshee, lamaanihii isla
caymaday ee Cudbi iyo Balayax waxay caraabe galabnimo ku tageen tuuladii uu Balayax awrka kaga tegay dabadeedna ismay taagine, intay awrkii faruurta qabsadeen ayey jihadii Hargeysi ka xigtay afka saareen.

Dhowr habeen ayey jidka ku sii jireen, wadada baabuurta waxay u marayeen taabsin durugsan, waayo waxay ka baqoqabeen inay cid Hargaysa ka timi oo baabuurta saarani garato, ka dibna ay arbushto. Waxay masaafo ku soo
jiraanba subax hore ayey ku soo waabariisteen Hargeysa, ka dibna meel kale uma ay leexane, sayladda ayey dadka waydiiyeen, markii loo tilmaamayna way ku tibadeen waxayna markiiba awrkii u dhiibeen nin dilaal ah oo, kuwo sayladda ugu afdheer ka mid ah, markiiba gacanta ayaa la isu dhiibay, cabaar markii gacanta la is-hulaaqsiiyey, oo baayacaadu, weecweecatay, ayaa aakhirkii gacanta lalulay, waxaana awrkii lagu faasaxay qiimo wanaagsan. Lacagtii awrka, markii daabaqadii iyo dilaalkii laga jaray, ayuu Balayax intii kalena go, uu sitay faraqiisa ku guntaday oo tuurta u ritay, dabadeedna lammaanihii Cudbi iyo Balayax, waxay u dhaqaaqeen dhinicii suuqa weyn ee Hargeysa.

Hase yeeshee, labadooda midna waxba kama yaqaan magaalo iyo shuquladeeda, waxayse sheeko kuhaystaan inay magaaladu leedahay tuug badan oo reer miyiga lacagta jebabkoodu ku jirta u soo shaqotaga.
Dabadeedna ninkii shaadh cad ee ka horyimaadaba waxay is yidhaahdaan, waa kan tuugii la sheegayey, oo Balayax faraqii lacagtu ku guntanayd ayuu intuu dhuunta geliyo gacmihiisa mid ka mid ah, ku dhejiyaa, gacanta kalena dhengad uu sitay ayuu ku qabsadaa, markaas ayuu lacagta dul-hadhiyaa. Xaalkiisu Waa keeb la yuurur, oo hadiiba uu qof is yidhaahdo salaan, kama nabad galeen oo nabar baa kaga dhici lahaa. Waxay hiyiga ku hayaan macdaar suuqa ku yaal, oo uu leeyahay nin ay Balayax isku hayb yihiin, inta ay soconayaan waxay ka ballaadaymoonayaan daaraha hareeraha ka xiga, oo ka fajaciyey, ilayn hore uma arage, sidoo kale waxkasta oo ay arkaan waa ku ugub, shaykastaana iyaga waa u udgoon, xataa dadka ayaa cadar-cadar u uraya.

Waxay la yaaban yihiin oo fajac iyo lama arag ku noqday, baabuurta yaryar iyo basaska. Waxa kale oo ay la yaaban yihiin guryaha isa saar-saaran ee dabaqyada ah, waxayna iswaydiinayaan sida dadka fuushani u koreen. Markay wadada marayaan, waxay u dhowaanayeen dhinaca dumarka, waayo ragga oo dhami, iyaga tuug buu ugu qoran yahay, laakiin may maqal haween tuugooyin ah, oo wax xada ee rag uun bay maqlijireen. Balayax ayaa islaan waayeel ah, oo wadada maraysa, ku yidhi “eeyaa waa islaanta suuqu halkee buu ku qumman yahay”. Islaantii intay kor u eegtay oo garatay inuu yahay nin xero geel ka yimi ayey ku tidhi, “Suuqyadu, waa badan yihiin ee keebaad doonaysaa, ma suuqa oktoobar baad u socotaan, mise suuqa weyn”. Balayax, intuu layaabay, su’aashii lagu soo celiyey kalana sixi kariwaayey, suuqyada la sheegayo, ka uu doonayaa ka uu yahay ayuu yidhi, “Suuqyadu ma dhowr baa miyaanu mid qudha ahayn, anaguse waxaanu doonaynaa, suuqa uu macdaarka ku haysto ninka la yidhaahdo ina
dhudhun adhi”, islaantii intay qososhay ayey tidhi, “Waar anigu dhudhun adhina garan maayee, halkee baad doonaysaan”.
La soco qaybaha hadhay ee sheekada….

Qaybihii hore halkan ka akhriso:

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Q:1aad &2aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Q:3aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Q:4aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Balayax Oo Nafta Ka Quustay Q:5aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Naxdintii Cudbi Ee Markii Ay Aragtay Jacaylkeedii Balayax – Q:6aad