SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Balayax Oo Qarax Lala Beegsaday, Ciidankii La Socday Oo La Laayey Iyo Nolosha Oo Uu Quustay – Q:10aad

Shabakadda Jigjiga Online waxay si taxane ah idiinku soo gudbinaysaa mid ka mid ah sheekooyinkii ugu xiisaha badnaa ee Afka Soomaaliga lagu qoro.

Waa sheeko jacayl ah oo dhab ah, waxayna taabanaysa laba dhallinyaro Soomaaliyeed oo duruugo adag isku gedaameen hammigoodii wadaagga nolol ay ku riyoodeen, taas oo halis gelisay nafahooda, qisooyin xanuun badan, dagaallo, askarnimo, guur qasab ahba ay hadheeyeen.

Sheekadan xiisaha badan oo ay ku duugan yihiin waxyaabo badan oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliga iyo waaqaca noloshii jacayka aan saaxiibka u ahayd ee awowyaasheen, waxa qoray Axmed Cabdi Garas (Maqaloocshe).

Qaybta 10aad:

Tafaraaruqii ku dhacay ciidamadii Siyaad Barre, waxa uu sababay inay cutubyo ciidamadii Soomaaliyeed ka mid ahi, dib ugu goosmaan Itoobiyadii ay la dagaalamayeen oo la saaxiibaan. Waxa samaysantay Jabhadii SSDF, ee uu Col: cabdilaahi Yuusuf, hogaanka u qabtay, ka dibna xoogagii jabhadda SSDF oo ka soo jeeda dhinaca Itoobiya oo taageeri jirtay, ayaa dagaalo ka fool-kafool iyo gaadmo isugu jira, si joogta ah ugu haysay ciidamadii taliskii Siyaad Barre. Waxaa dhamaatay dabayshii colaadeed iyo dareenkii midaysnaa ee ku jihaysnayd Itoobiya. Waxa meesha ka baxday qiiradii dadka lagu dagaal geliyey iyo muxubadii dagaalka loo hayey.
Subax-subxaha ka mid ah, ayuu nin sarkaal ahi u khudbadeeyey askartii balidoogle ee uu Balayax ka mid ahaa, isaga oo ku guubaabiyey inay ka hortagaan, wax uu ugu yeedhay qudhmista iyo kuwa dabo dhilifka u ah, cadawga ummadda Soomaaliyeed, waqtigaa dagaal ka socday gobolada dhexe ee dhulkii Soomaaliyeed. waxaana halkaa ku dirirayey ciidamadii Siyaad Barre iyo jabhaddii SSDF, oo ay ciidamadii amxaaraduna taageerayaan.
Sidaa awgeed sarkaalkii u khudbadaynayey colkii Balayax, wuxuu amar ku bixiyey in guutadii uu Balayax ku jiray loo qaado goobta dagaalku ka socdo. Hase yeeshee, intii aan la rarin guutadii ayaa la sii qooro gooyey rag gurmad ah. ragii la xulay oo ahaa 13 nin oo uu Balayax ku jiro waxa lagu amray inay soo qaataan heeryadii dagaalka, ka dibna
markii ay soo xidheen gibishii Ciidanka kumaandawska ayaa la saaray gaadhi ah noocii TM-ka la odhan jiray. Gaadhigaa waxa laga buuxiyey joonyado bariis iyo sonkor ah, ka dibna waxa kooxdii askarta ahayd lagu amray inay degdeg u gaadhsiiyaan goobta dagaalku ka socdo, iyada oo loo sheegay inay taakulo degdeg ah tahay.
Baabuurkii TM-ka ahaa oo ay dusha ka saaran yihiin unugtii Balayax ku jiray ayaa afka saaray jiiddii dagaalku ka socday ee goldogob iyo Ballanballe. Waxay socdaanba markii ay aagga dhuusamarreebeed, soo waydaarteen ayey soo galeen arlo aan xasiloonayn oo ay ka jirto cabsi iyo gebogebo colaadeed, iyada oo ay soo gaadheen jiido ay jabhadii SSDF, ka ugaadhsato oo ay had iyo goor ka dhacaan dagaalo dhuumaalaysi ahi.
Unugtii iyo baabuurkii ay wateen, goor barqo iyaga oo waxoogaa dhaafay tuulo la yidhaahdo Guroceel, oo ay marayaan meel ay wadadu goolad ka gasho, dhinaca galbeedna ay kaynweyni ka xigto, ayaa askartii oo iska faraxsan, iskana sheekaysanaya oo aan burkaba belo ka filayn, waxa mar qudha dayaamay gariir xoog leh, qiiqa ayaa cirka isku shareeray, gaadhigiina intuu cirka ubooday ayuu xagga kale iska rogay oo digaandigaha noqday. Arintu wax kale ma aha ee gaadhiga waxa la kacday miino isa saar ah oo ay wadada dhigeen rag ka tirsan jabhadii SSDF, weliba ragga miinada dhigay meel fog ma jiraan ee waxay fadhiyaan kayn wadada qarkeeda ah oo ay ka ilaashanayaan miinada iyo ciddii ay la kacdo. Sidaa awgeed, markii ay gigta maqleen ayey ka soo kaceen kobtii ay ku gabanayeen, oo ay u soo dhaqaaqeen dhinicii wax ka dhaceen iyaga oo rasaas iska soo horaysiinaya ka dibna waxay dul yimaadeen baabuurkii oo wadada dul-hawaara, oo digaan digaha noqday, bir laqaatona aan lahayn iyo unugtii askarta ahayd oo wadada hareeraheeda wadhan, iyaga oo noqday wax dhintay iyo wax dhaawacmay iyo kuwo qayabsan.
Balayax iyo gabdadii sonkorta ahayd ee uuku dulfadhiyey, ayaa markii qaraxu dhacay dalool weyn oo ka samaysmay sagxaddii baabuurka iskala dhexdusay, ka dibna jawaanadii raashinka ahaa ayaa Balayax qariyey waxase u banaanayd meel yar oo uu hawada ka qaadanayey, waxna ka arki karayey. Halkiisaa ayuu sidii wax gabanaya ku noqday, oo beerka dhulka ku hayey isaga oo aad u baqaya. Balayax, meeshii yarayd ee uu banaanayd ayuu ka khaawisayey nimanka soo socda ee rasaasta soo ridaya, wuxuuna moodayey ciidankii xabashida. Hase yeeshee, markii ay soo gaadheen ee ay dulyimaadeebn, ayuu maqlay iyaga oo afsoomaali ku hadlaya, ka dibna wuu khaawisay oo wuxuu arkay niman maryo cas-cas oo Somali ah. Nimankii jabhadda ahaa, nimankii dhaawaca ahaa ayey dhaawac tireen oo laayeen, ka dibna Balayax markii uu arkay saaxiibadiisii dhaawaca ahaa oo la dhaawac tiray ayuu baqdin daraadeed qaboobay, wuxuuna ku dhabacday halkiisii.
Nimankii jabhadda ahaa, markii ay Balayax mooyee askarta intii kale nafta ka wada jareen ayey kayntii ay ku jireen kala soo baxeen baabuur ay wateen, ka dibna raashinkii meesha yiil ayey ku daabuleen.
Balayax, raashinka la daldalanayo ayaa gabood u ah, oo uu kaga badbaaday rasaastii qudha lagaga jaray saaxiibadiisii dhaawaca ahaa. Hase yeeshee, marka raso la baneeyaba, Balayax waa lagu sii dhowaanayey iyada oo ay
Balayax marba marka ka sii dambaysa naxdin awgeed, naftu ku sii dabo yaraanaysay. Iraadada Ilaahay, nimankii jabhadda ahaa markii ay raashinkii intii kale gurteen ee ay u hadhay rasadii u dambeysay ee Balayax hoosta kaga jiray oo aan toban kab-dadood ka badnayn ayey maqleen guux iyo siigo ku soo dhow, ka dibna intay qayl-qayliyeen oo dhegaha taageen ayey yidhaahdeen waar ina keena gurmad cadow baa inagu soo dhoweh. Dabadeedna intay gaadhigoodii kaxaysteen ayey yaaceen oo kayntoodii dib u galeen. Ninkii Balayax, ayaa qoorta la soo yara baxay
oo hareeraha eeg-eegay, balse saaxiibadiisii oo wada mayd ah, mooyaane cid kale ayuu arki waayey. Dabadeedna intuu kabdadihii dhinaca isaga legday oo uu qorigiisana la soo baxay ayuu orad cagaha wax ka deyey.
Balayax wuxuu u cararay dhinicii kale, guuxii soo baxayeyna ma sugin, ee orod buu miciinsaday. Balayax, nasiib wanaag, qaraxii miinadu wax dhaawac ah ma soo gaadhsiin ee wuu badqabaa. Balayax, markii uu ilaa meel fog cararay ee uu wax cid ah oo dabasacota ama hareer socota arki waayey, waxa soo gashay waxooga nayaayiro ah oo u bedeshay naxdintii iyo quustii nololeed ee uu ku sugnaa daqiiqado ka hor. Balayax, markuu isku hubsaday inuu meel cidlo ah u baxay waxa gashay yididiilo farxadeed, waayo waxa u ahayd fursadii u horaysay ee ku baxsado muddo afar sano ku dhow, oo uu ku jiray xaalad aan fakaag lahayn.
Sidaa awgeed, gidiga maalintaas oo dhan wuxuu ku jiray orod fadal dheere ah oo aanu mar ka jimcin isaga oo sidii cawl xabadi dul-martay dhababaco dhegaha nabaya. Markii gabalku dhacay, ayuu orodkii ka xiiq tirtay oo ku bedelay socod gucle ah, ka dibna wuxuu jeedaba goor ay saqdhex tahay ayuu kob cidlo ah, cabaar seexday, hurdada kuma raagin ee markii waagu soo guduutay ayuu ka booday. Afar caano maal, markuu raqle ku jiray, ee uu uga firdhanayey meel sanqadhi ka baxayso ayuu maalintii dambe ku soo baxay waddo baabuurtu marto, waxaana waqtigaa marayey nin oday ah, oo Reer miyi ah, dabadeedna Balayax wuxuu go’aansaday inuu iska calool adaygo oo ninkaa waraysto, isna tuso oo aanu iska qarin. Balayax, wuxuu sitaa heeryadii askarnimo ee uu Balidoogle kala yimi, sida dirays madow
oo tuute ah, koofiyad bir ah, boosh iyo qori. Waxa kale oo intaa u dheer diif iyo dhibaato dushiisa ka muuqata sidaa awgeed qofkii uu cidla kaga soo baxo, waxa gelaysa cabsi.
Balayax odaygii markii uu waxyar u soo jiray ayuu ku yidhi “Waar istaag”, ka dibna wuu istaagay, waa oday weyn oo tusbax uu ku werdiyayo gacanta ku sita. Ka dibna Balayax, wuxuu yidhi, “Salaama calaykum” odaygii baa u celiyay “Wa calaykuma salaam”. Balayax, wuxuu hadana yidhi “Adeer waxaan ku waydiiyey wadadani xagee bay tagtaa” odaygii “Waa wadadii Buurtinle tegi jirtay”. Balayax, “Adeer waxaan kale oo ku waydiiyey Hargeysa xagee bay inaga xigtaa”. Odaygiibaa yaabay oo gartay inuu yahay askari fakad ah, wuxuuna u celiyey “Waar maandhe, Hargeysi
dhulka kama dhowa’e xagee baad adigu ka timi”. Odaygu wuxuu ka mid ahaa, reeraha ku dhaqan degaamada ay jabhaduhu ka soo jeedaan, ee ay colka yihiin Ciidamada Siyaad Barre. Dabadeedna cabaar baa la iswaraystay, oo
Balayax wuxuu odayga uga waramay sidii dhulkiisii kaga yimi iyo dhibaatooyinka uu soo maray, odaygiina wuxuu Balayax u sheegay sida uu Hargeysa ku tegi karo iyo halka uu u marayo, intaa ka dibna odaygii intuu Balayax kaxeeyey ayuu reerkiisi geeyey, oo cunto ka siiyey.
Dabadeedna odaygii markuu Balayax gaajadii ka reebay ayuu dirayskii askarta ka bedelay oo maryo caadiya siiyey. Odaygaasi, Balayax kabihii askartana waa ka bedelay oo kabo kale ayuu siiyey, intaa markuu u qabtay ayuu qorigiina ka iibsaday, oo uu ka siistay saddex boqol oo shillin Somali ah (300ShSl.) dabadeedna intuu ka xeeyey ayuu meel waddo ah, baabuur ka saaray, wuxuuna darawalkii baaburka ku yidhi, “Ninkaa waxaad dhigtaa koontaroolka Buurtinle, sokodiisa” sidoo kale, odaygu wuxuu Balayax, kula dardaarmay inuu baabuurkasta marka uu koontaroolka u dhowyahay ka dego oo uu u lugeeyo dhinaca kale ee magaalada kasta, ilaa inta uu Hargeysa gaadhayo si aanay askartu u ,garan. Balayax, taladii buu qaatay, oo ku dhaqmay, waayo inkasta oo dhar shicib lebis-naa oo aanay ka muuqan wax calaamad askari ahi, hadana marka aad wejigiisa eegto waad garanaysaa inuu askari soo baxsaday yahay, waqtigaana askarta fakadka ah aad baa loo baadhi jiray, hadii la qabtana ciqaabtiisa dil baa ugu yaraa. Balayax wuxuu u dhashay nin cas. Hase yeeshee, duruuftii uu maray ayaa midab-doorsoon ku ridday, oo wuxuu noqday dugul madaw, labada indhoodna waxay noqdeen kabbodhiig ah, wejigiisa farxad iyo dareen caadiya lagama akhrisanayo, waayo wuxuu soo maray xaalad uu ku farxad guuray, garbaha iyo luqunta ayaa tigraarmay, talaabadiisuna gaardis waxba kama duwana, labada suxul ee gacmaha iyo labada ruug, waxa ka fuushay qolof adag, oo ay keentay xamaarashadii tababarka.

Wuxuu u muuqdaa nin duni cusub ku soo biiray, oo isfahamka dadka iyo dhaqanka noloshu, waa ku dagam-dagam. Wax badan buu illaaway, waxaanse marna ka bixin Cudbi, wuxuuna qalbiga ka leeyahay “Cawo iyo ayaan
badanaa qof mar qudha indhihiisu qabtaan Cudbi”. Balayax, haraadka iyo hamuunta uu dadkooda u qabaa waa bilaa qiyaas, dhuumaalaysi iyo isban-baanin qayral xad ah, ayuu ku soo dhaafay jid dheer, askartii uu ka baqayeyna Alle ma tusin. Balayax, wuxuu socdaba goor fiid ah ayuu soo galayay Hargeysa, wuxuuna markii u horaysay galay Hudheel cunto. Markii uu kursiga badhida la helay ayaa mudalabkii hudheelka soo dul joogsaday oo waydiiyey, waxa uu doonayo, ka dibna Balayax, wuxuu mudalabkii weydiiyey qiimaha raashinka. Balayax mudalabkii baa u kala sheegay,
qiimaha cuntada ka dibna Balayax isaga oo jeebkiisa ku xisaabtamaya ayuu yidhi hilib ii keen, waxaana haysay bahal gaajo ah oo ku raagtay, waayo ilaa maalintii la raafay ma helin oon xoolaad oo hagaagsan, mudadii uu baxsiga ahaa ee uu jidka ku soo jirayna dhadhamo mooyaane, mar qudha cunto uu ka gaajo beelo uma fadhiisan. Sidaa awgeed saddex wasladood oo hilib ah, ayuu lafahoodii miiskii hudheelka kaga tagey, markuu gaajo beelay ayuu kacay oo lacagtii iska bixiyey. Dabadeedna markuu lacagtii dhiibay ayuu ninkii hudheelka haystay si asluub leh u waydiiyey, inuu u tilmaamo cid haybtooda ah, oo meelaha degan (isaga oo u sheegay Ekiskiisa), ka dibna nasiib wanaag ninkii hudheelka haystay ayaa farta ugu fiiqay dukaan ka soo horjeeda oo ku yidhi, “Dukaankaa ayaa ah heybta aad sheegtay ee u tag”. Wuxuu soo galay dukaankii, Qoladii dukaanka lahayd, hore uma garran Balayax, laakiin markii ay haybsadeen ee uu inaayadiisa sheegay ayey garteen. Ka dibna intay cid ku dareen ayaa lala raadiyey gurigii walaashiisii magaalada lagu qabya, oo Ruqiya la odhan jiray. Goor caways ah ayey Balayax iyo wiil lagu soo daray isa soo hortaageen oo gargaraaceen albaabka gurigii Ruqiya. Afar sano oo wax yar la,baa laga joogaa markii Balayax samir iyo iimaan laga qaatay, ee axankiisa iyo agaskiisa la cunay, looguna faataxeeyey inuu Ilaahay janadii ka waraabiyo, wuxuuna reerkooda iyo ehelka kaleba ugu tirsan yahay maytida aakhiro. Ruqiya, waxay ahayd gabadhii ugu baadidoonka badnayd, waxaana raacdadiisa ka soo gaadhay dhib badan oo naf iyo maalba leh, marna xisaaabta ugama jirto Ruqiya waxaad dib dambe u arkaysaa walaalkaa Balayax, taasi waa dunida oo si kale la yidhaahdo. Balayax iyo wiilkii lasocday, waxa albaabka ka furtay gabadh yar oo Ruqiya dhashay, waxayna tidhi “Waa ayo”, ka dibna wiilkii kale ayaa yidhi adeer gurigu, ma yahay gurigii Ruqiya, “Haa” bay yartii tidhi, markaasay ku yidhaahdeen, Ruqiya ma joogtaa markaasay yartii tidhi, “Haaye soo dhaafa”, ka dibna yartii intay dib u carartay baa tidhi “Hooyo labo nin baa ku doonayee, kaalay la hadal”. Ruqiya, waxa waqtigaa la fadhiya labo gabdhood oo kale, oo ay Balayax walaalo yihiin iyo eedadii. Ruqiya, iyada oo aan soo kicin ayey qolkii ay fadhiday kor uga dhawaaqday oo tidhi, “Maxay yihiin nimanka goortan I doonayaa, waa kuwama” Balayax, oo markuu dhawaaqeedii maqlay jidhidhico saaqday ayaa ku jawaabay “Waa walaalkaa Balayax” ka dibna kuligood intay marqudha kor u wada boodeen,
ayey dhamaantood oo dumarkii oo dhami kor ugu qayliyeen “Yaa Balayaxaa!!!), mar labaad ayuu yidhi, “Haa waa Balayax”.
Balayax codkiisu, waa isbadelay oo gabdhihii walaalihii hore waa u garan waayeen laakiin eedadii ayaa markiiba codkiisa garatay, ka dibna intay labo qof ka sokeeyey soo jiidhay ayey haw soo tidhi, oo intay albaabkii wada balaqday, ayey iftiinka laydhka ku eegtay, saa waa laftiisii.
Dabadeedna islaantii eedadii markii ay hubsatay inuu Balayax yahay ayey dug ku tidhi, gabdhihiina way sooyaaceen oo dhinacooda ayey qabsadeen, qaylo iyo sawaxan baa la isla oogsaday, farxadi waa naxdin baa meeshii ka dhacday, ninkii Balayax ayaa inta hareeraha la qabsaday lagu degay, muddo nusasaace ka badan, ayaa laga fuqi waayey oo hareeraha laga lushay. Ilmada iyo dhareerka ayaa la isku daray, aragtidii Balayax, waxa ku dareertay ilmo u dhiganta, tii loo ooyey markii la waayey. Dadkii jaarka ahaa ayaa ku soo yaacay buuqii iyo sawaxankii oo is yidhi, talow
maxaa dhacay, ka dibna dadkii jaarka ahaa, waxay isku soo shubeen gurigii Ruqiya, si ay u waydiiyaan waxa dhacay. Hase yeeshee, dadkii deriska ahaa wax jawaababa way waayeen, waayo dadkiiba waa isla wada maqan yihiin oo Balayax baa lagu fooraraa, mar dambe ayaa caruurtii Ruqiya dhashay yidhaahdeen abtigayo Balayax baa la helay. Dadka jaarka ahi, way garteen Balayax, inuu yahay ninkii Ruqiya ka samri wayday, ka dibna farxaddii iyo rayn rayntii bay jaarkiina la qaybsadeen ehliyaddii Balayax goor dambe ayaa dadkii waxoogaa kala yara fadhiistay oo
sawaxankii damay, laakiin Ruqiya ayaa nafba laga waayey oo ku dul qalashay Balayax, ka dibna dadkii ayaa in nusaasace ku dhow, ku mashquulay sidii ay labadan qof u kala furfuri lahaayeen, inkasta oo lakala furfuray hadana gabadhii Ruqiya jirjirka u dhacday oo miyirba laga waayey. Saacad iyo badh, markii la dul joogay ayaa dhakhtar loo
keenay. Dhakhtar ayaa Ruqiya ku muday dawada qofka dareenkiisa dejisa, cabaarna Balayax laga yara qariyey, markaas ayey goor dambe soo mirowday oo yara ladnaatay.
La soco qaybta xigta…

Qormooyinkii hore halkan ka akhristo:

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Q:1aad &2aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Q:3aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Q:4aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Balayax Oo Nafta Ka Quustay Q:5aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Naxdintii Cudbi Ee Markii Ay Aragtay Jacaylkeedii Balayax – Q:6aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Cudbi Oo Gacanta Qabsatay Jacaylkeedii Iyo Werwer U Bilaabmay Hooyadeed

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – JACAYLKII Balaxyax Iyo Cudbi Oo Murugo Ku Dambeeyey

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Balayax Oo Afka Uga Galay Ciidamadii Siyaad Barre Iyo Cudbi Oo Hargeysa Ku Luntay