SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Balayax Oo Afka Uga Galay Ciidamadii Siyaad Barre Iyo Cudbi Oo Hargeysa Ku Luntay – Q:9aad

Shabakadda Jigjiga Online waxay si taxane ah idiinku soo gudbinaysaa mid ka mid ah sheekooyinkii ugu xiisaha badnaa ee Afka Soomaaliga lagu qoro.

Waa sheeko jacayl ah oo dhab ah, waxayna taabanaysa laba dhallinyaro Soomaaliyeed oo duruugo adag isku gedaameen hammigoodii wadaagga nolol ay ku riyoodeen, taas oo halis gelisay nafahooda, qisooyin xanuun badan, dagaallo, askarnimo, guur qasab ahba ay hadheeyeen.

Sheekadan xiisaha badan oo ay ku duugan yihiin waxyaabo badan oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliga iyo waaqaca noloshii jacayka aan saaxiibka u ahayd ee awowyaasheen, waxa qoray Axmed Cabdi Garas (Maqaloocshe).

Qaybta 9aad:

Dabadeedna inta buug kadinka loola fadhiistay ayaa nin walba lagu qoray magaca iyo da’da , fartana inta irbad lagaga muday, qadar dhiig ah laga nuugay ka dibna intii haysatay warqad dawladeed, ayaa gooni loo soocay,
intii kalena inta makiinado la isugu dhiibay ayaa lagu yidhi, “Nin walowba ninka kale dhakada muudso, oo rubuc saace guduhii yaanu jirin nin madaxiisa tin lagu arki karaa”. Balayax, kama mid noqon ragga waraaqaha ku badbaaday ee wuxuu safka hore ka galayragga loo baahan yahay, timihiina waa laga mudh-xiyey. Markii raggii timaha laga mudh-xiyey ayaa loo qaybiyey dirays kaaki ah, waxaana lagu yidhi, “Nin walawoba iska bixi dharka aad xidhan tahay oo dirayskan degdeg u xidho”.
Dabadeedna markii ay dirayskii wada xidheen ayaa nin garbo guduudan oo sarkaal ahi u khudbadeeyey wuxuuna ku yidhi “Saacaddaa laga bilaabo, waxaad tihiin ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed, waajibkiina koowaadna waxa weeye burburinta cadawga Soomaaliyeed iyo ilaalinta midhaha kacaanka barakaysan”. Sarkaalkaasi isaga oo gacanta kor u qaadaya ayuu hadalkiisii soo gebo gebeeyey; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliyeed Aabaha Ummadda, macalinka kacaanka Jaalle Maxamed Siyaad Barre, ha nooloodo”. Ka dibna hanoolaado ayey ka daba yidhaahdeen.
Markii khudbaddii dhamaatay ayaa hoolkii dib loogu celiyey intii la xushay. Dabadeedna goor ay mirtii dhexe ee habeenimo tahay ayaa albaabka laga furay, ka dibna inta gaadh dable hareeraha laga joojiyey ayaa gawaadhi qafillan lagu daabulay, waana la dhaqaajiyey iyaga oo aan garanayn jiho ay u socdaan. markii Hargeysa laga dhaqaajiyey waxay fool u sii jeedeen lix caanomaal, intaa ay sii socdeena, waxa cunto u ahaa qasacad-qasacad kaluun ah oo hal mar loogu qaybiyey baabuurta guudkooda.
Hase yeeshee, ninkii Balayax, cunis uu cuno, daayoo markii uu urtiisa dareemay kaluunkii ay cunayeen raggii hareerihiisa fadhiyey ayuu hunqaaco la jeestay, wuxuuna matag ku mashaqeeyey meeshii uu fadhiyey iyo agagaarkeeda, balse mar dambe ayaa loo dhiibay fud-yar oo roodhi ah, kaas ayuu waxoogaa yara dhadhamiyey Balayax, waxa uu qalbiga ka leeyahay meesha lagu socdaa fogaa, wuxuuna moodayey in Itoobiya lagu wado, waayo
muu moodayn in dhulka Soomaaliya gawaadhidu intaas oo hebeen u kala dhaxdo. Balayax, fadhigii badnaa ee baabuurka gurradiisa iyo jugihii askartu gaadhsiisay markii la raafayey, ayaa isu galay waxaana damqaday jidhka oo dhan. Isla markaana waxa tabcaan ka dhigay kuudud, mana hayo meel uu ku jimicsado oo ninba nin buu dhinaca ku hayaa,oo meel la kala qabsado ayaa la waayey waxay socdaanba goor fiid cawl ah, ayaa ciidankii raafka ahaa, irridda lagaga hooyey xero Ciidamada lagu tababaro, oo ku taal duleedka magaalada Xamar lana yidhaahdo xerada tababarka Ciidamada ee Hiilweyne, halkaas ayaa sidii adhidamaan la xaraashayo inta ul dhabarka laga saaray, oo tiradooda la hubsaday gawaadhida laga daadiyey.
xerada hiilweyne, waa xero aad loo ilaaliyo, waxaana xeradaa aalaaba lagu tababari jiray Ciidamada raafka ah, iyada oo ay joogaan askar aad u gacan kulul, oo u tababaran inay gacan bir ah ku qabtaan cidda u soo gacan gasha sidaa awgeed, waxay fasax u haystaan inay cidda u soo xero gasha judhiiba daawaha saaraan. Ninka sarkaalka ah ee xerada haystaana waa nin karbaashka dadka xerada soo gala iyo axmaqnimada garaado sare ku qaatay, sarkaalka xerada haysta oo la odhan jiray gaashaanle Cali Kaajaaye, soo dhoweyntiisu waxay ahayd, istuur iyo fig haloo xidho.
Markii raggii xerada la keenay loo tiriyey gaashaanle Cali kaajaaye, ayuu intuu berked weyn dul joojiyey ku yidhi, “Waaryaadha, nin walowba xiniiyaha barkadan ku rido, meeshan xiniiyo lalama dhexyimaadee”.
Hadalkan waxa loogu quusgoynayaa ragga cusub, waayo marka meesha lagu geeyo luguma odhanayo illaahay ka cabso ee waxa lagu odhanayaa taliyaha xerada iyo askarta wax tababaraysa ka cabso.
Balayax, wuxuu ahaa ragga aad looga jecel yahay xeryahaas oo kale, waayo wuxuu ahaa sagaal iyo toban jir caano geel ku koray, oo sida biciid barwaaqo jooga ugaamuray, jidhkiisuna si la yaqaan u dhisan yahay, oo aan la mid ahayn, dhalinyarada magaalooyinka laga qab-qabtay ee shaaha iyo sigaarku siinaddii ka saaray. Sidaa awgeed, Balayax wuxuu ahaa ninka ugu mudakarsan Ciidanka uu ka mid ahaa. Labo nin oo colkii Balayax ka mid ah, ayaa subaxnimadii damcay inay baxsadaan, kuwaas oo intay gidaarka ka daateen yaacay. Hase yeeshee, askartii koore gaadhka ahayd, ayaa arkay ka dibna intay sida cawsha u toogteen ayey maydkoodii xerada ku soo dhex tuureen, waxaana la daawadsiiyey ragii kale, si ay ugu cibro qaataan, oo aanay baxsi u haweysan. Ninkii Balayax ayaa naxdin iyo anfariir qaaday, ka dibna saskii uu qaaday awgii ayuu xididkii raganimadu ka xuubsiibtay, waxayna talo kaga ururtay inuu sidii awr koran ah, meel iska dhigo xanaaqa iyo dareenkii qoodh-nimada, oo uu saacaddaa laga bilaabo sidii geenyo qoofallan ugu dhego nuglaaddo amarada iyo siidhiga askarta xerada haysata. Balayax, habeenkii uu
hiilweyne ku hoyday waxa u kowsaday tababar lixbilood ah, oo uu ku dhamaystay xaalad adag oo jiif iyo joogba loo diiday, waxayna habeen iyo maalin u ahayd isaga iyo colkiisii, raqle iyo sarajoog.
Balayax, reerkoodii way waayeen, ka dibna baadidoon iyo raacdo ayey maalmo badan ku mashquuleen, waxaana u dhamaaday daal iyo diif. Hase yeeshee, raq iyo ruux meel uu jaan iyo cidhib dhigay, waa la waayey. Hooyo kor dahab iyo hablaheedu, wax dhex ka kaaja waxay haysteen Balayax, waayo xagga bahnimada keligii baa u rag ah, sidaa awgeed hooyo kor dahab iyo hablaheedii, way samri waayeen oo sidii ay u barooranayeen ayaa u ilmadu labada xiribood ee indhaha iyo dhabanada caaryeysatay.
Gabadh magaalada Hargeysa lagu qabay, oo ay Balayax walaalo yihiin ayaa sidii ay magaalada ugu baadigoobaysay, gurigeedii u soo hoyan wayday, waxayna nafteedii iyo maalkeediiba ku dhamaadeen raacdadii Balayax. Hase
yeeshee, raacdadii, waxa lagu helay Cudbi oo ahayd qofkii indho garad ugu dambeeyey Balayax, waxaana laga helay Cudbi guri ku yaal xaafadaha shacabka Hargeysa oo uu lahaa nin sarkaal ahi, gurigaas oo ay ka ahayd adeegto, reerka u shaqaysa. Cudbi, markii ay yimaadeen ehliyaddii Balayax, ee ay waydiiyeen, ayey ilmadu ka soo dareertay oo ay baroor la jeesatay, waayo marnaba nolol ku tirin mayso oo waxay ogayd, wixii jidhkiisa ku dhacay, ismana lahayn wuu ka kacayaa nabaradiigaadhay.
Cudbi, waxay dadkii raacdada ahaa ku tidhi, “Balayax, baadidiisa nolol haku raadinina ee maydkiisii meesha la geeyey uun raadiya, waayo askarbaa intay suuqa ku dishay, maydkiisiina gaadhi ku ritay. Askarta Balayax dishayna, waa kuwa anigana nabaradaa igu yaal igu dhuftay”.
Warkaa markii lahelay, ayaa geeri lagu tiriyey Balayax, axankiisii iyo agaskiisii ayaa la qalay, mowliidna waa la dhigay waxaana lagu xisaabiyey qoonka aakhiro loo dhigay. Balayax, carbiskii wuu dhamaystay, wuxuuna ka soo laacay lixbilood oo car-caraaf iyo kadeed ah. Balayax, iyo colkiisu mudadii ay tababarka ku jireen, waxa socday dagaalkii
Itoobiya iyo Soomaaliya. Hase yeeshee, dafcaddii Balayax, waxa carbisku u xidhmay ayaamo ciidamadii Soomaalida ee Itoobiya la dagaalamayey la soo jebiyey, oo ay dib uga soo baxeen gudaha Itoobiya oo ay markii hore aad ugu jiciirteen. Sidaa awgeed, ciidamadii Balayax ka mid ahaa oo markii hore qorshuhu ahaa in marka tababarku u dhamaado lagu shubo jiidaha hore ee dagaalka, waxa markii ay ciidamadii Soomaaliya ka soo baxeen Itoobiya, lagu qayb-qaybiyey qaybihii iyo saldhigyadii Ciidamada, iyada oo urur walba meel loo bedelay balse ururkii uu Balayax ka
tirsanaa, waxa lagu reebay xeradii Hiil-weyne. Ragga ay Balayax isku urruka noqdeen, waxay u badnaayeen dhalinyaro laga soo ururiyey jeelasha oo dil, xabsidaa’in iyo sannado kala duwan oo xadhig ah ku xukunnaa,
kuwaas oo la doonayey in looga faa’iidaysto xaaladdii dagaal ee taagnayd. Sidaa awgeed ururkii Balayax, si adag ayaa gacanta loogu qabtay, waayo raggaa ayaa laga baqayaa inay baxsadaan, waxaana amar lagu
bixiyey inaan wax fakaag ah loo ogolaan. Ragga intooda badanina waxay ahaayeen dibjiro iyo qaar an ehel lahayn, sidaa awgeed waxa laguababiyey in aabaha keliya ee ay leeyihiin uu yahay Siyaad Barre.
Balayax, wuxuu noqday nin edeb badan, tababarkii la siiyeyna si fiican u qaatay oo laylyamay. Sidaa darteed,wuxuu noqday askariga xerada ugu dishibiliinka wacan. Sidoo kale, muuqaalka askarinimo iyo hanaanka diraysqaadka, ma jirto cid xerada joogta oo ku haysataa. Hal sanno, markii ay xeradii Hiilweyne ku dhamaysteen, Balayax iyo colkii ay isku ururka ahaayeen oo aanay intaa mar qudha xoriyad iyo maalin fasax ah, midna helin ayaa subixii dambe ururkii Balayax la qaybiyey, oo inba meel lagu tuuray. Hase yeeshee, Balayax wuxuu ka mid noqday koox xul ah, oo lagu qoray xero tababar oo la yidhaahdo Bali-doogle. Halkaas oo ay tababar hor leh looga bilaabay, waxayna xerada balidoogle ahayd, meel ragga la geeyo lagu siiyo carbis adag, si ay uga mid noqdaan ciidan aad looga baqan jiray, oo la odhan jiray kamaandaws. Ninkii Balayax, mar kale ayuu kow ka bilaabay carbis dab iyo naar ah, marka la eego xaaladda carbiska ballidoogle, carbiskii Hiilweyne, wuxuu ragga u ahaa caano iyo subag lagu marmarinayo. Jirabkii tababarku, wuxuu gaadhay heer ragga baarashuud la’aan diyaaradaha lagaga soo daadiyo. Laba sanno iyo badh,
oo cir alla ka dhashay ayaa Balayax, waaguna ugu beryaayey, gabalkuna ugu dhacayey, xerada gudaheeda, waxayna 24-ka saac ee habeenka iyo maalinta u ahayd, qac iyo baf, aan fakaag lahayn. Balayax, wuxuu carbiska la galay hurrin 120 nin ah. Hase yeeshee, waxa carbiskii ka soo baxay 60-nin, halka ay intii kale u qaybsameen wax jajabay, wax tababarkii ka maandawska ku dhacay oo xeryohoodii lagu celiyey iyo wax kuba dhintay, oo wadnuhu istaagay ama halbowle go’ay. Balayax, lixdanka hurrintoodii ka soo hadhay oo ahaa intii geed labka ahayd, ayuu nambarkow ahaa, wuxuuna noqday wiil xerada ballidoogle ka sheeggan oo caan ah. Balayax, waxay tababarkii ballidoogle, ku saaxiibeen nin Raage la odhan jiray, oo Reer Hargeysa ahaa. Raage, waxay Hargeysa isku yiqiineen nin Balayax walaashii qaba, taas ayeyna markii u horaysay isku aqoonsadeen.
Balayax, mudadii uu tababarka balidoogle ku jiray, waxa dalkii Soomaaliyeed ka dhacay isbedelo iyo dhacdooyin waaweyn, oo saamayn ku yeeshay arimihii siyaasadda, nabad gelyadii, shucuurtii dadka iyo jawigii nololeed. Waxaana ka mid ahaa, waxyaalihii dhacay inqilaabkii dhicisoobay ee kornayl Cirro, saraakiil la laayey, kacdoonno dadweyne
iyo dad rayid ah oo la xasuuqay. Waxa daciiftay awooddii taliskii Milateri ee Siyaad Barre Madaxda ka ahaa, waxa yimi tafaraaruq saameeyey meel walba. Markii ay ciidamadii Soomaalidu ka soo baxeen dhulkii Itoobiya laga qabsaday, waxa saraakiishii iyo ciidamadii Soomaaliyeed, soo food saartay mooraljab iyo tamar daro, taas oo keentay inay
ciidamadii Axmaaradu, ka soo talaabaan xuduuddii u dhaxeysay Itoobiya iyo Soomaaliya, oo ay qabsadaan meelo ka mid ah, dhulkii Soomaaliyeed sida Galdogob iyo Balanballe, oo ku yaal gobolada dhexe ee dhulkii Soomaaliyeed.

La soco qaybaha kale ee hadhay

Qormooyinkii hore halkan ka akhristo:

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Q:1aad &2aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Q:3aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Q:4aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Balayax Oo Nafta Ka Quustay Q:5aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Naxdintii Cudbi Ee Markii Ay Aragtay Jacaylkeedii Balayax – Q:6aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Cudbi Oo Gacanta Qabsatay Jacaylkeedii Iyo Werwer U Bilaabmay Hooyadeed

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – JACAYLKII Balaxyax Iyo Cudbi Oo Murugo Ku Dambeeyey