SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Balayax Oo Aabbihii U Qirtay Gabadha Uu Jecel Yahay – Q3aad

Shabakadda Jigjiga Online waxay si taxane ah idiinku soo gudbinaysaa mid ka mid ah sheekooyinkii ugu xiisaha badnaa ee Afka Soomaaliga lagu qoro.

Waa sheeko jacayl ah oo dhab ah, waxayna taabanaysa laba dhallinyaro Soomaaliyeed oo duruugo adag isku gedaameen hammigoodii wadaagga nolol ay ku riyoodeen, taas oo halis gelisay nafahooda, qisooyin xanuun badan, dagaallo, askarnimo, guur qasab ahba ay hadheeyeen.

Sheekadan xiisaha badan oo ay ku duugan yihiin waxyaabo badan oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliga iyo waaqaca noloshii jacayka aan saaxiibka u ahayd ee awowyaasheen, waxa qoray Axmed Cabdi Garas.

Qaybta 3aad:

Ma jiraan, waqtigaa waraaqo iyo telefoonno la isu diraa. Afkiisa mooyaane, af kalena amaano uma galo. Haduu doonaanla Cudbi Reerahooduna Balayax arkaan, lagama yaabo inay bixyaan, waayo Daanno weyn baa kala dhex miranaysa labada qolo. Hase yeeshee Balayax ma aha nin ka negaanaya meel kasta oo ay Cudbi joogto. Goodaad, markuu hurdada sardhadii hore iska rogay wuxuu arkay Balayax oo fadhiya oo dhulka xariiqaya, kadibna Goodaad, wuu yaabay, dabadeedna intuu soo sare fadhiistay ayuu yidhi “Aabo maxaa ku helay oo aad la seexan wayday”. Balayax hore uguma jawaabin odayga, ee cabaar ayuu aamusnaa, waxaana qalbigiisa ku soo dhacay ereyo gabay ah, oo uu dareenkiisa kaga turjumayo inuu guurdoon yahay, wuxuuna holladay oo yidhi tixdan gaaban

“waxaan aabo tebayee,
hurdada iga talowsiiyey,
waa taa gadhkii teedyar iyo
timo ka muuqdaane,
tu’yar oo halkeer joogta,
baan taab isleeyahaye,
jeeroon targaafaha ku tago,
teedka qudhacweyne,
timodheerta aan rabo
anoon tuuyo kula loolin.
Hurdo iima taallee,
maxaa adi ku soo toos-shay”.

Goodaad, markuu tixdaa gabayga ah, dhegaystay ayuu isaga laftiisu godladday, oo uu isna gabay ugu hal celiyay, wuxuuna yidhi:

“haddii Balayaxow timo yar iyo teedku kugu meero,
wiilyahow “Hadaad, telaledood gabadh ku taamayso,
inaan aabbo taban-taabiyaa waa tu waajiba’e.
Gaafkaaga inaan tiiriyoo, tiirsho garabkaaga,
taakulo inaad iga heshaa waa tu’aan rabo e
aabbo anigu waan kula tabciye qaado taladayda.
Taxaashkiyo hadaad tamashle guur, teedka sare gaadho
dumar kala taggane Balayaxow iga tilmaanqaado.
Kol hadday talaabada, sidii tugulo luudayso,
tartarada hadday muujisoy toban dhexqaadayso.
Tamar malaha oo waa mijo cas aad u taag darrane.
Aabow, ha tooyanin hadaad talo iwaydiisay”.

Markii ay Goodaad iyo wiilkiisa Balayax tixahaa gabayga ah is dhaafsadeen ayey Golaha timi arrintii odayguna la seexday, wiilkuna ka gam’i waayey, ka dibna markii ay sheekada cabaar gorfeeyeen, waxay isla garteen inuu Balayax guursado. Dabadeedna Goodaad baa yidhi “aabo shaydaan wax la yeelye, waxaad yeelaysaa, subaxa aroorta ah, laga bilaabo hawshii guurkaaga kabta u illo, salaadda horena baqool, reerkii iyo hooyadaana sii mar, Awrka madow ee rarayga ahna hogaan sudho oo iibso, ka dibna waxna magaalada kaga soo muraadso, waxna jiscin ka dhigo”. Balayax, inkasta oo aanu kaarku hawlyaridaa kaga ba’ayn, ayaa iyada oo ay hurdadu waxoogaa u yara dhadhamayso dhinaca dhulka dhigay oo yara laabandoodsaday. Ka dibna subixii intuu sibraar weyn caano ka dhaansaday ayuu baqoole cagaha boorimaystay, isaga oo waxoogaa jarmaado ah, ku dhuftay. Subaxaa Dhirta dusheeda waxa ku qotoma sayaxii aroornimo, dhulka oo gadiisuna waa dharab ciid qoyaan leh. Jaqaqarida iyo geed caleemeedka hawray Waxa dushooda ku qotoma dhibco biyo ah oo aad mooddo inay ilmo ka gobo leedahay. Hoostoodana waxa subka marab tigaada ka malan da’ay. Waxa dhulka ku gedfan.

Dhulka waxa ku gedfan qiiq midabka ceeryaamada leh, waxaadna dareemaysaa cimilo degan iyo jawi diirimaad leh. Kaymihii iyo Arladii tigaadda lahayd ee uu salaada hore dhex jibaaxayey, ayaa cidh-baha ilaa kubabka qooyey. Kadlaynta iyo kaynaan socodka Balayax wuxuu ahaa mid saayid ah. Dhul maalin socod lagu gaadho, ayuu Balayax u socday maalin gelinkeed. Markuu cagta soo dhigay jiiddii reeraha loogu tilmaamay ayuu jaanta yara dhimay oo sawaxanka degmada yara nuugsaday, kadibna wuxuu maqlay luuqda dhawaaq muddo dhegihiisa ka raagay. Waa cod Dumar oo naaxiyad leh, codkaas oo ay maqalkiisa si isdaba joog ah, hirarka laydhu isaga soo dabotuurayso. Dhawaaqaasi, wuxuu lahaa “Barranbarshaaleeyey, Buul shareeraay, ma maantaan bah kuu helay. Geedba geedka u dheer laga garaacyey, galool mudhay mulaaxdiiyey”. Balayax wuxuu markiiba gartay inuu codkaasi yahay gashaanti la dhalatay, oo walaashii ah. Taas oo wax ka luuq cuddoonayd oo markay afka kala qaaddo sida fardaha u dannani jirtay. In yar ka dibna wuxuuba soo gaadhay dudadii gurigooda, dababdeedna hore uma gelin Aqalka ee wuxuu ku leexday qudhac Damal ah, oo ku yaal duleedka guriga. Geedka damalka ah, waxa hoos fadhiyay raxan dumar ah. Waxayna dareerinayaan kebed samaynteeda farta lagu hayo. Kebeddaa oo ay unugtay gabadh ina Goodaad ahi, waxay ka mid tahay rarada loogu talogalay guurka iyo Aqal-galka Balayax.

Dabadeedna wuxuu Balayax salaan gacmo taabasho ah iyo bariido kalgacaltooyo ku dhameeyey rag iyo dumar, caruur iyo waaweyn, wixii dad gurigooda joogay. Goor ay cawaysinkii habeenimo tahay oo naylaha idaha loo dhigayo, ayuu Balayax Hooyadii Kor-dahab ku wargeliyey inuu aabihii Goodaad u ogolaaday inuu guursado. Hooyo Kor-dahab arintaa riyaaq iyo raynrayn bay ku ansixisay. Ka dibna Balayax iyo hooyadii Kor-dahab, waxay gudogaleen fallanqayn ku saabsan Reerkii lagu hagaagi lahaa iyo inanta la tuhmayaa, ta ay tahay. Hase yeeshee Balayax Cudbi iyo sidii uu u heli lahaa mooyaane, madoonayo inuu gabadh kale iyo sheeko kale waqti iskaga lumiyo. Balse Balayax kuma yaaliin carrab iyo labo Dibnood, oo uu ku yidhaahdo, waxaan doonayaa Cudbi iyo reerkooda. Haddii lagu maqlona, waa la dayrinayaa, waayo labada Reer dirir mooyaane, doonyeysi guur kama dhexeeyo.

Kor-dahab iyo wiilkeeda Balayax waxay wada fadhiyaan ardaa ku yaal qol-qolka oo ka garab dhisan Aqal-kooda. Kor-dahab, iyada oo wiilkeeda uurbaadhanaysa, ayey intay ku soo dhawaatay oo garabka midig gacanta ka saartay, waxay hadal kaftan ah ku tidhi “Hooyo, horta miyaanad hablaha la haasaawi aqoon, weli inanna afka ma u kala qaaday, oo ma lahaasowday, takale gabayada iyo maahmaahaha, sidee baad isku tihiin. Ilayn ninka ammuumiyaha ah, haweenku uma soo joogsadaan, oo waa tii hore loo yidhi Nin aan hadlin habartiina wax ma siiso’e”. ka dibna Balayax, intuu dhoola caddeeyey ayuu yidhi “Hooyo gabdhaha iminka joogaa ma maahmaah iyo gabay inay u baahanyihiin baad moodaysaa, waa loo gacan haadiyaa, oo way ku soo raacayaane”. Kadibna Kor-dahab, intay afka gacanta saartay ayey tidhi “waar aniga ha ii soo kaxayn, kuwaa gacan haadiska ku imanaya, sow hadhowna gacan haadis kale ku dhaqaaqi mayso, maxaad taa u odhanaysaa, hablo badan oo dhisan karaya, oo dhaqan karaya ayaa dhulka buuxee, miyaanad arag hablaha gashaantiyaha ah, ee reerkan agteenna ah bal orda oo intaad inaadeerkaa is-raacdaan gaadha, weliba buulyar oo gaar ahna way leeyihiin”. Markii ay Kor-dahab iyo wiilkeedu kaftan dhamaysteen, ayuu Balayax soo jeediyey in horta inta aanu gudo galin jiidaasha guurmeernimadiisa, uu u baahanyahay inuu magaalada u muraadsi tago, Awrna uu Reerka ka kaxaysto. Kor-dahabna arintaa hadal kama soo celin ee waxay tidhi qabuul. Balayax iyo Coolli, oo inaadeerkii ah, ayaa cawaysinkii ciyaar gud u baxay, ka dibna waxay afka saareen jihada Bari oo beesha mugeedu u badan yahay.

la soco…………………