SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Balayax Iyo Cudbi Oo Indhaha Isku Dhuftay Iyo Jacaylkoodii Oo Dafiraad Ku Dambeeyey – Q:11aad

Shabakadda Jigjiga Online waxay si taxane ah idiinku soo gudbinaysaa mid ka mid ah sheekooyinkii ugu xiisaha badnaa ee Afka Soomaaliga lagu qoro.

Waa sheeko jacayl ah oo dhab ah, waxayna taabanaysa laba dhallinyaro Soomaaliyeed oo duruugo adag isku gedaameen hammigoodii wadaagga nolol ay ku riyoodeen, taas oo halis gelisay nafahooda, qisooyin xanuun badan, dagaallo, askarnimo, guur qasab ahba ay hadheeyeen.

Sheekadan xiisaha badan oo ay ku duugan yihiin waxyaabo badan oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliga iyo waaqaca noloshii jacayka aan saaxiibka u ahayd ee awowyaasheen, waxa qoray Axmed Cabdi Garas (Maqaloocshe).

Qaybta 11aad:

Ninkii dhakhtarka ahaa, ayaa canaantay ninkii Balayax guriga soo tusay oo ku yidhi, “Nin dhimasho lagu tiriyey, ma aha inaad sidaa kadiska ah mar qudha guriga u soo daf siiso ee warkiisa ayaa la soo horaysiiyaa, oo iyadoo warkiisa la sii hayo ayaa guriga la keeno, waayo horaa loo yidhi, Farxaddi waa naxdin oo dad badan baa dunida farxad u dhintay ama shook qaaday”. Markii dadkii kale ka tegay, ee ay Balayax iyo dadkoodii isku soo hadheen, habeenkaas oo dhan reerkii farxad awgeed, cunto ma cunin, hurdana maledin. Markii ay asqadii farduhu 24 saac oo aan kala go’lahayn socotay, ayaa Balayax ka waramay siddii loo raafay iyo muddadii uu maqnaa wixii uu ku aadanaa, isagoo ka sheekeeyay duruufihii uu soo maray, waxaanay dadku ku dhegeysanayeen jawi xasiloon isla markaana ay si xun uga murugoodeen, jirabaada Balayax la mariyay. Iswaraysigii oo sidii u socda ayuu Balayaxna dhiniciisa ka waraystay xaalada dadkoodii, wax dhintay iyo wax nool iyo qof waliba waxa uu ku sugan yahay. Waxa kale oo uu si gaar ah u waraystay labadiisii waalid ee dhalay isha ay leeyihiin, intaa markii looga jawaabay ayuu dhab ahaan u waraystay shakhsigii uu warkiisa sida Cudbi, waxaana isla markiiba loo sheegay in sanad hore aad ka uga jeel qabay, oo ay aftidiisa tahay sarkaal Ciidamada ah, laba caruur ahna ay u leedahay.

Markii warkeeda laga dhargiyay, ayaa mar qudha wahab naxdin leh iyo dhogor madoobaan ninkii Balayax isla dhalan rogay wuxuuna af-dhabaandhow ku yidhi, “oo hadda xaggee ayay degan tahay?”, waxaana loo sheegay in ay degen tahay guri ku yaala xaafada shacabka Hargeysa, kaasi oo loo muujiyay hadda in aanay doondoonisteedu waxba ugu fillayn isaga Balayax oo markii uu ogaaday in Cudbi la guursaday damaca dumarba ka aguugay, taasi oo ula mid ahayd in dhamaan wixii dumar arlad joogay la wada guursaday, maalmo dhawr ah markii uu joogay magaalada ee uu baashiraada iyo booqashooyinka dadkooda dhex dabbaalanayay in kastoo isagu uu aad u faraxsanaa, haddana waxaa kolba qanjiidho murugo leh ku dhufanaysay xusuusta gabadhii Cudbi ee calafku kala walwaalay taasi oo uu maaro u waayay tab kale oo uu ku soo nooleeyo jacaylkii Cudbi, nin macag la noqday muddadii uu Hargeysa joogay ayuu Balayax ka codsaday inuu soo tuso barada ay Cudbi degen tahay, taasi oo ninkiina ka ogolaaday, goor fiid cawl ahayd ayay Balayax iyo ninkii kale isa soo raaceen oo soo raaceen baska taga xaafada shacabka ee Cudbi lagu qabo. Intii ay baska saarnaayeen, Balayax waxaa ku mudnaa jawi tashi badan oo aan wiilka kale la qabin, waxaana qalbigiisa ku soo burqanay oo uu isweydiinayay su’aalo ay ka mid ahaayeen tolow markaad is aragtaan maxaydun is odhan?, isagoo is tusayay sawiro ah, miyaydin isku dhegi doontaan?, miyaydun isku ooyi doontaan? Isagoo jeclaysanayay oo is tusayay filim ah iyadoo Cudbi marka ay aragto Balayax caashaqii hore la jibooto oo inta ay ku soo boodo xubi darteed ay ilowdo ninkii qabbay oo ay isaga soo raacday, waxaa kale oo uu is tusayay cabsida uu ka qabo askarta iyo khatarta kaga iman karta, nin sarkaal ah oo uu afadiisii damaaciyay.

Gabadha Cudbi iyada qalbigeeda saamayn kumuu reebin waayihii jacaylka Balayax, waxaanay xilligaas ku jirtay nolol aad uga fog tii ay Balayax isku bartee, waayo waxaa Balayax iskugu dambaysay iyada oo inan yar oo Reer miyi ah laakiin imika waa afo qabowsatay oo uu qabo sarkaal garbo guduudan, deggena guri fiilo ah oo kala jiidan oo rag iyo dumar badani nadiifintiisa iyo illaalintiisa ku mashquulaan, waxa kaliya ee ay ka fikirtaa Cudbi isu qurxinta ninkeeda, waxaanay dhegaysataa shagaxda dahabka tirada badan ee curcuradeeda ku jira, sidaas darteed ma xasuusato wiil yar oo ay baadiye isku jeclaadeen, bari fog. Balayax iyo Wiilkii kale baskii ayay kaga degeen meeshii gurigu ugu dhawaa, iyagoo kalsoonidu ku yar tahay, maarran waana aanu ka madhnayn.

Balayax, markii albaabka laga furay, ayuu hallacsaday Cudbi oo daaradda taagan dabadeedna indhaha ayuu aad ula raacay, ka dibna iyada oo ay indhihiisu aad ugu takhlan yihiin dhinaca Cudbi ayuu yidhi, “Waxaad ku tidhaahdaa, waxa ku doonaya Balayax” marka uu Balayax sidaa leeyahay Cudbi way maqlaysaa, oo daaradda ayey ka dhegaysanaysaa, laakiin fursad iyo xiiso badan uma hayso salaan iyo booqasho, waayo nolol kale ayey gashay. Hase yeeshee, ninkii askariga ahaa ayaa jawaabtii Balayax, dib ugu celiyey gabadhii Cudbi oo ku yidhi “Ninka ku doonaya Balayax baa la dhahaa, ayuu yidhi” Cudbi ayaa markaa tidhi “Balayaxaa-Balayax miyaanu ahayn, ninkii lawaayey ee geerida lagu tiriyey, xagee buu ka yimi, muxuu aniga ii doonayaa waar fursad uma hayo ninka waqtigan soconaya’e albaabka noo soo xidh”, ka dibna aqalkeedii ayay dib ugu noqotay. Ninkii Balayax markuu hadalkaa maqlay ayuu hoos u foorarsaday oo khajilaad la gabax yidhi, korkiisana waxa shax ka soo yidhi dhidid buurbuuran, waxaase intaa u dheeraa askarigii ayaa bahal hanjabaad ah ugu qaadqaaday, oo ku yidhi “Waaryaadha waa igaarada, guryo dad leeyahay oo aydaan garanayn ayaad iska soo gargaraacaysaan, waar fagoof yaan la idin xidhxidhine”. Ninkii Balayax oo awelba sas iyo cabsi ka qabey askarta ayaa naxdin la qaboobay oo sida barafka dhalaali gaadhay.

Balayax waxa la yaab ku noqotay oo uu liqiwaayey, sida ay Cudbi ula dhaqantay iyo dafiraadda ay kala hortimi. Hase yeeshee, hab dhaqanka qalafsan iyo jawaabta filan waaga ah, ee ninkii Balayax alla kaga keenay gabadhii Cudbi waxay naftiisa u noqotay xabbad kiniin ah, oo ka jebisa xummadii caashaqa ee haysay. Balayax oo ay ka guuxayso wadhidii maskaxdiisa caashaq ee haysay. Wadhidii meesha ka raacday ayaa ka soo hulleelay tibadday gurigii walaashii. Balayax wuxuu gurigii walaashii tegay iyada oo ay dad ku urursan yihiin, oo buuq ka jiro dadkuna naxdin la yool-yoolsan yahay Balayax waydiiyay waxa dhacay waxaana Balayax loo sheegay inay guriga baadheen askar koofiyad cas ah, oo isaga doonaysaa, waxyar ka horna uu guriga hortiisa ka dhaqaaqay gaadhi ciidan ahi.
Dareen naxdin leh iyo yaacyaac, ayaa xaafaddii Balayax walaashii ka abuurmay, waxaana Balayax lagu soo qariyey xaafad kale oo reerahoodu leeyihiin. Dabadeedna habeenkii ayaa laga tashaday Arrinta Balayax, waxaana la go’aansaday in magaalada laga saaro. Waxa la isla soo qaaday in reerkii miyiga loo diro, balse waxa laga baqay inay Ciidamada Itoobiya ee xuduudka joogaa qabtaan oo moodaan Askari Ciidamada Soomaalida wax u basaasaya, dabadeedna xagga reerka miyiga waa lagala walaacay, magaaladiina laguma hayn karo, balse waxa aakhirkii la go’aansaday in Djibouti loo diro. Subaxnimadii ayaa ninkii Balayax loo lebisay dhar dumar, ka dibna inta diric, googarad iyo foodad jiq lagu siiyey ayaa gaadhi Djibouti u socda la saaray, waxaana raacday islaan eedadii ahayd. Intii ay ku sii jireen jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Djibouti, Balayax wuxuu ahaa gabadh dheer oo madow, oo weliba dhego la’ sidaa ayuuna kaga nabad galay askartii koontaroolada fadhiday, hadii kale judhaa dhab la siin lahaa, waayo taarkiisuna meel kasta waa yaalay, wejigiisana judhaa la garanayaa inuu askari baxsad ah yahay.

Balayax iyo eedadii goor caweysin dambe ah, ayey galeen magaalada Djibouti. Dabadeedna waxay ku degeen xaafad ay qaraabo fog yihiin, waxa ku noolaa dad badan oo hurdadu cidhiidhi bay ahayd, weliba qol walba dumarbaa jiifay oo ragga way ku hurdo xumayd. Hase yeeshee, xaafad kale magaalada kamay garanayn sidaa awgeed xaafadoodii ayey iska cidhiidhsadeen. Balayax wuxuu la seexday laba wiil oo kale meel daarad ah, seexda habeenkii aroortiina goor hore ka toosa. Labada wiil ee kale suuqooda ayey xulaan, oo habeenkii uun bay soo hurdo tagaan, laakiin Balayax ma garanayo meel kale oo aan gurigan ahayn, sidaa awgeed kaabad albaabka guriga ku taal ayuu maalin oo dhan fadhiyi jiray, habeenkiina daaraddiisa ayuu dib u soo jiifsadaa. Balayax, magaalada Djibouti ee uu joogaa ma ahayn meel uu iyada lafteeda beri ku yahay waayo jaandaaranka Djibouti ayaa dadka, wixii aan sharci lahayn, waagii beryaba raafaya oo Soomaaliya dib ugu celiya, mana garanayo meel kale oo uu uga gudbo, takale hadii uu meel uun afka iska saari lahaana mahaysto wax aduun ah oo uu ku jidmaro, halkii uu u dhashayna isaga oo aan cidna dhagar ka gelin, waatii ay dantu maryo dumar u gelisay ee cir iyo dhulba loo diiday. Balayax, malahayn wax balwad ah wuxuuse aad u jeclaa shaaha.
Dhinaca dad dhexgalka iyo sheekadana wuxuu ka ahaa ammuumiyaha la sheego, haasaawe iyo sheeko dumarna Cudbi ka dib, dibnaha uma kala furin, wuxuuna maalintii waqtiga ku dhamaystaa hadh-qoodalka guriga uu daaradiisa jiifsado. Guryaha Djibouti, waxay muunadoodu ku xidhan tahay hadba shaqada qofku haysto, oo hadii uu qofku shaqo hayo rinji baa guriga lagu subkaa, hadii qofka shaqadu ka dhamaatana gurigiisa dushiisa ayaa laga gartaa inuu qofkaasi camal la’yahay. guriga ay Balayax iyo eedadii ku degeen, wuxuu ka samaysan yahay jiingad iyo loox, waana guri dul abaar ah, oo uu qofka arkaa iska garanayo inuu qofka gurigan lihi shoomeer (bilaa shaqo) yahay. Maqsinada guriga, waxa sida waadhka u jiifsada xaawalay ciiddaa ka badan. Sidaa awgeed, Balayax daaradda uu jiifsado iyo kaabadda albaabka hore iyo dib midna uma dhaafo, waxaana kabjarta ka dhigtay joog-joog xumo iyo xaalad cidhiidhi ah.

Balayax, wuxuu markii uu muddo joogay isku deyey, inuu camal doondoono, oo albaabka hore u dhaafo, balse xirfad magaalo waxba kama yaqaan, oo sooyaalka noloshiisa waxba uma dhexayn Xero geel iyo xero askareed. Balayax mudadii uu tababarka askarinimo ku jiray, wuxuu si fiican u bartay qoraalka af-soomaaliga, sidoo kale nambarada xisaabtana wuxuu ku qori jiray far qaloocan takale boodh kasta oo wax ku qorran yihiin iyo xaashi kasta oo wax ku qorran yihiin, wuxuu isku hawli jiray inuu akhriyo. Balayax, maalintii dambe ayuu bilaabay inuu ku lug daro labadii wiil ee ay daaradda wada seexan jireen, wuxuuna subax walba suuqa uraaci jiray mid ka mid ah labadii wiil. Wiilka uu Balayax raacaa, wuxuu maryo huudhaydh ah ku iibiyaa meel u dhow waddo baabuurtu marto, Balayaxna
huudhaydhka ayuu wiilka la iibiyaa, maalmaha qaar ayey askarta Djibouti suuqa ku soo figaasaan, oo ay maryaha huudhaydhka ahna kala qubaan, qolyaha iibinayana waa la raafaa. Hase yeeshee, Balayax aad buu uga feejignaa in inta la qabto dib loogu masaafuriya Soomaaliya. Balayax, waxa tartiib-tartiib uga sii hadhaysay diiftii iyo darxumadii uu ka dhaxlay, askarinimadii iyo waayihii uu soo maray, aakhirkiina intuu xuub dhacsaday oo labeeni martay ayuu dib u soo noqday shacnigiisii. Dhinaca kalena marba marka ka dambeysa, waxa u sii kordhayey il magaalo, wuxuuna in doora ka fahmay shuqulka magaalada iyo sida loogu noolaan karo. Wuxuu wadaba, wuu durugsaday, wuxuuna ilaalka ka hooyey iibinta dharka iyo dus-duska suuqa. Wuxuu noqday nin aamin ah oo aanu qofka bartaa weligii ka xiiso goynayn. Balayax, inkasta oo uu magaaladii aad u dhex galay waxbadana kala qabsaday dhaqanka iyo nolosha magaalada, hadana marqudha kuma daqaqamin balwadaha ay dhalinyarada qayrkiisa ahi, sida duqsi fuud (maraq) arkay ugu daateen. Balayax, aakhirkii wuu ka dalacay huudhaydhkii, wuxuuna u wareegay iibinta dharka cusub, oo inta uu soo iibiyo waxoogaa mushqaayad ah laga siin jiray, ka dibna mushqaayadihii la siin jiray ayuu urursaday, wuxuuna aakhirkii noqday nin iskii wax u iibsada, isaga oo hadba waxoogaa dhar ah, oo ka sii dabo macaasho mac-daarada waaweyn ka soo iibsada. Balayax, wuxuu markii dambe ku caan noqday iibinta dharka haweenka, isaga oo dharka dumarku xidhaan la meeraysan jiray suuqyada magaalada iyo suryooyinka xaafadaha Djibouti, waxa inta badan waxka iibsan jiray dumarka guryaha jooga iyo gabdhaha adeegtooyinka ah, ee xaafadaha u shaqeeya. Balayax, waxa mararka qaarkood, ku dhici jiray inay gabdhaha xaafadaha u shaqeeyaa ka amaahdaan duruuc ama garbo saaro, dabadeedna markuu maalmo ka dib isyidhaahdo lacagta u doono, ayaa markuu guriga yimaado loo sheegaa inay shaqadii ka tagtay, balse in kasta oo lacago yaryar lagala tegi jiray, hadana kuma khasaari jirin, ee marba qadar macaash ah ayuu ka heli jiray.

la soco qaybaha kale ee hadhay

 

Qormooyinkii hore halkan ka akhristo:

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Q:1aad &2aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – 

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley 

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Balayax Oo Nafta Ka Quustay 

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Naxdintii Cudbi Ee Markii Ay Aragtay Jacaylkeedii Balayax – Q:6aad

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Cudbi Oo Gacanta Qabsatay Jacaylkeedii Iyo Werwer U Bilaabmay Hooyadeed

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – JACAYLKII Balaxyax Iyo Cudbi Oo Murugo Ku Dambeeyey

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Balayax Oo Afka Uga Galay Ciidamadii Siyaad Barre Iyo Cudbi Oo Hargeysa Ku Luntay 

SHEEKO JACAYL AH: Shandaranley – Balayax Oo Qarax Lala Beegsaday, Ciidankii La Socday Oo La Laayey Iyo Nolosha Oo Uu Quustay