SHEEKO JACAYL AH: Shandaranlay Q:4 – Balayax Iyo Libaaxii Oo Is Helay

Shabakadda Jigjiga Online waxay si taxane ah idiinku soo gudbinaysaa mid ka mid ah sheekooyinkii ugu xiisaha badnaa ee Afka Soomaaliga lagu qoro.

Waa sheeko jacayl ah oo dhab ah, waxayna taabanaysa laba dhallinyaro Soomaaliyeed oo duruugo adag isku gedaameen hammigoodii wadaagga nolol ay ku riyoodeen, taas oo halis gelisay nafahooda, qisooyin xanuun badan, dagaallo, askarnimo, guur qasab ahba ay hadheeyeen.

Sheekadan xiisaha badan oo ay ku duugan yihiin waxyaabo badan oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliga iyo waaqaca noloshii jacayka aan saaxiibka u ahayd ee awowyaasheen, waxa qoray Axmed Cabdi Garas (Maqaloocshe)

Q:4aad

Qoodh iyo xero, markii ay sawaxanka Reerka ka libdheen ayey geed cufan dugsigiisa fadhiisteen, dabadeedna waxay sanqadh dhegaysteen sacab iyo sawaxan ciyaareed. Dhaqdhaqaaqii ayey joojiyeen, dhegahana laydha ayey la raaceen, cida adhyaha, qaaqda orgida qooqan, dananka Naylaha iyo sawaxanka xoolaha ee hareerahooda ka baxaya ayaa cabaar dhegahooda mashquuliyey. Hase yeeshee, waxoogaa ka dib, waxa dhegahooda ku soo
dhacay codka iyo ciyaarta saarayda la yidhaahdo, oo meel daaqsin Geel jirta ka balwanaysa, kadibna markii ay hubsadeen inay ciyaar tahay ayey labodooduba, halmar yidhaahdeen “walaahay waa baxaysaa”. Kadibna inta la kaakacay oo afka la saaray jihadii ciyaartu ka baxaysay ayaa dhababaco dhegaha la nabay. Kadle iyo kabti, waxay kaymaha cufan ku sii dhex jibaaxaanba, oo ay dhawaaqa iyo jiibta ciyaarta, kolba laydhu ku beerqaaddo, waxay ku soo baxeen golihii habeenkaa ciyaarta saarayda loo butaystay oo laga weegaaray kax banaan. Waa afar iyo tobnaad, intuu dayaxu mudh iyo gacan iska dhigay cirka xuduntiisa isku beegay, oo ay falaadhaha iftiinkiisu, arlada dharaar ka dhigeen. Waxa gigida ciyaarta
isku arkay dhalinyaro jibbada iyo balwadda ciyaarta saarka u suuqmay oo ka soo kala dareeray guryo caanaha gadhoodhka iyo Maydhanaanka ahi furarka ku qotomaan, ciirtana la daadiyo. Golaha ciyaarta, waxa sida faraawilka ugu heemaallan qaanso gabdho ah, oo intay sararta iyo garbaha isa saareen, raxlada jaanta iyo kaga dayaaminaya, oo aad jaanqaadkooda
moodo mowjado badeed oo haraaciyaya. Intaa waxa dheer, luuqda sida fardaha u dananaysa, iyada oo aanay marna isla waayeyn jaanta cagta, jiibta codka iyo jamaldhowga sacabka.

Waxa Golaha Ciyaartan saarayda ka dhex haloosiyaya wiilka qalambaawiga ah, ee markuu ku dhufto hoobayda, ay luuqdiisa gabdho daayoo, islaamaha tukubaha sitaa usha soo qaataan, waa qawdhan yare waa marka ay xaraaradu cirka gaadho ee ilma ciyaar yaqaan usha lagu kala hore. Balayax iyo coolli, markii ay ciyaarta qoobka ge.liyeen, waxa dhexdooda ka rablaysay timo dheer gabadh ah, oo agmarkeeda naftu ku raaxaysanayso, guudkeedana
sumbulo ka duulayaan, lamase aqoonsan reerka ay ka soo baxday ama ay ka soo cayaar guddey!. Balayax oo Eebe hibo u siiyey luuq baxsan oo marka uu ciyaarta ku qaadayo hablaha sida caanaha ciirta loo lula u lusha, ayaa ciyaarta jeeniga geliyay, oo ku dhuftay luuqdiisii coddoonayd, waxaana erayadii uu ku dhawaaqayey ka mid ahaa “Hoobey, hoobey, hablow weli qaadka maan baran, ragga qaayib iyo laan, qolmadoobe iyo hawd, qawl
daajiyaan ahay, caawadan qudheedana, anigoo maryaha qubay, qab idhoon hurdada ledday, ayaa qaraxa sacabkiyo, qalaadkiinu ii baxay. Hablihii Qaali iyo Qamar, qorshe iyo ugaaso cad, qalbigaa idin doortee, qaayibaay, nabad ma sheegteen qoyskiinu waa kee?” Ka dibna markuu Balayax intaa yidhi, waxa u jawaabtay Bullo gabadh ah oo tidhi; “Caliyow, inaadeer, ciddu way nabdoon tahay, colka dhiigga daadshiyo, caarodhuubi may dhicin, cudurrada wax laayiyo belo culus ka yaasiin”, gidiga habeenkii waxay dhalintu jiibta iyo sacabka isu baacisoba, markii uu waagu hoosta ka soo guduutay ayaa lagu kala dareeray ciyaartii.

Goobtii Dirrida ahayd na waxay u ekaatay gel-gelin boodh leh, cago habaas leh, ayaa lagala dareeray. Habluhu iyaga oo koox koox ah ayey intii isku degsiimo dhawaydba jihadii guryahoodu ka xigeen u dhaqaaqday. Hase yeeshee, raggu, ninna ma aadin jihadii gurigoodu ahaa ee nin waliba wuxuu ka dabo dhaqaaqay gabadh meel martay, si uu inta yar ee habeenka
ka hadhay, ereyo ula gaadho. Balayax iyo Coolli, waxay jaqaftii horeba feedha ka raaceen afar hablood oo meel wada maray. Afarta hablood waxa ka mid ah, gabadh la yidhaahdo Canab, oo ay Collaadda ka hor isku ogog lahaayeen Cudbi. Labadii wiil, waxay soo qoortaanba waxay gabadhii Canab ku soo gaadheen dugsi u dhow gurigooda, ka dibna halkaas ayey Balayax iyo Canab, waxoogaa isku muteen, markii waxoogaa jikaar iyo haasaawe dhalinyaronimo oo googoos ah, la isu dhiib-dhiibay ayaa aakhirkii Balayax badheedhihiisa dhiibtay wuxuuna ku tiraabay “Inanyahay waxaynu joognaa xilli xun, waynuna daallanahay, muraadka ugu badan ee caawa ikaa soo raaciyey, waxa weeye, waxaan warkeeda doonayaa inantii Cudbi ee kal hore sheekadu noo socotay, maxaad war iyo wacaal ka haysaa, reerkoodiise meel uu yaalo ma garanaysaa”.

Canab intay hogatay oo dhexdeeda madagta ah, gacanta ku cuskatay ayey tidhi; “Horta inanta aad iwaydiinaysaa ismaan lahayn, way isu baadiyoobaan, waxaase igu maqaalo ah, inuu reerkoodu ka mid yahay beesha degan idhanka xuunshaale, inankoodii weynaana, Colaadii dhowayd ayaa gaade lagu dilay, balse ismaan lahayn Balayax waxbaa ugu baaqi ah, Cudbi
iyo reerkooda, iminkana waan hoyanayaaye, Alle baadida hakuu soo dhoweeyo”.

Balayax wuxuu tashigiisii maalintaa ku gaadhay go’aan adag, oo qof dookh caashaq la ibtiloobay mooyaane, qof kale jar iska xoornimo ula ekaanaya. Wuxuuna go’aansaday wax kasta hakala kulmee, inuu subaxa aroorta ah, afka saaro jihada ay Cudbi ka xigto. Sidaa awgeed awrkii uu sayladda Hargeysa ku waday wuxuu kaga tegay Reer Tuulada uu u hoyday agyaal oo ay qaraabo ahaayeen, wuxuuna ku yidhi; “Awrka seeto adag ku xidha beertana
ha daaqo, labo habeen baa idinka maqnahaye”. Ka dibna wuu dhaqaajiyey, socodkiisu wuxuu ahaa mid jar iska xoornimo ah, oo uu ku beegsanayo halka ay degan yihiin Cudbi beeshoodu, “Nin Cudbi ka maqan tahay dhiirranaa” ayaa qalbigu ku xanshaashaqayay, jidka uu marayaa fogaa oo cabsi badanaa, Balayax wuxuu afka saaray ay jiq ah, oo ay kaga horeeyaan dad cadow u ah, oo hadii ay arkaan aan bixinayn, waxa kale oo ka horeeya cadow dugaag iyo kaymo libaaxu awda ka hayo, iyada oo aarka kaymahaa jamal dhabanayaa ka badan yahay ayaxii wartimire, balse Balayax, waxaasi uma muuqdaan oo arinkiisu waxa weeye “Nin meeli u caddahay, meeli ka madow”, cidna talo ma waydiin ee hortaa banaan buu isaga dhaqaaqay.
Baxdo iyo dhacdo, gidiga maalintii wuxuu ku jiray gucle iyo talaabadheer fadalku dabo yaalo, xiiq tirashona iskuma deyin, degsiimadu waa kala go’an weliba col joogeen ah, halka uu ka yimi iyo halka uu ku socdo dab uma dhexeeyo, wuxuu fadliyaba goor habeen badh ah, ayuu hulaabtay go’ madow oo uu tuurta ku sitay, halkaas oo qiyaas ahaan kala badh ah halka
uu ka yimi iyo meesha uu ku socdo, waxaana weeye kayn cidlo ciirsila ah, oo ay sabaana nuux dad iyo duunyo ugu dambaysay.

Habeenkaa ciyawoga wiiqda haya, jiriqaaga dhiidha haya iyo sawaxanka shimbiraha hareerihiisa ka shallaadaya ayaa wehel u ah. Balayax, habeenkaa socodkii kama jimcin, wuxuu ku talo jiraa inuu nuska hore ee habeenka ka gudbo soohdinta libaax galeenka badan. Balayax, ma ahayn nin fulinimo lagu yaqaan, oo libaaxa ka baqa, habeenkaana wax hub ah, toorri buu sitay farolaabna waxa u ahayd, dhenged baarka hore feedhan. Waayo sida uu socdaalka ugu doqomaysan yahay ayuu hubkana nacas ka yahay. Libaaxa meesha uu marayo ku nooli, wuxuu libaaxyada jiidaha kale, ku nool dheeryahay waa Libaax dhadhamiyey hilib dad, oo wuxuu ku hororoobay colaado ka dhacay jiiddaa, oo uu hilibkooda cunay maydadka, raggii ay iska laayeen labada Col; Balayax, wuxuu saqda dhexe jeerrinka iyo qansaxa jilibka ku dhuftaba, mar qudha ayuu meel dhabarkiisa ku beegan, kamaqlay sanqadh iyo ci siba’an u hanqaadhaysa, ka dib ninkii Balayax, waxa kor iyo kal isku jebisay jidhiidhico ba’an dareen cabsiyeed ayaa isku gadaamay, xaadda jidhkiisa ayaa isla oogsatay, xubin kasta oo jidhkiisa kamid ah, waxa siidhi ku wargeliyey dareenka cabsiyeed ee saaqay. Kubabka ilaa gacmaha waxa ku baahay firka nax cabsiyeed, garaaca wadnihiisa ayaa feedha bidix ka rugle, garray wuxuu inuu libaax yahay. Mar kale ayuu maqlay sanqadh tii hore ka yar oo u dhawaaqaysa
(Fuu-Fuuf-Fuuf). Waxa weeye aar Libaax oo raadkiisa sanka la raacaya, waa bahal mamay oo uu hilibka dadku u soo hillaacayo. Balayax, cabsidii ayaa ku siikorodhay, ka dibna orod buu miciinsaday, libaaxii awelba orod buuku jiree, isna wuu eryaday.
La soco…

Qaybtii saddexaad halkan ka akhri