SHEEKO JACAYL AH: SHANDARANLAY – Q:1aad

Shabakadda Jigjiga Online waxay si taxane ah idiinku soo gudbinaysaa mid ka mid ah sheekooyinkii ugu xiisaha badnaa ee Afka Soomaaliga lagu qoro.

Waa sheeko jacayl ah oo dhab ah, waxayna taabanaysa nolosha laba dhallinyaro Soomaaliyeed oo duruugo adag isku gedaameen hammigoodii wadaagga nolol ay ku riyoodeen, taas oo halis gelisay noloshooda, qisooyin xanuun badan, dagaallo, askarnimo, guur qasab ahba ay hadheeyeen.

Sheekadan xiisaha badan oo ay ku duugan yihiin waxyaabo badan oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliga iyo waaqaca noloshii jacayla aan u saaxiibka ahayd ee awowyaasheen, waxa qoray Axmed Cabdi Garas.

Qaybta 1aad:

Waxay ahayd goor gabbal dhac ah. Waxa godka shalam tidhi cadceedda oo baradho u eg, kana gondo degtay oo caraabeheeda ku sii gelbiyey lingaxa falaadho sagal guduud ah, dhulka laftiisa ayaa gucumada sagalka cirka ku sharfay lingaxa galbeedna kaga suntay hariiryo sidbaaq guduudan.

Xilligu waa diriradii gu’nimo, oo ay laamaha dhirtu si layaab leh u leeg leegsanayaan, cosobka tabaadi noqday caleentuna hawrtay ayaa dhulka cadrisay. Jihada bari waxa dhirta baarkeeda ka soo fuuray dayax dhool qarsaday, oo ka run sheegay suuradda lagu yaqaan bil saddex iyo toban jirsatay, waana bisha loo yaqaan candhoqoys. Waxa isna i arka yidhi xiddigga Xamar islegdey oo aalaaba xili roobaadka isku beega xundhurta cirka. Raxan raxan caraabe ah, oo baalaley ah ayaa mashquul ka dhigtay jiho kasta oo aad eegto. Ugaadha cawo darranta ka leedaynaysa iyo duurjoogto kala nooc nooc ah ayaa hareeraha ka dhaafaysa oday goodaad oo Salaad maqrib ku tukanaya bog-cad burciid xallani ku goglan tahay.
Oday goodaad salaamad-naqsi ka dib markii uu geesta bidix jaleecay ayuu isha ku dhuftay nirgo dayrcad u badan oo afdhuubyaalaynaya meel qoor ah, waxaana ugu horeeyey qurbac midabkiisu yahay madaw bacad ah, oo intuu kurusku yuubmay nirgaha la shamal qaadaya neecowda macaan ee burcada lebihawle. Goodaad oo aan weli ka kicin fadhigii salaadda, waxa kayn yar ee oo u dhow qoorteeda kaga soo mudhyidhi wiilal yaryar oo go’yaal ka waaweyn iyo hadhuub gaalo degta ku sita. Mid ka mid ah wiilashii yaryaraa ayaa markiiba gartay koofiyadii goodaad, ka dibna xagiisa u soo cararay isaga oo ku dhawaaqaya “Alla waa aabahay” wiilka yar soo cararay, waa runtiiye Duqu waa aabihii waxay aabihii goodaad ismooganaayeen intii geedaha gu’ la cunayey oo gaadhaysa muddo bil iyo dhowr caanomaal ah. Goodaad waa oday dhako subagle ah, ganka cadina ku cusubyahay, wuxuuna salaaddaa maqrib ee uu halkaa ku tukanayey usha ka soo dhigay socoto hal maalin ah, oo uu kaga yimi reerkiisii. Goodaad, wuxuu denbaabaa Reer weyne dad iyo duunyabo buuxa, wuxuuna leeyahay labo ooryood, labadiisa aqalna kebduhu marna kama madoobaadaan ee goor walba sidii geed saarbay uga lushaan.

Goodaad bahdiisa weyni, waa guri ay joogaan hablo nacfi badan oo aan qabyada rarada isu dhiibban ee ay midwaliba gu’ga iyo jiilaalka dhowr harrar baarka ka goyso, markaa kaalay arag inta caws duuban ee dhowaan baarka loo tidcay ama loo jebiyey, raradu waa nooc-banooc, shanle, toddobaadle, googoos, waaxyaale, isku joog iwm. Sidookale goodaad bahdiisa yar, udbaha iyo loolka sibaaqu kama dhamaado, iyada oo ay labada bahood, bah waliba leedahay kadin Adhi ah, oo aan meesina-meesi lagu darin, ee mid walba gooni loo raaco. Goodaad, maalintii uu Reerka ka soo socdaalayey, wuxuu la soo ballamay min-weyntiisa oo la yidhaahdo kor-dahab, wuxuuna ku yidhi “naa hooy, xagaa iyo geelashii ayaan u socdaalayaaye, intaan maqanahay reerka dayaca ka siiraba, Awrka rarayga ah ee qooqanina yuu geelasha raacine dabarkaa la ogaada, wananka sumallada ahna shakaalka la ogaada yaanay idaha sumal xaddine. Marwo kor-dahab markii ay si dhug leh u dhegaysatay hadalka saygeeda ayey u diyaarisay anfacadii uu ku safar geli lahaa, waxayna badhax ugu shubtay
sibraar, hilib sollay ahna waxay ugu riday kiish, ka dibna intay kabaha subag u marisay ayey sahaydii u sudhay sammayda warranka, waxayna ku tidhi “Alla haku nabad geliyee degsiimadu way kala go’antee haddii aad caawa ka dhaxdo xerada geela kiishkaa gacanta geli, dhulkana libaax baa lagu sheegaaye, jaylaaniga qabso, waataynu shaadaligiina karinaye”.

Markii ay kor-dahab intaa tidhi, ayuu goodaad ku yidhi nabadgelyo, ka dibna wuu dhaqaaqey intuu kabtii suunka u xidhay, warrankii oo labo shaysammayda u sudhanyihiinna degta saaray. Balse kor-dahab, mar kale ayey hadal ka dabatuurtay, waxayna tidhi “inanka balayax wuu arraddanyahay ee magaalada u soo dir callalo haka soo iibsadee”, ka dibna waxay cabbaar sii milicsatay jaanqaadka goodaad, iyada oo qalbiga is kala sheekaysanaysa, isuna miisaamaysa oo is barbardhigaysa faraqa u dhexeeya talaabadii uu fadlin jiray ayaamihii aqal galkooda iyo maalintaa oo soddon gu’ laga joogo aqal-koodii.

Talaabada goodaad ee is dhintay, kor-dahab kuma darin qiimaynteeda gabow, laakiin waxay wax ka saartay maydhan oo ah, dangaladeed oo uu goodaad kaga gogol cusbaa, walow minyarada lafteeda aqal-galkeedii waqti badani ka soo wareegay. Kor-dahab, waxay weli baaqi ku tahay fir-kanax masayr, oo markasta oo ay jaleecdo Aqalka tusmada bidix ka xiga, waxa wejigeeda ka sindhiidhijiray curfi hinaase. Hase yeeshee inkasta oo uu curfiga hinaasuhu kor-dahab, kaga naxsan jiray, hadana cabbaar ka dib, labada dumar ah, ee isu dangallada ahi, waxay ahaayeen heshiis sheeko wadaagna way ahaayeen. Oday Goodaad, socdaalka dhinaca geela laba qisdi ayuu ka lahaa: inuu danbarka geela dhalay isku soo dacar bixiyo iyo inankiisa currad oo doob ah, bahda kor-dahabna ah, inuu ku hiyi geliyo arin guur. Markii uu salaadda maqrib dabadeeda ducaysanayeyna wuxuu qalbiga ka lahaa Ilaahow gabadh khayr qabta ayaan kaaga baryayaa wiilkayga. Goodaad, markii uu salaadda maqrib ka baxay waxa bogcaddii uu ku tukunayey isku soo tuuray wiilkiisii yaraa ee ku soo cararay oo aad ugu faraxsan.

La soco qaybta 2aad