Shacabka Jigjiga Oo Ku Jahawareersan Dayr Lagu Wareejiyey Dawladda Hoose Ee Magaalada Oo Wajahaddii Laga Xidhay

Jigjiga (JigjigaOnline) – Labadii toddobaad ee ugu dambeeyey, waxa shacabka magaalada Jigjiga ay aragtiyo kala duwan ka bixinayeen dayr laga bineeyey wajahadda Dawladda Hoose ee Magaalo Madaxda DDS.

Dayrkan ayaa waxa uu xidhayaa wajahaddii hore ee Dawladda Hoose, taas ka dhigan in albaab dambe ay dadku kasoo geli doonaan.

Sida uu u yaallo dhismaha Dawladda Hoose, waxa uu haystaa waddada halbowlaha ah ee magaalada, waxaana ay dadku si toos ah uga geli jireen albaabka hadda dayrka lagu xidhay marka ay kasoo degaan gaadiidka ay saaran yihiin amaba ay lugta ku yimaaddaan.

Ma jiro war rasmi ah oo Mayorka iyo masuuliyiinta kale kasoo saareen dhismahan, hase yeeshee dadka ayaa ku qasbanaan doona inay kasoo galaan albaab dambe, laakiin dhismaha deriga ayaa fool xumo badan ku keenaya bilicda magaalada iyo xaruntaba.

Masuuliyiin ka gaabsaday in magacyadooda la sheego oo ka tirsan dawladda Hoose ee Jigjiga ayaa waxay warbaahinta Jigjiga Online u sheegeen in sababta darbigan loogu wareejinayo xaruntu ay tahay mid la xidhiidha ammaanka oo loo samaynayo hal meel oo kaliya oo laga soo galo.

Inkasta oo masuuliyiintani aanay sheegin khatar amaan oo ay dareemeen, haddana waxay xuseen in albaabka laga geli doono Dawladda Hoose la dhigi doono ilaalo baadhitaan ku samaysa dadka gudaha u gelaya xarunta ee shaqo maalmeedka u socda.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka magaalada ayaa baraha bulshada kaga falceliyey dhismahan, waxaanay inta badan ku doodeen in fool xumo loo geystay magaaladii, isla markaana ay habboonayn in kharashka ku baxaya dhismaha ay ahayd in lagu bixiyo nadaafadda magaalada oo meelo badan uu tuulan yahay qashin.