SAWIRRO: Abwaan Sangub Oo Si Heer-Qaran Ah Loogu Aasay Jigjiga

Jigjiga (Jigjigaonline) – Waxa magaalada Jigjiga ee Dawladda Deegaanka Soomaalida lagu aasay Allah haw naxariistee, Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub) oo Salaasadii ku geeriyooday magaalada Addis Ababa.

Aaska Abwaan Sangub ayaa waxa kasoo qayb-galay Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Wasiirro ka socda Somaliland, Somaliya, maamul goboleedka Jubaland, Djibouti, Abwaanno, Fannaaniin iyo dad kale oo magac ku leh Soomaalida dhexdeeda.

Aaska oo ka dhacay xabaalaha Gidhibka, ayaa waxa meydka kasoo dejisay garoonka diyaaradaha magaalada Jigjiga ee Garaad Wiilwaal, halkaas oo masuuliyiin iyo shacab tiro badan ay ku sugnaayeen.

Markii laga soo dejiyey garoonka ayaa waxa loo sameeyey maamuus heer qaran oo ay ciidamada Boolisku salaanta geesiyaasha ku sagootiyeen.

Hool weyn oo ku yaalla Madaxtooyada Dawladda Deegaanka ayaa markii garoonka diyaaradaha laga soo baxay ay iskugu tageen madaxdii, abwaannadii, fannaaniintii iyo marti-sharaftii kale ee aaska Marxuum Abwaan Sangub ka qayb-galay, waxaana halkaas hadallo ka jeediyey Abwaanno, Fannaaniin, Inan uu dhalay Abwaan Sangub iyo Xaaskiisii.

Intaas kaddib waxa Meydka loo qaaday Xabaalaha oo dad tiro badan ay barxad bannaan ku tukadeen Salaadii Jimcaha kaddibna Salaaddii Jinaasada, halkaas ayaana lagu aasay.

Madaxweynaha DDS, Wasiirka Duulista Somaliya, Wasiirka Biyaha Somaliland, xildhibaano iyo abwaanno ayaa xabaasha dusheeda ka jeediyey hadallo ay dhamaantood ku qireen qiimihii uu Abwaan Maxamuud Ciise Sangub ku lahaa guud ahaan umadda dhexdeeda.

Khudbadihii laga jeediyey oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Mustafe, Garaad Kulmiye, Abwaan Cabdi-Qays, Abwaan Dacar, Khadra Daahir Cige, Cumar Xasan Rooraaye, Abwaan Siciid Saalax, Abwaan Laabsaalax, Daauud Cali Maskaxaf, Fanaanad Nakruuma, Inantii uu dhalay Abwaan Sangub iyo xaaskiisii, dhamaantood mar dhow ayaanu idiin soo gudbin doonaa.

Be the first to comment