Sawir laga qaaday carruur qoxooti Suuriya u dhashay oo si weyn loo hadal haya

Jordan (JigjigaOnline) – Sawirro laga qaaday carruur Suuriya u dhalatay oo ku sugan xerada qoxootiga ee Urdun ayaa lagu soo bandhigay Birmingham.

Sawir qaade Kate Green, oo fadhigeedu yahay magaalada Birmingham ayaa bishi June booqasha ku tagtay xerada qoxootiga ee Za’tari oo ku taallo dalka Urdun, xeradaasi oo ah xerada qoxootiga labaad ee caalamka ugu weyn.

Sawirrada ayaana lagu soo bandhigay bandhig dhaqaale looga uruurinayey oo ay hormuud ka tahay sanduuqa Martin James si dhaqaala looga uruuriyo dhallinta xerooyinka qoxootiga ku sugan.

“Xaaladdi adkeyd oo aan ku soo arkay halkaasi ma aha mid la qiyaasi karo” ayey tiri Ms Green.

“Haddii aan dooneyno inaan xerada Za’atari ugu yeerno hoy la aqbali karo, waxaan u baahannahay inaan markale fikirno”

Sanduuqa Martin James wuxuu sheegay xerada qoxootiga Za’atari iney ku nool yihiin qoxooti ka badan 80,000, laga soo billaabo 2012-kii kala bar dadka ka soo qaxay Suuriya waxay ahaayeen carruur.

Ms Green waxay sheegtay “iney aad ula dhacday farxadda carruurta iyo noolashooda sida ay ugu kalsoon yihiin, iyaga oo wajahayo caqabado aad u badan.

Aasaasaha sanduuqa Martin James Cockburn wuxuu sheegay in loo baahan ahay daryeel maskaxeed muhimna ay tahay “si loo xaqiijiyo carruurta si ay awood ugu yeeshaan oo ay uga gudbaan xaaladda adag noolal cusubna ay u billaabaan.”

“Waxaan dhab ahaan u rajeeynaynaa bulshada qaybaheeda kala duwan iney bandhiggaan booqdaan oo ay taageeradooda nasiiyaan,” ayuu yiri.