Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Khadka Telefoonka Kula Xidhiodhay Madaxda ADP & TPLF Iyo Nuxurka Hadalladii Ay Is Dhaafsaden

Addis Ababa (Jigjigaonline) – Qaar kamida warbaahinta gudaha ee fadhigoodu yahay magaalada Addis Ababa ayaa soo tabiyay in Raisul wasaaraha itoobiya Abiy Ahmed uu taleefan kula hadlay gudoomiyaha ururka TPLF Dr.Debretsion Gebremichael iyo dhigiisa Demeke Mokennon ahna Raisul wasaare kuxigeenka itoobiya.

Arintan ayaa imanaysa kadib khilaaf xoogan oo in mudo ahba daashaday labada urur oo labadii maalmood ee udanbaysay banaanka yimid, kaasoo khatar galinaya jiritaanka guud ee EPRDF, islamarkaana dhabar jab ku ah hogaanka haatan ee EPRDF PM Abiy Ahmed.

Raisul wasaaraha ayaa lasheegay inuu labada dhinacba ka codsaday inay xaalada dajiyaan islamarkaana wadahadal laisugu yimaado. Waxaana lasheegayaa inay EPRDF dhawaan kulmi doonto.

Dadka siyaasada faaleeya ayaa kadayrinaya awooda fulineed ee Raisul wasaaraha oo ay sheegayaan inuu isku wadiwaayay xisbigii uu hogaanka u ahaa islamarkaana ay adagtahay inuu wadanka isku wado.